| |
Monday September 24, 2007
Iftiinka Dowladnimo haddii uu dumo Nin
walbow degaankaagu haku deeqo
Nasiib darro, beryahaan danbeeyey waxaa aad iyo aad looga soo deyrinaayay
wada shaqeyn la'aan xooggan iyo khilaf ba'an oo soo kala dhex-gashey labada
mas'uul ee ugu serreye DFKMGS Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo
Ra'iisul Wasaaraha DFKMGS mideeye madaale Prof. Cali Maxmed Geeddi.
Khilaf-kaan cusub wixii ka horreeyey, shacabka Soomaliyeed 95% waxaa u
muuqanaayay iftiin dawladnimo, haddasa arrinta Soomaliya waxay u eeg
tahay"meeshii Cir laga filanaayay Ceer-yaamaa ka timid".
Warar kala duwan waxay sheegayaan in labaddeen (2) mas'uul, sii kala
fogaadeen ka dib markii nin sheegtey inay isku heyb yihiin Cabdulaahi Yuusuf
Axmed, horeyna u ahaan jirey Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu si bareer ah
u af-lagaadeeyey Xukuumadda golaha Wasiiradda DFKMGS.
Warar kalana waxay sheegayaan in Xafiiska Madaxweynaha laga soo xigtey inay
la Taliyayaasha Cabdulaahi Yuusuf kula taliyeen in uu bisha Oktoober 10,
2007, Iska bedelo Ra'iisul Wasaarahan Aqoontiisu gaar-siisan tahay heer
Professor, dibaddeedna uu beelweynta Hawiye ka soo xulo Ra'iisul Wasaare
kobo qaad ah ( yes sir)
Iftiinka Dawladnimo haddii uu dummo nin walbow haku deeqo deegaan-kaaga.
Ha guuleysto qorshaha ah in is-maamul goballeed loo dhiso goballaddii leesku
oran jirey Ex- Banaadir.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester,Minnesota.
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|