Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Thursday September 20, 2007

HESHIISKII DFKMGS IYO REER C. CADDAAN OO BEDELEY JEWIGII SIYAASADA SOOMALIYA.

Shacabka Soomaliyeed meel-kasta oo ay joogaan Gudaha iyo Dibadaba, gaar ahaan kuwa ku daalay qurbaha ee u hiloobay sidii ay mar uun dib ugu noqon lahaayeen Wadankoodii hooyo ( home desire),waxaa rejo weyn oo fiican geliyay heshiiska dhowaan Wadanka Jabouti ku dhex-marey DFKMGS, reer Cumar Caddaani, Maxamed Deylaaf, Eng. Cabdulqadir Maxamed Noor ( Enow), Sheekh Axmed Noor Cali Jimcaale , Bashiir Raage Shiirar iyo qaar kale oo badan.

Shirkaas Jabouti ku dhex-marey Dawladda Federaalka ee uu hoggaaminaayay madaale mideeye nabad-doon R/W Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Mas'uuliyiinta kor ku xusan, wuxuu Soomalidu meel-kasta oo ay joogaan bilaabeen ka had-lidda waxa fiican (optimism), meeshii awel 18 sano ku dhowaad looga hadli jirey waxa xun oo kaliya ,

Qurba-joogta Soomaliyeed waxay qireysaa inay dhab ka aheyd hadal uu dhowr jeer ku cel-celiyey Madaale Mideeye R/W Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ahaay " DFKMGS ka daali-mayso nabada Soomaliya inay u foosho geed gaaban iyo geed dheer"

Umad culeys saaran yahay, marka Rabbi ka qaadi rabo culeyskii, waxaa jira calaamooyin lagu garto, sidaas aawadeed waxay shacabka Soomaliyeed yidid-diilo fiican ka filaayaa Heshiiskii eey dhowaan ay kala sixiixdeen Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo Wafdigii uu hoggaaminaayay Samata-bixiye Madaxweyne Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed oo ay-na ka mid ahaayeen Ra'iisul Wasaareha DFKMGS Prof. Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Baarlamaanka KMGS, Sheekh Aaden Madoobe iyo 400 ergooyin oo ka qeyb-galey shirkii dib u heshiisiinta Qaran ee beelaha Soomaliyeed oo lagu qabtey caasimadda Soomaliya ee Muqdisho bishii la soo dhaafay.


Gabagabaddii, laga soo billaabo heshiiskii DFKMGS iyo reer Xaaji Cumar Caddaan Caamir ku dhex-marey Waddanka aan Walaalaha nahay ee Jabouti iyo kan Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo DFKMGS eey dhowaan ku kala sixiixdeen Jeddah Sacuudi Carabiya, shacabka Soomaliyeed 95% waxey rumeysan yihiin inay dhammaatay shidaddii Soomaliya oo soo jiitamaysay ku dhowaad 18 sano.


Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, Minnesota
 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved