| |
Monday April 28, 2008
40 xildhibaan hala ii soo xiro xiligeed
lama joogo.
Xilli yaal-kaan aad u danbeeyey warar laga soo xiganaayay xafiis-manka,
xilalka waa weyn u xil saaran, waxaay sheegayeen in eey xeer ilaalinta guud
ee qaranka inaay qorsheyneyso, xilli aan saas u fogaa doonin inaay soo
xiri-doonto afar-tameeyo (40) xildhibaanyo ah, laakin waa xirfad aan socon
doonin, waayoo xilli- geedii lama joogo.
Haddii xisaabtan yimaado, kuwa xafiismanka sare haaya, ma jiraa Xildhibaan
aan wax xumeynin oon dad badan xawda ka goynin, gaar ahaan xigtadiisii amba
aan xoolo dad qaadan ee waa ii xalal aan ku xad-reynin?.
Sida lawada xusuusan yahay, Ra'iisul Wasaarihii hore ee DFKMGS Prof. Ali
Mohamed Ghedi, seddexdii (3) sano ee uu xilka Xafiiska Ra'iisul Wasaaranimo
haayey ( 3) jeer ka badan ayaa leysku dayey in la qaarajiyo oo lagu weerarey
wax yaalaha sida weyn u qarxa, waxaana ugu darreey labaddii ( 2) weerar ee
ka kala dhacey garoonka weyn ee ciyaaraha steduim Mogadishu iyo agagaarka
Hotel Gurguurte ee degmada Yaaqshiid, mogadishu, Somalia.
Dhammaan weerarrada kor ku xusan, baaritan dheer ka dib, waxaa la ogaadey
inaay dhammaantood ka danbeeyeen dhowr Xildhibaan oo ka tirsan 275
Xildhibaannida Baarlamaanka Soomaliyeed, weliba qaar ka mid ah, waxay ka mid
ahaayeen xukuumaddiisii xilligaas jirtay, balse waxaa leesaga dhaafey inaan
lagu jirin xilli la xisaabtamo oo leys Maxkamadeeyo.
Waxaa nasiib darro ah, xukuumadda xilligaan jirta waxay ku jirtaa xilli aad
xasaas u ah, waayoo xabadaha mucaaradka waxaa laga maqlaayaa taako kasta ee
Soomaliya ka mid ah, haddii misena lagu cel-celiyo bilaha soocoda, 40
xubnood oo isugu jira Xildhibaanno iyo Wasiiro ayaa la maxkamadey-doonaa,
waxaa loo micneysan-doonaa cimri dheereysi iyo diidmo Doorashadii 2009ka
lagu ballan sanaay, taas oo keeni kareysa in aay kacaan dad badan oo
sugaayey doorasho xor ah oo ka dhacda Soomaliya sanadka 2009ka.
Xildhibaanaddii dalkow xusus-naada dhowrkii sano ee la soo dhaafey waxaa loo
xusul duubaayay siddii dib loogu soo celin lahay Xoriyaddii iyo karaamaddii
Soomaliyeed ee lala aay dhowr iyo toban sano,balse ogaada haddii aad u
bedeshaan xukun is jecley-siin, wixii xumaada idinkaa xilkeeda qaadi doona,
waxaadna ku qornaan doontaan xaan-shi madow.
40 Xildhibaan hala ii soo xiro xilli-geed lama joog ee waa in uu xisku
taliyo oo uusan talin xukun jeceyn.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|