Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday November 06, 2007

Noloshu waa jaceyl Jaceylkuna waa Nolol!"
Qeybtii 6aad.


Saado Cali warsame:"Nafta raaxo jecelaa raafaad iyo dhib necabaa! reer magaale caashaqey rubidiisu nugulahaa. Haduu waayo kuu rabay rogol noqosho badanaa haa! Ruux ruux ka maqan yahay hurdaduu ku reemiyo riyo waali badanaa. Raggu naago jecelaa dumarkuna u roonaa. Haatana diiq dagaaliyo colol raagto badanaah Kolay wey is reebaan Kolay wey is raadshan is lama daaqaan!!!"


Waxaan hubaa in aqristayaal badan iyo lamaanaha jaceylku aseebay kuwa badan oo ka mid ah ay is weeydiiyeen sida ay ku hubin karaan in qofkaan sheeganaa inuu jecelyahay oo DHAB U JECELYAHAY IYO IN KALE? Suaasho wa mid da'a weeyn, oo la nooleed waayaha iyo waqtiga adduunyada! Sida aan filaayo ma fududa in la ogaado qof ineey ku jeceshahay/jecelyahay iyo inkale, balsa hadii aad adiga u qalab guratid ma adkaan doonto ee ila soco aqriste!. Maxaayeelay qofta hadii aad horay u taqaanay waa isbedeshaa oo qof kale ayuu noqdaa/noqotaa. Laakiin astaamaha caanka ah oo qofwalba oo isku taxalujisay in ay ogaato xaqiiqada lamaanaheeda ay iska ogtahay ayaa waxeey yihiin kuwaan soo socda:

 Qofta/qofka sida dhabta ah oo aysan beento iyo iska dhigitanko ku jirin wax u jecel waxaa lago yaqaanaa inuu marwalba niyada ku haayo qofta/qofka oo ku jecelyahay, kana sheekeeyo. Iskana jeclaan lahaa inuu la joogo ama ay ismaqlaan marwalba oo kaligiis/kaligeed noqdaan oo iska hor arko sawirkii gabadhii/wiilkii oo jeclaa. Iyo inuu markasta ka sheekeeyo qoftaas iyo sida ay isku yihiin asigoonan/ayadoonan u aaba yeelin xataa in qoftaan ay u sheekeeyneeyso ay rabta sheekada ay wado iyo inkale.

 Waxaa kaloo lagu yaqaanaa in marwalba markii uu la joogo qofta/qofka uu jecelyahay inuu ka xishooda, siiyo dhageeysi iyo qadarin uusan siinin dad kale. Inuu isku dayo inuu buuxiyo rabitaakeeda/rabitaankiisa, sida inuu iska ilaalsho inuu xataa waxyar ka soo dib dhaco markii ay balan leeyihiin oo kale. Waxaa ayadane muhiim ah oo aan jeclaan lahaa in dhalinyaro badan iyo lamaanayaasha jaceylka ay si fiican u fahmaan in ay RUNTU TAHAY LAGAMA MAARMAAN, caadi ahaana qofka wax jecel ayeeyba ku abuurantahay, oo kuma dhaco inuu been u sheego/sheegto qofta/qofka ay jeceshahay, oo waxeeyba la tahay in ay ogtahay/ogyahay waa hadii oo dhab u haayo jaceyl, qiyaano iyo lugooyane niyadiisa iyo aqligiisa midna ku jirin! taasna waxaa keenay kalsoonida oo ku qabo qof kale, oo waxuu hubaa in waxwalba lagu garab istaagaa, laguna jeclaan doono, isla markaas gargaar iyo taageero lagu siin doono.

Ka waran hadii qofta aad jeceshahay aysan ku maqleynin, dareenkaaga dhageysaneynin, ilintaada tirtireynin, murugadaada farxad u bedeleynin, quuustaadane rajo u bedeleynin?! bal adba! Waxaa dhacda in qoftaan wax jecel ay sameeyso waxwalba si ay u hesho qofka ay jeceshahay. Qoftaan waxeey muujisaa dulqaad iyo sabar saaid ah, maxaayeelay ayadaa dayacan isku aragta oo ma rabto in dhibaato ka soo gaarta xaga wiilka/gabadha ay nafto dooratay. Qofka wax jecel waa qof indhu furan, oo arka wanaaga iyo xumaanta oo leeyahay qofka ay jeceshahay. Balsa iska indha tiro xumaanta lamaanihiisa, maxaayeelay ma rabo inuu dareemo in xumaantaas asiga/ayada ku dhici karo, oo naftiisa ayuuba kala xishoonaa, ama ma aqbali karyo in qofkaan ay sidaas oo dhan isku jecelyihiin waxaas oo kale ku sameeyn karo am adhaqan sidaas ula fooxlun asiga/ayada yeelan karo.

 Qofka wax jecel waxuu qof kale u jecelyahay ulana joogaa inuu rabo inuu wanaagiisa iyo noloshiisa qiimaha badan la qaybsado qof kale, laakiin sida dad badan heeysato oo kale maahan inuu ka cabsanaa inuu kaligiis noolaado!. Qofka wax jecel waxuu ka fekeraa waxa oo siin lahaa qofka oo jecelyahay ee ma suga waxa asiga la siin lahaa oo kale ah.

Qofka wax jecel markuu wax wanaagsan baxsho waxuu rabaa in dib loogu soo celsho/siiyo wax wanaagsan, waxuuna qofka oo jecelyahay kaga hormaraa wanaag kasta! Markay dhamaan kulmaan astaamahaas, waxaa dhacda in labadaas qofood heshiis ay ku kalsoonaan karaan meel wada dhigtaan, ha noqdo waqti ay wada qaybsadaan, balan ay ku galaan in ay noloshooda sikastaba ku midoobi doonaan, sidoo kale alkun/fiance, meher ama guur waa waxyaabaha aadka u sii adkeeynaa xariirkooda jaceyl oo ay sida dhabta ugu sii midoobi karaan! Calaakuli xaal labada qof oo isjecel waxeey heeystaan faaido weeyn, oo ah in aysan dhici doonin ineey kala caajisaan ama is iloobaan hadii aan ku tala gal labadoodaba ay ku talo galeen loo sameeynin, amaba shalay ay ahaayeen dad dan isku qasabtay, ama calaf isku lahaa uun.

Maxaayeelay labada qofood ee DHABTA ISKU JECEL hadii qof caajiso qofta kale ayaa laga rabaa ineey u kacdo si ay markeeda geedkii jaceylka waraabin laheeyd, hadii qof xanaaqdo ama dhibaato meel kale kaga timaado, qofta kale ayaa dejineeyso oo laga rabaa ineey tusto/tuso ineey ayada/asiga weli noolyahay wax ka ba'aayana aysan jirin. Halkaas oo ay ku imaanaayaan meel ay aamin iyo nabadgelyo ku wada dareemi karaan inta ay noolyihiin.

In aad daacad noqotid waa waxa kali ah oo aad u baahantahay, kuna badbaadin kartid markii jaceyl dhab ah ku haayo oo aad rabtid in aad ka miro dhalisid, mustaqbal dhab ahna ka gaartid. Daacadnimo waa wax qiimo badan u leh qofta la jecelyahay, sidoo kale dhamaan dad kasta oo isla nool. Ka soo bilaaw waalidka aad gurigooda ku kortay, macalinmeenta iyo ardayda iskulka, kadib jaamacada iyo shaqada, ilaa aad ka soo gaartid meel adiga daacad laguu yahay oo ah gurigaaga aduunka iyo inta ku dhex nool, kuwaas oo kooban ninkaaga/marwadaada iyo caruurtaada.

 Daacadnimada waxeey kordhineeysaa kalsoonida iyo jaceylka ay isku haayaan labada qofood oo is jecel, iyo laba/bulsha kasta oo wax uun isku darsaday ama ka dhaxeeyaan. Inaad dareensantahay in qofta/qofka aad jeceshay oo daacad kuu yahay waxeey kuu fududeeyneeysaa in aad ahaatid qof xor ah maxaayeelay kalsooni buuxdo oo kaaga timid halkaaga qalbi ayaad heeysataa, isla markaasna waxaad ogtahay in waxwalba oo aad sameysid lagu qanci doono, hadii qalad jira si aysan xaqiradaada iyo bahdilkaaga ku jirin loo sixi doono. Waxaa jiraan waxyaabo aan dhihi karno qofkaan waa daacad iyo maahan daacad.

In aad daacad tahay micnaheedu waxaa waaye in aadna WALIGAA BEEN HA U SHEEGIN QOFKA AAD JECESHAHAY! xaalad kasta iyo waxkasta oo qofkaan wax uun kaa weydiiyo aad si cad, oo aan hagar iyo wax qaris ku jirin aad kaga jawaabtid ayaa waajib kugu ha. Hadii kale daacadnimada la'aantaada been iyo qiyaano ayeey isku bedelaa, adoonaan xataa ku fekerin in aad wax qiyaantid amaba aysan kula aheeyn in falkaagu yahay mid daacadnimo darro salka ku haayo, oo aad beenloow ku noqon doontid birito ayuu noqon karaa fal lama filaan ku ah qofka kale oo laga yaabaa in kalsoonidii iyo aaminkii lagugu qabay lagaa gacishto! Tusaala ahaan gabar ama wiil hadii ay isjecelyihiin kuna wada jiraan wada hadal iyo sheeko jaceyl uu qof ka mid ah labadooda uu la socdo qof kale ama meesha sadaxeeyi yimaado ha ka yimaado dhinaca uu rabee meeshaas daacadnimo ma taalo marnaba.

Anigoo qoraalkaan ku guda jira ayaa waxaa i soo gaartay qiso aan aad kaga naxay, isla markaasna aan jecleystay in aqristayaasha ila qaybsadaan iyo dhamaan dadka qaddariyo jaceylka iyo dhibaatooyinkiisa. Maxaayeelay waa tusaale aad u wanaagsan markii laga hadlaa jaceylka laba qofood oo nafta isku aaminay u dhaxeeya, balan iyo axdi meel wada dhigtay, hadane ayadoo jirto qaddartii Rabi ayaa qof uun sabab u noqotaa, oo eedeysanaha noloshii burburtay ahaan doontaa waligeed. Qisadaan oo sidaan ku bilaabatay:…… la soco qaybta danbe aqriste waxaan ku balan qaadaa in ay tahay sheeko aad kuu cajabin doonto, oo aad dardaaran iyo dadaal ka baran doontid!!


Hibo Nuura: waayo jaceyl baan la walbahaaree kii aan dartiis u waashow weehweehashada caashaq kaan weyda u hayee marna ii walaalow! wadka haduu iga celi kari kaan ka waabaneynow weynow hayna kala wadinoo waa qof laba is jeceloo liibaan ku waartoo aan is waayin inaga yeel!!"

........…………............ DHAMAAAAAD…………..........................
Hadii aad u baahanatahay in aad ogaatid sida aad ku badbadin kartid jaceylkaaga, isla markaasn oo u noqdo mid waara la soco qaybaha danbe ee qoraalada:" Noloshu waa jaceyl, jaceylkuna waa nolol!" adigoo mahadsan aqriste, waxaan kaa codsanaa sida aqriste qaali ah in aad ii soo celisid wixii dhaliil iyo saxitaan ah oo ku aadan qoraalkayga, iyo waliba hadii aad i dheertahay aqoon ku saabsan jaceyl. Mahadsanid.

Igala soo xariir imailadaan:

 samsam_1989@hotmail.com, ama ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk


NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aana lama daabacan karo, mana la qaadan karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.

W/Q Ifraax Yusuf Axmad (Ifka).

Waxaana qoraalkaan si qaas ah ugu hibeeynaa LAMAANAHA ISJECEL, QAAS AHAAN KUWOODA ISQABA OO NOLOSHA JACEYL DHABTA U WADAAGAY!
 

 

13432093

© RSTV 2007. All Rights Reserved