Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wednesday October 31, 2007

Sheekadii Axdigii Jaceyl Keena Wali Kama aan Bixin Qeebtii Sadexaad (3)

Sacdiyo iyo Farxiya waxa ay Dhexda u xirteen Cabdiraxmaan in uu ka baxo Xaalada murugsan ay gashay Naftiisa, Maalin iyo Habeen waxa dul istaagan Sacdiya Saxibadeed Farxiya oo Balan ka qaaday Farxiya in ay ka Caawinayso Daryeelka Cabdiraxmaan Madaba ay Sacdiyo ay tahay Marwo Laqabo lagana fiican yahay ayadoo la qabo in lugu arko Guri nin kale uu leeyahay ayadoo kasoo baxaysa ama nin lasocoto inta badan, Balse Farxiya waxa ay tahay Gabar hadana Daris la ah Cabdiraxmaan Guriga uu hada dagan yahay, Farxiyo Habeenkii waxaa ay ku gadhaa waqti Dabe, ayadoo soo Agfariisato una sheekaynaysa, Waga Markuu Baryo Farxiyo waxa ay Adeeg u doonta Reerkooda balse waxa ay sii martaa Guriga Cabdiraxmaan ayadoo sii ogaanaysa sakay,Cawa barigiisa markii ay soo adeegatana waxa ay lasoo mari jirtay Qudrad Sida Liinta, Cabaha, Saytuunka, iyo wax yaabo kale oo soo celin karta Nafaqadiisa.

Farxiyo waxa dhalay Waarid aad iyo aad u Fiican hadana yaqaan Bini adanimada iyo in lays Caawin karo, Kalsoonina ka haysta Gabadhooda in ay Ceeb usoo jiideen, Farxiyana waxa ay tahay Curada Reer kooda, Waxa ay Caan ku tahay kaftanka,Dhoorsanaanta,Asxaanka, Xushmeenta Dad ka wayeeyn iyo Daryeelka walaalaheed ka yar yar, Farxiya inta badan Galabtii hadii ay soo labisato kuna soo labisato Labis ay wadan Gabdhaha jaarka la ah ayeey Cabdiraxmaan utimaada
isagana waxa ay oran jirtay Soo labiso, Cabdiraxmaan wuxu ku Fiican yahay Hadalka layiraahdo waa mid qaata, hadii uu soo labisto si wada jir ah u adaan magalada kadibna Markii ay soo wareejiso Farxiyo ayadoo geesa meelo markas uu jeclaado, markii ay soo dhameytaan waxa ay soo Maraan Guriga Farxiyo waxan inta badan jooga Farxiyo

Hooyadeed Xaawo Cali iyo Abbaheed Axmed Nuur oo inta badan lugu yaqaano Asxaanka iyo la macaamilka Dariskooda sida wanaagsan, Cabdiraxmaan waxa losoo dhaweyaa si aan losoo dhaween dad ka kale kadibna Cabdiraxmaan oo jeclaysta in uu joogo Guriga Farxiya, ayuu adaa Gurigiisa isagoo Farxad iyo qosol kala taga Guriga Farxiyo waxana sii dhaweeya Farxiyo Abbaheed iyo Farxiyo siwada jir ah

Sacdiya oo Joogta Gurigeed Xili Habeen na ay tahay ayaa waxa la soo hadlay Nin keeda (Saygeeda) oo usheegay in ay Timaado Bisha Dabbe Nairobi si ay u marto Visa uu uso xareeyey oo dhawaan lasoo dhajin doono,Sacdiya waxa soo gashay Safar aysan jeclaysan balse Sacdiya waxa ay ka codsatay Nin keeda Lacag 1000 $ doolar ah oo ay ugu sheegtay in Magalada looga leeyahay in uu ka bixiyo Lacagtaas wuuna ka yeelay in uu wiiga dabe usoo dirayo Tii Diyaarada iyo Tan Deenta , Sacdiya siday jeclayd waa ay u noqon weyday si Kadis ah ayeey ugu yeertay Saxibadeed Farxiya una sheegtay in ay Baxayso Asbuucaan, Raalina aysan ka ahayn ama ay ka xuntahay in ay baxdo Xaalada Cabdirahmaan oo sidaan ah ayadoo dhahaysa Saxibay maxan sameyaa .


Farxiyo waxa ay ahay ama lugu yaqaana Talada wanaagsan iyo sida ay talada u goyso,Farxiyo waxa ay ku tiri Saxibadeed Sacdiyo in ay baxdo ayadana ay sii wadan doonto Balan tii ay ka qaaday Saxibadeed, Sacdiyo
Waxa lagaray waqtigii ay baxaysay ayadoo u yeertay Saxibadeed Farxiya uguna dhiibtay 1000$ Dollar oo ay Nin keeda ugu sheegtay in lugu leeyahay Dayn, Sacdiyo waxa ay u duushay Kenya Qasatan Nairobi, Maalin iyo Habeen waxa ay la soo xariiri jirtay Farxiyo ayadoo ka wareesanaysa xaalada Cabdiraxmaan lacagteedii Biilkana ay oga Qoondaysay Lacag 100 $ Doolar in ay suu dirto Bil walba iyo waxa ay heli karto

Farxiyo Lacagtii 1000 Dollar ee luugu dhiibay Cabdiraxmaan waxa ay samaysay Wiil Ganacsi ku haysta Bakaaraha Ayeey ugu dartay in uu ku shaqeeyo Xaalada Cabdiraxmaan waxa ay Gashay Xaalad ka soo rayn leh Maalinba maalintii ka dabaysaba wuu soo Fiicanayey Farxiyana waxaba Galay Jaceyl siduu usoo kabanayo Caafimaadkiisa Cabdiramaan ayaa ayadana Jaceyl ugu beer mayey.

Cabdiraxmaan Shan maal mood wuxu ku jiray Hurdo waqti uu wax cunayo moyee hurdo uusan waligiis uusan helin ayuu helay, Maalintii Dabe waqti galab ah intuu kacay ayuu Labistay, Cabdiraxmaan aad iyo aad ayuu ugu qurxoonyahay Dhex xirashada Isago Fadhiya Banaanka Qoraxduna Baalka dhigatay ayaa waxa u yimid Farxiyo intay gees ka fariisatay ayeey tiri Galabtay aad iyo aad ayaad u labisantahay Sidaan kugu arki jirayna waad ka badalantahay

Cabdiraxmaan ayaa wuxu ku yiri Farxiya waan ogahay Abaalkaad igu leedahay kumana gudi karo oo Amal waa lagalaa balse lama gudi karo, Maal mahaana Caafimaadkayga wuu ka soo raynayey dodobaadkaan waxan is ogaaday in aan ahaa nin Garashada ka maqynayd balse waan iska amusay oo waxan u kuur galayey mar xalada aan ku sugnaa iyo Xaalada aan soo Maray, Adeer ayaan weydiiyey balse iima sheegin Waxaad ahayd Qofta kaliya aad iyo aad igu soo dhawaatay intaan xasuusto hada balse ii sheeg Dad kaygii iyo xaalada aan soo maray intaba igaga falood hana is oran in ay dhib gadhaa Teer iyo maantay waxaan ku mushquul sanaa sidaan u heli laha cid i fahan siisa bal igaga falood fadlan waa codsigayii igu horayey

Ma aan jecli in aan ku xasuusiyo waxad soo martay ama waxad ku soo jirtay, Mudo Laga joogo hada Lix bilood Nolashaada aad iyo aad ayeey u xumeed maskaxdaadana way maqneed, Reer kiini oo dhana adiga ayaa ka bad baaday adigana dhoor bilood waxad jiiftay isbitaal Alxayaad


Intuu ilmeeyey ayuu yiri waa qadar, Qadarka Rabina lama Diidi karo Balse waan ka xumahay Masiibada igu dhacday, Madaba aan Reer kayagii oo dhan Dunida aysan joogin waa Masiibo Qof Nasiib Xun ay ku dhacdo, cajaa ib weeye dunidaan wixi dhacayna Rabi ayaa wata cid ka daba hadli karta ma lahan.

Farxiyo intay kacday ayeey tiri waxan rabaa in aan Telephone diro oo aan usheego Sacdiyo in aad Caafimaaday waa ay ku farxaysaa,Cabdiraxmaan ayaa yiri Sacdiyo waa tuma, yeesa tahay farxiyo, waxa ay ku tiri Farxiyo waa gabadhaad jeclayd oo ka qeeb

qaadatay sidaad u caafimaadi lahayd waa qofta qarash oga dhamaaday siday u arki lahayd adigoo caafimada, Cabdiraxmaan wuxu yiri Meeday igagana falood qoftaas waa qofta kaliya oo aan ka fiirsanayo dunida

Farxiyo waa ay amustay kadib ayeey tiri Sacdiyo waxa ay jirtaa Kenya Qaasatan Nairobi waana la guursaday, oo waxa laga yabaa in ay ado Dibada balse intaas Telephone ayeey igula soo xariiri jirtay ayadoo I waydiinaysa Caafimaadkaga, Teeda kalena Biilka losoo diro ayeey kaga soo dirtaa Biilkaga

Cabdiraxmaan Gacmaha ayuu Madexa Saartay isagoo hadalka ku dhagay Cabaar kadib farxiyana ay ledahay maxaa kugu dhacay ayuu yiri waxan maqli jiray qofkaas wuu nasiib xun yahay balse aniga waxan ahay qofka kaliya oo dunida ugu nasiibka xun waayo Reer kayaga waa ay wada dhinteen qoftaan jeclaana waa laguursaday yaa iga nasiib xun intuu kacay ayuu aday qolkiisi isagoo oyaya Farxiyana dhahayso waxas waxa ka weyn caafimaadkaga


Aqristayaasha Qiimaha lahow lasoco Qeebta kale ee sheekada oo noqon doonta qeebaha ugu xiisaha badan sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan usoo galin doona hadii alle idmo


Qoraa Sare Mohamed Ali Maslah (Maxamed Boodhari)
Ilkacase461@hotmail.com
Ilkacase461@yahoo.com
Ilkacase461@gmail.com


 

 

13432093

© RSTV 2007. All Rights Reserved