Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wednesday May 07, 2008

Ku caashaqaye maxan ku calfan wayey Qeebtii Afrad‏

Farxiyo waxa ay ka mid tahay Hablaha ku nool wadanka Kenya oo inta badan jecel Raga ka yimaada Dibada ayagoo u xisha in ay riyadooda u rumowdo, Dumarka inta badan waxa ay ku tamaan in ay tagaan Dibada ayagoo magac ugula baxay (Ceelkii biyaha qabow) Lakinse waxan aniga ahaa nin an ka warhayn Xaaladaha ka jira wadanka iyo qaab ka lakinse waxan ogahay un kaliya in aan jeclahay Farxiyo Waxana hilmaamay in aan ahay wiil Sabool ah balse waxan hiigsanayey Raganimadayda iyo Dooqayga in aan heli doono, Todobaad ka dib waxan ka war helay in ay aqal galayso, lakinse Ma aan jecleen hadalada Arooska in aan maqlo oo inta badan saxib kay igu soo hadal qaado isagoo i dhahaya waa in aan aadna, Hadalada Arooska Farxiyo wey idhibaan Taas waxa sababay had iyo jeer nafta ayaa ku sabsaba inaan heli doono maalin maalmaha ka mid ah kuna waari doono jaceyl aan dhamaan
 
 

Intaysan Aqal Galin waxan u qoray waraaq si ay u aqrisato kuna waana qaadato waxana ka mid ahaa warqadii qoraalkaan

 
 
KU: Farxiyo Ahmed
Nairobi Kenya
Galiso
 
 

 

Dadka taan ka doortaay Dareenkii wadnahaygaay Diirkii jirkeygaay Dooqeygu tuu raacaay Waxaan kuu soo dirayaa
Salaan daacad ahoo debecsan Diiranoo duunyoo idil iyo Doolarka ka qaalisan Oo dubka sareetiyo Halbowlaha dacaladiisiyo Ku dahaaran qalbiga Oo diiwaanka wadnihiyo Ku daboolan caloosha Ee adigana ha daayicinoo
Haygu sii deynin duurkee I daryeel macaaneey Daa'inkii ina uumayna Waxaan kaaga dalbayaa Deeq inuu ku siiyiyo Caafimaad derejo leh Intaa dabadeed aan Aan iska dabro salaantoo Aan usoo daadago Dulucdiyo ujeedada Inanyahay dartaa baan Duhur iyo habeen Hurdadii u diiday
Anfacadiinna u daayay Jaceyl bey duufsadoo Duufaannada waxqaadiyo Igu diray dabeylaha Ee intaanan dulloobinoon
Duurka gelin Idugaaliyoo idaawee Ila duubo gacalooy.

 

Gacalisadaan jeclaayeey Guud ahaan adduunyada Adaan kaa garwaaqsaday Gaduudkaaga dhiinka ah baa Gebigeey isaaqay Axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale God inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa Garaadkey wuxuu isiiyey Guur inaan yagleelnoon Gurigeey ku geystoon Gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy?
 

Dunidaan laysma siiyo ninka wax laheyn oo ah saboolka waxaa uu leeyahay rabi, kan taagay Dhul iyo samada tiir la'aanta buurahana ku rakibay waa kan risaaqa cayayaanka dhulka iyo badana ku jira, Mantay waa maalin aan dhagahayga ku maqlayo in aad aqal galaysid waxan ka codsanayaa waxad tahay qofta aan jeclahay waxadna ogaata nolashayda in ay galayso qatar waxana sababay waligay jaceyl ima galin qofta kaliya aan jeclaaday ayaad tahay waxan ka codsanayaa in aad igu tixgalid jaceyl kayga arooskana aad joojisid Please and Please

waa wiilkii ku jeclaa kana jeclaa indhihiisa waa wiilkii ku washay fakarkana habeenkii lasexan wayey waa wiilkii saboolka ahaa balse qalbigiisa nadiif ka ahaa waana wiilkii mustaqbalka kaa filayey macaanto waxan ka sugayaa jawab adigo tix galinaya jaceyl kayga arooskaan jooji waqtigana isii waan shaqaysanayaa waxan isku dayayaa in aan ku siiyo nolol wacan oo jaceyl ku dheehan

 

Gacaliyahaga

Hanad Cali Mohamed

Nairobi Kenya

Qof meel u cad meel kale ka indho xiran, waxan filayey in ay igaga soo jawaabto sidaan aniga iyo naftayda aan jecleen, lakinse siday ayada jecleed iyo murugadii warqada wadatay, qoraal aan is iri ayadoo naceyb badan ku qabta ayeey qortay xitaa waxan is iri kii sameyey qalinkaas uguma uusan tala galin in lugu qoro erayo Jaceyl, waxa ay igu soo jawaabtay,
 
In aan ku soo jawaabo ma aan rabin waayo waqtiga ayaaba ka qaalisan, in aan wax ku fahansiiyo ma aan rabin reer baadiye ayaad tahay, in aan jaceyl kula sameyo uma qalintid faqiir yaad tahay aniga iyo adiga cir iyo dhulka inta ay isku jiraan ayaan isku jirnaa, waqtiga ha iskaga ciyaarin doqaaqa waad taqaan leefalkaagana ha katagin waligaa. jaaw jaaw jaaw Reer baadiye i hate you
Gunaanudkeeda waxa ay ka dhigtay Jaaw Jaaw anigana waxan ka dhigay Gacaliyahaagi weeye waxan ka fahmay aniga iyo gabadhaan in aysan nadhex marin karin jaceyl, waxan go aan saday in aan niyada ka jaro balse waxa iga awood badan jaceyl ka aan u qabo
\
Galabtii waxan soo fariistay Banaanka waxan maqlayey Durbaanka iyo mashraxada ka dhacaya Guriga Farxiyo oo imoqday, waxana arkayey Gabdho ka imaanaya dhanka Saluunka oo agtayda ku yaala, intaan mesha fadhiyey waxa isoo marayey dad aan aqaan oo i dhahaya maxa kugu dhacay galabtay waad isla shekaysanaysaa balse aniga iskama aan warqabin oo kaligay ayaa isla shekaysanayey waxana ka mid ahaa Sheekadayda Muxu yahay Jaceyl hadii uu jaceyl jiro adigana qof aad jeceshahay maxay ku jeclaan wayday waxan kaloo is waydiyey Jaceyl ka Saboolka iyo kan taajirka keeba ku leh waxan kaloo is waydiiyey jaceyl kula jooga iyo jaceyl meel fag ka imaanaya keeba xaq leh sidoo kale waxan is weydiyey Gabadhaan wiilka ma jecla waxa ay ka rabtaa in u udacwoodo oo ay ku dhoofto marka jaceyl uma ayqabto wiilkuna jaceyl uma uu qabo oo hadii uu sameenlahaa jaceyl waxa dibadaha ku nool gabdho badan oo wax bartay aqoona leh muu guursado waxan is iri isagana intuu joogo afrika ayuu ku si joogaya, waan isku qoslay oo anigii ayaa isla hadlay waxan is iri waad maseersantahay ee isdaji intaan isku qoslay
 
Go'aan ayaan ku gaaray in aan aado Arooska, lakinse lacag waxan ka haystay lacagtii aan ku soo casheen lahaa balse waxan go'aan saday in aan gaariga ku raaco Go iyo Back waxan raacay Gaari buuq badan muusiga kor ayuu u dheeraysana, dadka sarana qaar ayaa taag taagan, waxana ka mid noqday kuwii taag taagna gaariga nasiib xumo boorsadii jeebka igu jirtay oo ay ku jirto lacag 50 Shilin iyo Card kii Ardaynimada ayaa layga jeeb tuugay, tuugaas wax uu ka dheefayey majirin waxan ahayn 50 kaas oo hadii uu lagalo maqaxiyasha waaween aysan wax ka goyn ilaa meelaha ay modowga wax ka cunaan mahane, lakinse markii aan gaaray meshii aan rabay oo u dhow isteeshinka Pangani Condoctor kii wuxu iweydiiyey lacagtii waxan damcay in aan soo baxsho lakinse waan haban wayey oo jeebkii oo cidlo ah ayan arkay waxana ku iri war boorsadii gaariga ayan la soo galay mana aan hayo wuu igu qayliyey balse gabar u socotay arooska markaasna waji ahaan aan isku aragno islii ayaa iga baxisay waxaan tagay goobtii Arooska balse dad ku way galayaan Hoolka oo nin kenyan ah ayaa Cardka aruurinaya, banaankana waxa istaagan wiilal iyo gabdho Qurux badan oo labisan oo qosol iyo sheeko ku haysta gacmahoodana waxa ka muqanayey Card waxan weydiista qof kasta oo galaya in uu haysto Card dheeri ah qaar ayaa ugu qoslay qaarna waxa ay ilahayeen walaal mahaysano, intaan taagna waxa soo dagtay Dumar iyo wiilal Mashraxaya waxana isla markiiba soo istaagay Gawaariyo tiro badan oo aan ku qiyaasay shan iyo toban oo gaari Langaruusal ah u horeeyo
 
waxan isku daray dad kii waxan dhankayga ka bilaabay sacabka Gaarigi waxa kasoo dagay Farxiyo, waxa ay qabtay Dhar Cad cad Xabadkeeda wuu qawana tintiina way sii daysaneed bushimahana waa ay gududanayeen waan la yaabay waxana kula yaabay Gabadha ma asturneen waqtigaas lakinse qaladka ma aan laheyn anigu waa waqtigii igu horaysay aan arko baladka arooskiisa waayo waxan ku barbaaray miiga lagamana aqoon aroosyada sidaan oo kale ah , dhanka magaalada dhaqankeeda daqiliga ah sidaas ogama warhayn taasi waxa ay keentay in aan habeenkas la yaabo, layaabkii aan ku arkay farxiyo waxa isii wehliyey ilmo indhahayga ka qobanayso markii aan arkay Wiilkii iga dhacay oo garabka haysta dad ku way sacibinayey balse waan istaajiyey sacabkii waxan ku dhex dhuuntay wiilashii hadana waxan bilabay sacabkii si aan oga gudbo nin ka waardiyaha ah
 
Waxa bilowday Heeso waxana qaadayey Fanaaniin cod macaan dad ku waxa ay isgeenayeen goobta ciyaarta wiilasha iyo gabdhaha way isku dhex jireen wayna isla dheelayeen gooni ayaan fariistay wiilasha way jaasayaan heesta way la qaadayaan balse aniga heestaas iima baxayn, mid ka mid ah kuwii maamulayey ayaa ku dhagay makarafoonka waxa uu dad weynaha usheegay in Caruuska iyo Caruusada ay Toortaha Goynayaan loona baahanyahay in loo sacabiyo, waxa soo istaagay Caruuskii iyo Caruusadii waxa ay bilabeen in ay goyaan toortaha, afka ayeey ugalisay cad ka mid ah keega ayadoo sifiican afkiisa gacanta ula raacaysa weydhoola cadeynaysay lakinse maxa igu dhacay waqtigaas waa habeen Masiibo ah waxanaka shalayey imaantigii aan imid lasoco qeebta Shanaad
 
 
 

Akhristayaasha Qiima iyo qadarinta mudan waxan ka cudur daranayaa wixi dhanka qormada ah, talo iyo tusaale waad isoo weydiin kartaan adinko isticmaalaya Email kayga aan hoos ku qoran mudnaanta waxan siiya aqristayashayda shanta qaradood kala jooga sidoo kale website yada aad kala socotaana waa kuwa ila garabtagan had iyo jeeer in ay soo bandhigaan dhamaantiin waad mahadsantihiin
 
hanad Cali Mohamud
Nairobi-Kenya
Email: peotlove@hotmail.com
Telephone: 254728343385

 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved