Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday April 25, 2008

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?
Part 4

Ileen kala gaceel xasuus buu kugu dilaa , ileen kaftan kaabu kaa jaraa ileen kaskaabuu ku hoos marshaa , inuu yahay jaceel kan aniga i heley bal dadyahoow intaan kaydsanayay daya ......walax iga tan waynbaa qalbigeeyga gubayoo ,iga jaray jidiinki oon ka seexan waayoo walwal igu abuuro alloow sahal amuuraha Rabanaa yasahal ,,,,,,,,,,

Wuxuu osmaan diiceey u soo luuday dhankaa magalada isagoo qalbigisa ay ka dhex guuxayso wuxuu kala kala kulmi doono manaal oo oo uu ka sugaayay jawaab. waa aduunyo qofkasta meel ayaay ka qabsataa wuxuu lugta soo mariyay gurigii saxiibkii ciiloow laakin muusa ka helin wuxuuna isago madluun ah afka soo saaray gurigii manaal ay jogtay intuu jidka ku soo jiray ayuu wuxuu fiirayay sacada ay balanta lahaayeen oo ahayd markay qoroxdu dhacdo wuxuuna jecleestay inuu ka hor u tago waayo waa nin uu waran ku tagan yahay, wuxuu is waydiiyay Osmaan diiceey, hada casir ayaa laga soo baxay guri gabari joogto wakhti la tago maahan ee aan iska samro xoogaaga ka hadhay salaada maqrib sidii ayuu isku caliyay wuxuu iska sii fadhiisatay cafeeteeri ay dhalin yaradu isugu yimaadaan waxaanu isku sii boojeeyey ciyaar meesha lagu fiirsanaayay isagoo marba wakhtiga firinaaya dhagtana u dhigaayay eedaanka makhribka.

Waxay talo sii gurguurtaba waxaa iska yimid wakhtigii uu sugayaay waxaan ku hor maray masaajidka wuxuu iska soo bixiyaay salaadii maqarib kadib kabaha ayuu gashaday wuxuuna isku sii daayay gurigii ay ku nooleed manaal siday tahay ramadaan oo uu afur u ordaayo , Osmaan diiceey wuxuu soo istaagay gurigii uu balanta ku lahaa ee ay ku nooleed Manaal, Osmaan markuu albaabka garaacay wadnahiisa waxuu u garaacmaayay sidii qof ka qayb galaayay Oradada ama maaradoonka 1500 oo miter, waa qof jiran ileyne jacayl waa cudur dhuuxiyo lafaha gala dhagar qabana weeyaan , waxaa guriga ka furtay gabadh yar oo uu san aqoon wuxuna waydiiyaay Manaal gabadhii ayaa ugu jawaabtay Manaal suuqa ayaay u yara baxday Wuxuu sii waydiiyaay Goorma ayay soo noqanaysaa , 2 saac kadib ayaa laga yabaaq inay soo noqoto ayaa loogu jawaabay.

Wuxuu fiirayay saacadii waana 6:30 kii galabnimo wuu iska soo dhaqaaqay Manaal telefan malahan lagala Xidhiidho balantii way ku sii dheeratay wuxuu ku soo laabtay cafeeteri udhoow xaafada Manaal wuxuu iska fadhiisatay waxuu la sheekaysanayay sacadiisa isagoo aad ugu dhararaayay inuu lakulmo Manaal si uu ugu helo Macluumaadkuu ka sugayaay ama waxay ugu hayso Arinta uu u dirsaday ee Raaqiyo waxuu isla sheekaysato waxaa la gaadhay 8 fiidnimo wuxuu isku soo shareeray gurigii Manaal uu ku tabaayay isagoo aad ugu cabsi qaba inaysan joogin wuu soo istaagay wuxuuna yeedhiyay ganbaleelkii guriga waxaa mar labaad ka furtay gabadhii yareed wuxuu waydiiyaay Manaal matimid?

Yartiina intay qososhay ay dhahday wali may imaan lakiin way soo dhoow dahay ee maxaan kaa gadhsiiyaa haday timaado wuxuu ugu jawaabay Osmaan waad mahad santahay Adeer Waan soo labanaa ,

Osmaan dib ayuu isoo laabtay isagoo aad u madluunsan niyaduna ay ka jabtay wuxuuna ka soo dagay salaanka guriga markuu xoogaa soo dhaqaaqay ayuu waxuu maqlay Osmaan gadaal uu fiirshay wuxuu arkay 2 gabdhood oo soo sacdo bacna gacanta ku sida waxaa ka soo baxday neef aad u wayn wuxuuna u dhaqaaqay gadaal isagoo wajiga saaray dhanka looga yeedhay ee labada gabdhood ka soo socdaan markuu u dhawaaday ayuu sifiican u fiirshay , Waxa uuna gartay inaysan aheyn Manaal qofka u yeedhey ee ay tahay gabadh ay is yaqaanaan waxaanu dib u liqay hamigii hayay isagoo madax ruxaaya ayuu gabdhihii u tagay wuu salaamay cabaar ayaa la is wareeysatay isagoo wajiigiisa ka dhigaya qof faraxsan lakiin qalbigu uu aad u holcaayo wuxa uuna la taagnaa gabdhahii mudo 15 daqiiqo ah waxaanay meesha isku macasalaameeyeen gabdhihii wuxuuna usoo dhaqaayay dhanka cafeeteeriga uu ka yimid hadeer isagoo sheydaanka iska naaraya oo isku qancinayay waxii daaha ayuu qeyrku ku jiraa intaanu soo gaadhin cafteerigii ayuu ku leexaday net caf u dhoow cafateeriga albaabka netka markuu usoo dhoow yahay ayaa waxaa netka cafeega ka soo baxday Manaal aad ayuu u farxay waxaan afkiisa ka soo baxaday AL XAMDU LILAAHI RABIL CAALAMIIN way soo dhaqaaday markay argtay ,

Osmaan diiceey waxay ugu dhigneed isagoo la kulmay Raaqiya, wajigiisa faxada ka muuqatay Sikal gaceel leh ayay Manaal u salaantay waxaanay ka raali galisay Maqnaashaha ay Guriga ka maqneyd waxaanay usii raacisay ina mari aboowe guriga, Osmaan Diicey waxuu laqaaday alaab ay sida tay Manaal,waxaana ay hore ka aadeen guriga Hadaba mar key gareen guriga maxaa dhacay? sideese wax udhaceen? Muxuuse lakulmay osmaan diicey? mase helay jawaab uu ku farxo?

La soco qeybta 5aad ee sheekada iyo goor dhaw



W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}
E-Mail:-koyla571@hotmail.com

 

 

 

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved