Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday September 14, 2007

Soomalida South Africa ceelna uma qodna cidna uma maqna !!!

Waxa hubaal ah intii ay burburtay dawladii dhexe ee dalka ka talinaysay uu dalku galay qalaalqal iyo kala haad

taasoo keentay inuu qof waliba uu u baxsado meeshuu is leeyahay waad kula badbadi karta naftaada iyo maalkaaga

wadamo badan oo aduunka ah ayey somalidu u kala yaacday oo AFRICA iyo ASIA IYO YURUB taba ah kuwaaso ayakuna kaalmo siinayey DADKA qaxootiga ah ee uu DALKOODU somaaliya burburay soona dhawaynayey nolol fiicana ay ka heleen iyo ganacsi

QORMADAYDAAN AAN UGU MAGAC DARAY
SOMALIDA SOUTH AFRICA CEELNA UMA QODNA CIDNA UMA MAQNA!

Taasoo ah silica ku haysta somalida dagan dalka koonfur africa (southafrica)

oo noqotay halka logu somali neceb yahay ee aadka loogu xasuuqo taaso aan dhihi somalida uga so carartay dalkoodi xasuusqa inay kala kulmeen dalka koonfur africa midka ka socda dalkooda mid ka daran ee aysan dawlad iyo shacab midna u damqanayen dilalka aadka u foosha xun ee ay ku haaan Somalida

ee qofki la dilo aan dib la isku waydiinayn ee logu ronaanayo in la qado maydkiisa kaliya lana geeeyo meesha maydadka tasoo ayaka u ah faadiido hor leh oo qofkaas maydkiisa oo ay kala baxayaan beerka iyo kalyaha oo aan dhihi karo qaymo aad u sareeya ayaa laga kala siistaa dalka konfurta africa
dilalka naxdinta leh ee aan kala jogsiga lahayn ee ka socda dalka koonfurta

ee lagu ugaarsanayo somalida ayaa waxay tahay sababtoodu in ay somalidu ka furatay dalka koonfurta africa ganacsi aad u sareeya oo alaabaha ay ku kenayaan wax aad uga raqiisan waxay ku keenan dadka u dhshay dalkaas kuwaas oo dantoodu tahay somalidu

dhaqaalaheena ayey wax u dhimaysah oo alaab sicir qaali ah noogu fadhida ayey raqiis ka bixinayaan

sababta loo aananayo dilalkaas ayaa ah taas oo somalidu dukaama hooda waxay alaabta ka bixiyaan wax aad raqiis uga ah inta uu ka bixinayo dukaanka ku dhagan ee uu leeyahay ninka madawga ah.


dabadeed ninka madaw ga ah waxuu samaynayah wax walba oo uu ku hormarin karo ganacsigiisa uuna iskaga reebi karo ninka dalkiisa qaxotiga ku ah ee hor istaagay ganacsigiis

mudadii ay somlaidu gaartay dadka lagu dilay dalka koonfurta africa ayaa ah dad kor u dhaafayah ilaa 1650 qof oo Somali ah oo dhamidood RAG ah

somalida ku nool dalka konfurta africa marki ay dhalatay dawlada dalka ka jirta ee uu madax waynaha ka yahay

col: cabdulahi yuusuf
ayaa somalida halkas ku nool ay is dhaheen hada ayaad ka baxaysan dhibaatadii idin ku haysatay dalkaas oo dad dawlad leh ayaad noqoteen oo dad xaqiina idin soo dhiciya ayaad helaysaan taaso aan dhihi karo waxay noqotay
(HELI WAAYEY WAXAN KU HAMINAYEY)

Tasoo suurta gal noqon wayday ee dadka south africa ay wali la, yihin dad ama dawlad uga hadla xaqooda ay la aayeen mudadii uu burbursanaa dalokoodu.

taliye ku xigeenka ciidanka dalka koonfurta africa mar wax laga waydiiey dilalka waxshi nimada ah ee lagu hayo somalida ayuu ku jawaabay


(SOMALIDU DAD MALAHAN DAWLAD U HADASHANA WARKEED DAA !)


taasoo fajac iyo u qaadan waa ku noqotay dadka somaliyeed meel walba oo ay dunida ka jogaan
haday madaxdii saas leedahay maxad ka sheegta shacabkii madax da loo ahaa!!!


cadaawada aad u saraysa oo marba marka ka danbaysa sii laba kaclaynaysa ee looga qabo somalida dalka koonfurta africa waxan dhihi karaa waxay maraysaah meeshii ugu saraysay.


oo noqotay somalidu markay isku yimaadaan meelaha lagu qaxweeyo ee magaalooyinka waa wayn ee dalka koonfurta africa ay tahay hadal haynta ugu wayn ee ay is waydiinayn (MAANTA IMISA QOF OO SOMALI AH BA LA DILAY ?

yaab!! walee waa wax laga yabo: maxay tahay calaamada gaarka ah ee somalida ku dhagan ee sida gaarka logu ugaarsanayo.

aniga oo so koobayah qormadaydaan ayaa waxan ugu danbayntii leeyahay

somalida halkaas ku nool waxay aad ugu baahanyihin inay dalkoda uga dhalato dawlad somaliyed si ay ugu soo noqdaan dalkoda ayna iskaga soo tagaan nolosha aadka u foosha xun ee ay hada kula nool yihiin inta badan wadama africa GAAR AHAAN KOONFURTA AFRICA.

oo ah inta wadan ee ay somlidu ku tagtay qaxooti Wadanka ugu somali xasuqa badan wadan la mida aan la arag wali

ISMA DHAAFNO

waa qalinki USTAAD
C/rahman Mohaud Osman (Diite)
diitemoha@hotmail.com
diitemoha200@yahoo.co.uk


 

 

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved