Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday October 08, 2007

Axdigii Jaceylkeena wali kama aan bixin
 

Sacdiya waxaa ay si kadis ah ula kulantay Saxibkeed Cabdiraxmaan, Kadiskaas oo nolasha Sacdiya ku abuuray walaac Farxad iyo Murugo wata, Sacdiya luguma aqon in ay fariisato daaradda dibadeeda, xili habeenimo ah ayadoo fadhida banaanka isla hadlaysa ayaa saxibadeed Farxiya utimid ayadoo layaabsan sacdiya oo Fadhido banaanka hadana aan lugu aqoon jirin in ay banaan ka hortisa Fariiisato, Farxiya oo ahayd Saxibbadeed inta badana isku war qarsan jireen hadana Cabdiraxmaan ay taqaan in uu ahaa Saxibkeed, Farxiya waxa ay ku tiri Caway maxaa jira sacdiya sidaadii hore maad tihide waqtigaad fadhidid banaanka waadna lasocotaa xaalada magaalada in ay ka jirto nabad galyo xumo ee ina keen oo Guriga nasoo gali, Siwada jir ah ayeey guriga usoo galeen hadana waxa ay tiri Caaway maxaa jira bal isheeg kolay waxan modayaa in ay jiraan dhib taas oo kula soo daristay.


Sacdiya ayaa tiri ayadoo Sarbeeb ugo dhigaysa balse Saxibayeel waa intii istaqaane Sacdiya waxa ay tir

Farxiyaay Caafimaadka rabaa haya in uu rabi siiyo Caafimaad Amin dheh
Caadilbaa awood leh in uu maskaxdiisa usoo celiya Amin dheh

Dhibaa haysata in uu rabi ka dulqaado Amin dheh

Anigana Caashaqbaa igu soo laba kacleyey in aan helo Amin dheh
Dad kiisii samir in uu ka siiyo Amin dheh

Wuu Rafaadsanyahay in uu rafaadka ka baxo Amin dheh
Axdigii in aan ka bixin adigaba waad ogtahay.

Farxiya ayaa tiri ma Cabdiraxmaan miyaa Xaaladaas ku sugan , Haa Cabdiraxmaan ayaa galabtay soo arkay waxa uu dagan yahay siijeedka isagoo aadan garan karin hadana qosol iyo ooyin ay u noqotay hoygisii maskaxdiisiina ay maqan tahay qof aqoon jirayna aan garan karin, xaalad adagna ku jira waxaba laga yabaa in uu gacantiisa isku dilo wuxu ku hayaa maan dhinto maxan u noolahay, Reerkoodii oo dhan waxa ku habsatay Masiibo, Madfacyadii magaalada ka dhigay maalinta ayaa mid ka mid ah ku dhacay Hooyadis, Abbihiis iyo walaalihiis intaba kama aysan baxsan waa ay kuwada dhinteen, isagana isbitaal ayuu galay intii aan ku rafaadayey Telephonekii iyo sugitaan kiisa isagana Faleebo ayaa ku socotay waxan la yaabsanahay Xaaladaan uu ku sugan yahay hadana adeerkiis oo nin wayn ah aya haya wuuna ku rafaad sanyahay waqti aan ku fiirsan karin yaa haya Farxiyaay waxad tahay qofta inta badan isku keena taqanay Cabdiraxmaan shalay markaan guursaney nin kaygana aan kala tashaday maantayna taladaan ayaa taala maxan sameyaa.

Farxiyo waxa ay ahayd waxgarad inta badana talada Farxiya iyo tan sacdiya waxa ay ahayeen kuwa siwada jir ah go aan ku gaara, Farxiya lama qabo waa gabar waxa ay tiri Sacdiyaay maantay cabdiraxmaan waxa uu nooga bahanyahay garab ku fiirsan mayno adigana dumin mayno gurigaaga aniga waxan ahay Gabar waxan kaa caawinayaa waqtigayga oo dhan in aan u huro Cabdiraxmaan lajoogida, lasocodka iyo xanaanadiisa intabada aniga ayaa dabaraya adigana waxad u qeebsantahay wixi dhaqaale ah madaba Sacdiya ay ka dhalatay Reero wax leh sacdiya iyo Farxiyo sidaas ayeey go aan ku gareen sacdiyo oo dhahaysa saxibaday ayaad tahay inta badana waxan kula tashadaa Sama falka iyo talada fiican hadana sidas ayaa noo go aan ah wixi qarash ah aniga aya lataagan xanaanadiisana waa adiga waayo aniga hada waxaan ahay qof marwo ah lasocodkiisa iyo xanaaneentiisa dad ka wax kale ayeey u micnaysanayaan madaba aan ahay hada marwo.

Sacdiya Habeenkii way Seexan Kariweyday,hadii ay fariisato ayeey dhahaysay waqtiga dheera Caaway soo isagi durba waaga baryi jiray,Caaway ma saacado horle ayaa lugu daray, waayo waqtiga ayaa ku dheeraaday,waxa ay jecleed Habeenku in uu noqdo shansaac si ay ugu jarmaado Gurigii Cabdiraxmaan balse Waga markii uu baryey waxa ay wacday Saxibadeed Farxiyo, Farxiyo iyo Sacdiya siwada jirah ayeey ugu baqooleen dhanka Cabdiraxmaan, Gurigi markii ay Gareen Cabdiraxmaan Adeerkiis oo Guriga horteesa Kursi uyeelo,hadana Qu'raan Aqrisanaya ayeey ugu tageen weysalameen salaan kadib waxa ay isku sheegeen in ay yihiin Labadoodu Cabdiraxmaan Saxibadood hadana ay ula tagan yihiin wax kasta ay u awoodaan, ayagoo codsi ka dhigtay in ay ka qeebqataan Xanaanadiisa iyo Baadigoobkiisa Caafimaad, Wax garad ayuu ahaa isagoo qosol iyo farxad galiyey Sacdiya iyo Farxiya ayuu ka aqbalay, Farxiya Markii ay Arkeen Cabdiraxmaan oo Quraacanaya,Qosol intuu la dhacay ayuu ka tagay Quraacdisii, Sacdiya intay is hayn weyday ayeey kadaba Qaaday Quraacdii uu Cunayey Markaas ayuu ka qabsaday, Kadibna intay agfariisatay ayada iyo Farxiya ayeey yiraahdeen Cabdiraxmaan Cun Quraacda walaal, Intu Fiirshay ayuu Oohin la dhacay isagoo Ohintaas Abidkiis uusan ooyin waxana uu Tiriyey Geeraar Gabay ah oo inta badan ay ku taqanay Sacdiya in uu yahay nin Geraarka Gabay ku dheereya


Aduunyada Arkaysid waa Matalaade

Admigii is jecel waa lakala Qadaaye

Adinkana Cuntaad ugu qasbaysaan idinkama didi karaye

Adoo Farxad ku naloonaya waa lagaa bur buriyaaye

Allow adiga ayaa qisadaan watoo kuu daayeye

Adigaa Cidi ku hor istaagin waxad go aan ku gaadhide

Albaabkaad Duminaysid Cidi kama tala qaadatide

Ahmigayga wuxu yahay in aan Aaqiro u bato

Amin hadii aad igu cawisaan waa idinku mahad celine
Sacdiya intay is hayn weyday ayadana kadab ooyday, Farxiyana waxa lugu yaqanay Beer jileeca wax aamusiya ayaaba lawayey Cabdiraxmaan intuu istaagay ayuu yiri Aamusa, Sacdiya iyo Farxiya way ka soo dhaqaqeen waxa ay u yimadeen Cabdiraxmaan Adeerkiis waxa ay u dhiibeen Lacag hadana waxa ay yiraahdeen Galabtay waxan Geenayna Isbitaal, si aan dhactarka utusno, markii ay gareen waqtigii ay balameen waxa ay tageen Gurigi Cabdiraxmaan, Siwadajir ahna Gaari ayeey uqaateen ayagoo aday Isbitaalka Alxayaat Hospital oo kuyaal Dagmada Wardheeglay ee Xaafada Cali Kamiin.


Dr. markuu Baaray waxa uu Rajo galiyey in uu Caafimaadi doono hadii uu helo Xanaano iyo Baan, lagana dhowro meelaha Qaylada Badan watigiisana lugu lumiyo in uu helo dad xanaaneenaya waxana uu u qoray Daawo laba bilood Soconaysa, Daawadaas oo iskugu jirta Mid Neerfaha ah, Mid hordada iyo kuwa kale, waxa ay yimadeen Gurigii Cabdiraxmaan Meel ayeey Fariisteen waxana la soo baxeen Jalaato uu caan ku ahaa markii uu imaanayo Guriga Sacdiya in uu horay ugu soo qaadi jiray Sacdiyo, Sacdiya waxa ay ugo gol lahayd in uu xasuus uu galo bal in uu garto,Cabdiraxmaan markii uu Xogaa Cunay ayuu tuuray oo qosol ladhacay


Farxiyo iyo sacdiyo waa ay ka tageen ayagoo dhahaya Waad Caafimaadaysaa Insha allah hadi alle idmo, Adeerkiis na ay sii mareen kuna sii dhaheen Birtito ayaan u imaanaynaa adeer Odaygii oo faraxsan kuna haya waxan idin ku ducaynayaa Cimri dheer iyo Caafimaad, Ajarna allaha idin ka siiyo sidaad nocaawinaysaan insha alah isagana wuu buskoon doona hadii alle idmo.


Qeebaha kale oo Xiiso badan ayaa idin ku soo Food leh hadii alle idmo
Wixi Tala bixin ah waxan idin ku soo dhaweynayaa Gacmo Furan hadii alle idmo
Lasoco Qeebta Sadexaad ee Sheekadaa..

Qoraa Sare


Mohamed Cali Maslah (Mohamed Boodhari)

Email:ilkacase461@yahoo.co.uk
Email:ilkacase461@gmail.com
Telephone:254728343385
 

 

 

13432093

© RSTV 2007. All Rights Reserved