| |
Tuesday September 18, 2007
SHEEKO JACAYL AH ( Noloshu waa jaceyl
Jaceylkuna waa Nolol )
Qiso layaab leh oo aad intan oga boggan doontaan haddii Eebbe
idmo,Waxaanan ugu talo galay keliya Dadka Xiiseeya arrimaha Jacaylka,
Sheekadan
Jaceyl waa jaceyl, qaraar iyo macaan sida uu kuu helaba waa nasiibkaaga.
Balsa waligaa ogaaw JACEYL macaan iyo qaraar labada waa inuu la haado.
JACEYL aan labada is jecel u wada ooyin, oo u ilmeeynin inbadan, ma noqdo
mid macaan iyo dhadhan lo aayo mustaqbalka yeesho
hadii aan si kale u dhaho, in aad markasta wax macaan uun cuntid waad iska
nacee, oo waxyaabo kala bedelan ayaad u baahantahay, waa dabeeciga bani
aadamka oo laga yaabanyahay taasna. Balsa waxaa dhab ah in qofka aan
waligiis murugo arkin uusan waxba ka aqoonin farxad, maxaa yeelay ma
aqoonsan kartid waxa aad heeysatid adiga oo aysan kugu dhicin,
ama ku qabsanin wax ka duwan waxa aad caadi ahaan la kortay, ama cagsiga
nolosha aad horay ugu noolaal jirtay, tusaala ahaan hadii aad markasta qofta
aad jeceshahay aad waxwalba heshiis ku tihiin, waxaa muhiim ah in aad mar
uun is qilaaftaan si aad markaad heshiisiin micnahiisa u ogaatid xaqiiqo
ahaan.
Waa su’aal biliaadanka ku soo noqnoqota inbadan, markuu qof walba wax uun
iska dareemo ama iftiin caashaq u soo ifo, is weeydiiyo. Maxaa marka hore
loogu jeesjeesaa dadka jaceylku gacanta ku haayo?
Maxaa inbadan oo naga mid ah u beenshaan in jaceyl jiroäba? Waa yaab, soo
maahan aqli yaro iyo damiir la’aan in aan dadka wax jecel markeena hore ku
qosolna, qaarkeen dad waalan ama maskaxdii isku dardarsantay u arkaan
kadibna markii maalinkeena la soo gaaro ay calaacal,
iyo ma maleeyneeynin meelaha la wareegno, lana ooyno, jaceylka iyo shoogka
weeyninka badan uu nolosheena sida lama filaanka ah ugu soo biiray??!! Inta
aadna is warsanin waxa jaceyl yahay, suaalaha aan kor ku soo xusay is
weeydii!!
Nasiib wanaag in badan oo ka mid ah dad waxeey aaminsan yihiin amaba ku
qanacsan yihiin inuu jaceyl yahay laba qafood ama lamaano jaceyl iyo
gacaltooyo aan inta isku heeynin isla wadaagay, ruuxba ruuxa kale noloshiisa
ku qanacsan tahay, oo uu hayo hami joogta,
farxad ka qaado aragiisa/maqalkiisa, dareen xad dhaaf ah iyo fir-fircooni
hor leh uu dareemo markuu qofkaas arko, islana wadagaan bogta xanuuneyso ee
ku wada taala una baahan dhayida iyo daawada aan dhaqtar heeysanin.
Qof wax jecel waa qof aan dhihi karno ma qabo indhu uu war ku arko, aqlina
warkiisa iska dhaaf, waxaan dhihi karaa qofka wax jecel aqligiisa iyo
qalbigiisa waxaa koreeya QALBIGIISA, taas uu u saamaxi doonin inuu si sax ah
u fekero, ama arko xumaanto ama xanta dadka kale ka arkaan qofkiisa/laamahiisa
uu jecelyahay.
Qofka aad dhabta u jeceshay waxaad u noqonee janno, asna Illaah naar kaagama
dhige, waa kaa darnaanaa ama waa kula mid. Daacad, eray macaan iyo wada
hadal aad aqligiisa/aqligeed la hadleyso ayaadna isbari doontaa hadii aadna
horay u aqoonin markii aad soo rugtid bagga CAASHAQA, naftaada qof ka
qaalisan ay gacantaada soo gasho, ilaa aad iska dhaadhacsiisid in qofkaan
dhimanaayo hadii aad ka tagtid, ama aad adiga dhimaneysid hadii aad ka
dheeraatid baahida aad u qabtid asiga/ayada darteed. Sidaas darteedna ayaad
u ilaalisid sida caruurta, dhalada, ama ukun madaxaaga saaran oo kaa dhici
rabto qofkaas naftaasa ka qaaalisan oo aad waxwalba u hurtay!.
Inta wax jeclaatay iyo kuwa wadda loogu soo jiraba mid ayaa isku raacay
taaso ah in qofka la jacel uu yahay qofka ugu qaalisanbiliaadanka, dunida
aad u jeedid iyo inta nuuxsata. Maxaayeelay nafsada wax jecel waxaa mar
walba ka qaalisa nafta ay jeceshahay. Markaad arageeda/maqalkeeda waaydana
ay kugu abuurmayso murugo, cabsi, tabar dari, wel-wel, walbahaar, hurdo
la’aan iyo caajis hor leh, mana arki doontid waxaas oo astaama jireed iyo
mid maskaxeedba leh xaalad kale oo kugu abuuri kartid, ama aad sidaas oo
kale ula murugoon kartid.
Midka uu jaceyl rabo inuu ka qaado daaha saaran qalbigiisa cusub wiil iyo
gabar, waxeey markasta ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu u
dhaafaa ama u dhigaaliyaa ruuxaa u jeclyahay.
Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad caashaq, oo
uu weligiis hilmaami doonin, iyo sawirka qofka uu jeclaaday oo qalbiga ku
sawirma. Wiilkaas iyo gabadhaas waxeey go’aan ku gaaraan ayeey ku wada
shaqeeyaan, sharci ayaga u gooni iyo xeerar aan laga gudbi karin ayeey buuga
caashaq ku wada qortaan iyagoo kalsooni buuxda isku qaba,
waxa ay wax u sameeynaa uu yahay jaceylkooda iyo qalbiyadooda ay la jeclaan
lahaayeen in ay mid yihiin ama kala bedeshaan si qofkasta kiisa u ilaashado.
Waxeey ka tashadaan mustaqbalkooda dheer iyo noloshooda sida ay u midoobi
laheeyd. Maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa u dhasha maalin cusub,
oo waligood kalama dhergaan,
maalin iyo habeen, daqiiqad iyo saacad walbo hadii is ag dhafiyaan, ee la
kala wadi maago kuma jiro mid raali ku ah in ay kala tagaan!. Waxeyna mar
walba is xasuusiyaan jaceylkay isu qabaan inuu sii xoogeystay, uuna yeeshay,
midib cusub, kana macaan badanyahay kii shalay, weji cusub oo aan horay
loogu aqoonin ayeeyna
qalbiyadooda ka wada arkaan ayagoo is tusaa, oo eray dareenkooda u bedelaa,
iskuna dhiirigelinaa in qof walba noqdo qof kale ceelka oo sirtiisa ku duugo,
kuna aamino oo inta kale kaga maarmo qofkaas dartiis! Niyada ayeey isku
dhisaan, oo isku qanciyaan in ay is yeelan doonaan, oo mar aan dheereeen ay
is dhaxli doonaan.
Faa’iidooyin iyo qaasarooyin farahaas ka badan ayuu leeyahay jaceyl. Laakiin
waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa oo aad
dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, qalbigaaga wax cusub oo aadna
aqoonin sida aad eray ugu fasiri laheeyd ay kaa taabtaan, markaaad kaligaa
tahayna kula hadlaayaan, oo maskaxdaada buuxiyaan adigoonan isku fasari
karin xataa, sida in aad xabsi ugu jirtid wax aadna aqoonin,
dadkuna kula arkin hadi ay ku caawin lahaayeena! Taas oo
micnaheedu tahay xanuun cusub oo ku soo kordhay dareenkaaga iyo jirkaaga,
iyo shaqsiyadaadii hore oo la quursaday, ileen mid cusub oo aad ku qaabishid
waxa kugu soo socdo ayaad u baahantahee!!
Calaamooyinka jaceylka bilawga ah lagu yaqaano waxaa ka mid ah: Jirkoo ku
jajaba, oo aad xanuun iyo daal joogta ah ka dareentid, xataa hadii aadna
maantay sariirta ka kicin. Niyad xumi, xanaaq fudud oo waxwalba aadna u
adkeysan karin, isnac, kaliahaansho, dadka kale warkooda oo aad kahaarsatid,
raashiinkood ka go’did, iyo is daryeel la’aan jirka iyo maskaxdaadaba ah.
Daawadaada waxaa haaya oo lagaa rabaa in aad ka heshid kii/tii aad jeclaatay
amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid/aragtid taasi waa qasaarada u
leeyahay jaceyl, maxaayeelay qofkaan iyo adiga daqiiqad walba islama qaadan
kartaa oo adduun ayaa inku wada xiran, qofwalbana teeda ayaa heeysata.
Hada iyo Talo si aad naftaada u badbaasid waa inaad iska yareysid feker
joogta ah, nafsadaana mashquul kaga dhigtaa waxyaabo kale, laakiin ka
digtoonaaw, kana fogow filimada jaceylka daawashooda. Maxaayeelay qofka wax
jecel waa u hiyikacaa waxaana ku saa’idaa dhadhanka boholyowga badan ka
buuxo, oo soo wajahay
nolashiisa/nolosheeda. Maskaxdaada waxay u shaqeysaa si kale taaso ka dhex
guuxeeyso rajo xun iyo amaan darada la soo daristay shaqsiyadaada iyo
qalbigaaga, waa JACEYLE! Haddaba aan runta kuu sheego jaceylku waa wax aan
sahleyn, oo aan dhihi karo naftaada qaaliga ah ayuu kuu aqoonsan karaa. Qaas
ahaan dhalinyarta sida fudud u isticmaal, oo waxashnimo iyo fool xumado ka
buuxda,
iyadoo wiil iyo gabar erayga jaceyl u isticmaala si yar, oo fududeysi saaida
ah ka muuqdo, ama isagoo/iyadoo doonaaya inuu dano gaar ah ku gaaro qofkaan/qoftaan
uu jaceylka ula kaca ugu abuuray, ama ula wado balsa uu ogyahay inuu jeclayn
ama sii jeclaan doonin. Digniin Ha ku dhihin naf aadan jaceyl u heynin waan
ku jeclahay, si aad niyada ugu dhisto ama aad kaga
badbaadid calaacalka iyo raja xumada qofkaas/qoftaan soo wajahi doona.
Maxaayeelay kor iyo hoosba maalin uunbaad RUNTA qaraar dhigaha kaga dilaacin
doontaa qofkiiyoo intaaan kaa jecel, kaaga rabitaan badan, kaaga kalsooni
iyo rajo badan!.
Fadlan dadka u qaddari jaceylkooda iyo xanuunka la soo darso si aad adna
markaaga aadnan kaligaa u noqonin, oo laguu taageero hadii aad badbaado
rabtid! ileen NOLOSHU WAA JACEYL JACEYLKUNA WAA NOLOL!!!!
waa qalinkii
ifraax yuusuf axmed (IFKA)
samasam_1989@hotmaill.com
ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk
Norway OSLO
Akhriste fikrikaagu waa muhiin waxii talo iyo tusaale ah noogu soo
hagaaji e,mailada aad kor ka aragto.
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|