Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wednesday December 12, 2007

Sheeko Jaceyl ah Love Story

Aqristayaasah Qiimaha Iyo qaayaha badanoow Waxaan idiin soo Bandhigaa Qisadanani Dhabta Ah oo Dhacdey Sanadku Markuu Ahaa 1989kii Waxeyna kadhacdey Magalaada Muqdisho Waqtigaasi oo ay Jirtey Dowladii Somalia Waxaana ay kudhacdey Maxamuud Maxamed Cali Iyo Khadra Daahir Guleed)


Waxaa been aheen jaceelku in uu yahay mideeyaha aadanaha ama lab iyo dhadigba jaceelku waa wax uu rabi inoogu nimceeyay hadaba marar badan ayaa maqasheen hebal waxaa haayo jaceel hadaba bal qisadaan oo ah dhacdo run ah iila Aragka Biloow Ilaa Iyo Dhamaadba sideey kubilaabato Iyo sideey udhamaataba Aqritoow Lagama Yaabo in aad kudaashaan Aqrinteeda Lagama Yaabo in aad Ka Caajistaan in taad Wadaan
Aqrinteed Hadaan Idiin Bilaabo Sheekadaani Waa mid Naxdin Badan Waa Mid Farxad
Badan Runtii Waa sheeko Dhacdo Run ah oo Dhacdey Taariikhdaan idiin soo sheegey

Khadra Waxaa Galey Maseyr Farabadan aydoo Go aankii uugu Mihiimsanaa ay gaartey Ahaa in ay iska Furto Ninkaani Madaama uu laguursadey naag kale adoo
Aysan Fileyn in uu Ninkeedu Arainkaasi Sameyn Doono lakiin Mesyan ogeyn in uu ilaahey ubaaneeyey Af Naagood Muxuu Yahay Sidiisuba Maseyrka Maxaasa Daawo
u ah Maxaasa loogaga Gudbi karaa aqristoow Intaasi oo dhan kala soco Qisadaani

Maxamuud Maxamed Cali Hadii loos heego in ay maqashey arinkaasi Xaaskiisa Khadra Muux Fali Doon in kastoo uu khadro aad iyo aad ujeclaa Waxuu usoo Waregey Gobolka Oppland ee Dalka Norwey Waana uu maqley in ay Naagtii Masetey
Waxuuna Rabaa in uu uugu Yimaado Magaalada Muqdisho kadhaadahciyo Waxa
Jiraa Maxamuud Maxamed Cali Hooyadiis Maalin kastaa waxaey kuula talisaa in uu
Iska Furo Naagtiis Asga Furiin iska Daaye Waxuu ka jecel Yahay labadiisa indhood
Waxuuna Rabaa in uu uugu Yimaado Magaalada Muqdisho uuguna Dhisaa Guri ayada
Iyo Reerkoodu ay Leeyahiin Maadama uu ka maqnaa Waqti farabadan Waxuuna
soo Wacey khadro Waxeyna usheegtey in Waqtigaani Xaadirka ah aysan hadalkiisba
Diyaar aysan Rabin madaama uu qiyaaney lana Guursadey Naag kale waxuuna isku

Day arinkaasi in uu ka qarsho lakiin Waxuu Yire Waxii Jiraa Anigaa kuusheegi Doono Waxaana Rabaa in aan kuugu imaado Magaalada Muqdisho Kadibna aan ugudbo Hargeysa oo ay Joogaan Reerahooda oo dhan Waxeyna Goo aankeedii Noqodey khadra maadama uu guursadey naagkale in uu iska Furaa Maadama uu qiyaaney
Lana Guursadey naagkale Waxuuna Maxamuud Gio aankiisu Yahay in uu Yimaado Magaalada Muqdisho Kana Dhaadhaciyaa Arimaha uu damacsan Yahay oo dhan
Waxuuna usheegey in in uu iibin Doono huriga ayada ugaar ah oo ay leedahay in dhaqaalo ay ku shaqeysato Lakiin waa Naag Maseyr san waxaasi oo dhan uma jeedo

Su aashii uugu yaabka Badneed Waxey Tire Khadra hadaada ijecleed maxaad ilaala guur satey naagkale Waxaa Ee Cad maxamuudoow in aadan Wax jaceyl ah aadan ii
Khabin miyaadan Ogeyn in aan adiga uun kuu Dhowraayey sanooyin farabadan Man
aanan Ogeyn in aad Sidaasi iila Dhaqmi Doonto Maxamuud laakiin waa iska Xaal
Aduun Dhib malaha arinkii imaanshaha magaalada muqdisho Waxaa ay reerkiisa
Kula taliyeen in uu yimaado magaalada Hargesya oo Waqtigaasi dhaantey xagaga
Amaanka Magaalada Muqdisho Wuxuuna kanoqdey imaantinkii muqdisho Waxuuna
Imaanaayaa Somaliland Hargesya Waxuuna rabaa in uu halkaasi uugaga iibshaa Qadro
Guri ay leedahay ayadana ugaar ah Waxuuna Yire waxaan rabaa adiga iyo reerkaagaga
oo dhan in aad u wareegtaan somaliland madaama aanan Waqtigaani imaan karin ,

Khadro Waxaa kaliya oo ku qanci kartaa Waa in uu Furo naagta kale Maxamuudna
Arinkaasi aad iyo aad ay uugu adag tahay lakiin waxuu Rabaa in uu qanciyo intii
Karaankiisa ah lakiin naag masertey sidii lagu qancin lahaa waa ay adag Tahay .


HAWEENKA IYO MASAYRKA


Haweenka maseerkooda ma waxa uu u badan yahay marka ay hawenku dhallinta yihiin? Mise marka ay waayeelka yihiin?

Haddaba marka hore waxaa xusid mudan in la isweydiiyo Magaca Maseerka loo yaqaanno, Bal aan isku dayno macnaha weyn ee uu leeyahay Maseerku.?
Anigu fikradaha badan oo dadka kala duwani ka qabaan waxaa ka soo qaadanayaa in uu yahay jacayl siloon oo wax badan u dhimi kara ruuxa dareenkiisa si yar oo fududna maskaxda iyo maankaba u burburinkara?

Marka dhinac kale laga eego sida ay diinteennu ina faraso sheydaanka oo rabbigiisa caasiyey ayaa si yar uga faa'iidaysta Ruuxa marka uu Caroodo maskaxdiisana wax galaan, dabadeed ayuu sawir aan jirin siiyaa markiiba kaga yool gaari karo waxa ka caraysiiya waaana cadow xun sheydaanku oo ummadda ku dhex dhuumaalaysta loona baahan yahay in laga fogaado?

Maxamuud waxaa kusoo Siyaadey arain adag taaso ah Khadra oo Go aankiidii ahaa in uu Furo Naagta kale ama ayada Tii Markaasi uroon in uu kala Doorta Hoyaadiina Waxey kuula talinesyaa in uu furo asaguna lagama yaabo in uu furo khadra ileen
aad iyo aad ayuu ujeclaa Su aasha taal ayaa ah haduu Jeclaa khadra maxuu uula
Guursadey naag kale Maxamuud Mudo gaab ban kadib Waxuu Tagey Magaalada
Hargesya Xarunta somaliland Halkaasi oo aad iyo aad uugu soo Dhaweeyen
Reerkiisa oo dhan Walindiintisa Iyo qaraabadiisa oo dhan Markii uu maalmo yar
Joogey ayuu Waxuu halkaasi Guri Weyn uugaga Ibashey khadra Gurigi gaasi oo
Ahaa Guri aad iyo aad u qurux badan Waxaana uu uga iibashey faras magaalaha

Hargesya Waxuuna Lahadaley khadra Iyo Reerkoodana una sheegey in ay usoo Wareegan Magaalada Hargesya Xarunta somaliland madaama khadra xataa
ay dagaan ahaan kasoo Jeedo halkaasi khadra arinkaasi aad iyo aad ayeey udiidey waxaana kuqasbay Reerkooda Khadra Iyo Reerkoodii oo dhan Iyo wiilkeedii
Waxey u wadada Wareegen somaliland Waxaana Garoonka Weyn ee Hargeysa
Kusoo Dhaweeyey Maxamuud Waxaana loo Galbiyey Guri geedi Cusubaa oo Diyaar
Ahaa Khadra markii ay aragtey maxamuud waxaa ka baa bay Xanaaqii Iyo Waxii
ay uqabtey ninkeeda Waxaana Durbadiiba kusoo siyaadey faraxad iyo Reyn Reyn
aysan markeedii Hore waxaana lagu wareejiyey Waraaqdii Cadeynta in ay leedahay
Guriga Iyo Furayaashii Khadra Waxaey Tire wax kastoo aad isiiso Waxaan uugaga

Qanacsanahay in aad ii geyso Meesha aad joogto ama aad kunoo shahay in aan tago
oo kaliya Runtii aniga Iyo wiilkeyga meeshani ma joogi karno Reerkiina aniga aad iyo
aad ayeey ii neceb Yahiin gaar ahaan Hooyaadaa marka hadaan aniga hargeysa dag
naado hooyadaa maalin kastaa waxaa laga yaabaa in uu muran ina dhax maraa
Aniga dooni maayo Maxamuud in tii uu joogey magaalada Hargesya Waxaa loo shegay
In xaaskiisi Dagneed Norwey uuu Jeeray Gaari xaaladeeda Caafimaadna aad iyo aad
Loogaga Deyrinaayo Waxaana uu Rabaa in uu si Dag dag ah ku gaaro Maxamuud
oo kamaqan xaafada ayaa waxaa loo soo sheegey in gabdhii uu qabay ay kasii
Dareyso xaaladeeda loona rabo in uu kusoo gaaro sidada uugu dhaqsiyaha badan

Waxaana telfoonka maalintaasi qabatey khadra waxaana maalinkaasi ay tire maxamuud
Waxaa telfoon kusoo Derey gabdho Dumaashi yaalkaa ah waxaana lagu Yire xaskagi
Xaaladeeda Caafimaad aad iyo aad ayaa loogaga Deyrinyaa waxaana qasab ah in aad
Ado maxamuud maalinkaasi ma uusan maleysan Ereyadii kasoo baxay orod oo aad
Maxamuud Waxuuna Yire abaayo macaan waan aadayaa lakiin waxaan rabaa adigoo faraxsan in aan baxo waxeyna Tire aniga aniga waxaan kuu qabo malha gabdhaasi
Waa xaaskaaga ayduna xaq ayeey kuugu leedahay marka waxaa larabaa in aad gaarto sida uugu dhaqsiyaha badan Waxuuuna Yire Waxaan kusoo laabanayaa
Haduu ilaahey Yiraahdo Mudo 3 Bilod ah waxaana rabaa hadey soo caafimaado

in aan soo laabto markaasi aan halkaani Joogo mudo Badan waxaan kuu balan qaadayaa wax yaabaha aad jeceshahay oo dhan in aan kuu qabto wiilka kuula
Dhashay aan kuugu iibsho Leyn Dibadan ah markaan soo noqodo macaaney
Waxaana ay qaadatey Go aankii uu usoo jeedshay ninkeedii maxamuud waxaana
uu isku diyaarshey safarkiisa ahaa in uu kulaabto wadanka norwey oo markiisi hore
Kayimid Waxaana siiyey lacago farabadan oo maseyr Tir ah iyo gurigii loo iibashey
Lakiin Muusan garan khadro waxa ay damacsan Tahay oo waxaey rabtaa markuu
Baxo ninkeeda in ay gaarto Nairobi halkaasi ay uugaga baxdaa leyn Bug ah

Maxamuud waxauu gaarey Norwey Waxuuna maalin maalmaha kamid ah lasoo hadaley
Khadra waxaeyna Tire aad iyo aad ayaan u xanuun sanahay waxaan rabaa in aan gaaro
Magaalada Nairobi halkaasi oo ay joogaan Dhaqaatiir caalami ah Waxuuna usoo deray
Lacaga ay ku gaarto halkaasi Nairobi Iyo mid ay horey uheysatey Durabdiiba Waxey
aadey xaafiisaka Diyaarahada ee daalo ee magaalada Hargesya Waxaana arinkaasi
oo dhan la og Reerkooda oo dhan waxaeyna Durbadiiba soo gaartey Nairobi ,
Waxaana halkaasi dagnaa hablo ay qaraabo ayhiin Iyo odey abtigeed ah khadro
Waxey rabtaa oo kaliya leyn Yurub ah gaar ahaan Norwey oo kaliya halkaasi
oo uu kusugan Yahay Ninkeeda maxamuud Khadar waxaa magaalada Boos ama
Leyn Bug ah raadintiisa uugu dhaqaaqey abtigeed khadra oo go aankeedu ahaa
in ay tagto halkaasi uu joogo ninkeeda oo kaliya Waxaana lasoo heley Basaboor

Norwey ah oo ay gabar u eg leedahay khadra oo aad moodo in ay wadada Dhasheen
Isla maalinttiba waxaa loo qaadey Basborkaasi Nin Muqalis ah oo dadka qaada ninkina
Waxuu sheegey in uu gabdhaani ku qaadi karo Basboorkaasi Muqalaskaasi oo laga
Rabo in uu dhaafiyo Garoonka weyn ee magaalada Nairobi oo kaliya Waxii intaasi
Kadanbeeyo Ayadaa iska Dhiibo Doonto Garoonka Oslo International Airport, Norway Khadra Waxey iska Dhiibtey Garoonkii intii aysan isdhiibin ayeey Waxey
Lahadashey Gabdho ay qaraabo Hoose Yahiin Iyo kuwa badan oo asxaabteeda ah
Waxaana lagaga maleysan waayey in ay timid Norwey Mana aysan Wacin ninkeedii
ayadoo Rabtaa asgoo qabaar moog ah in ay Dul istaagto oo kaliya asgoo aanan ogeyn
Khadra waxaa la qaabiley waxaana lagu xareeyey Xero Qaxootiga lageeyo


Mana uusan Ogaan in ay Timid Naagtisa Maxamuud Wadnaka Norwey lakiin maal maalha kamid ah ayuu Waxuu soo Wacey telkii Nairobi ee khadra nasiib Waanaag
Waxaa kaqabatey Gabar ay Qaraabo yahiin waxaana loo sheegey in ay Dhooftey leyn
Bug ay gaartey Cariga Norwey Maxamuud arinkaasi Markii ay dhagahiisu Maqleen
Waxaa kusoo siyaadey Cabsi Xoogbadan Iyo Dismuraal asgoo kabaqaayo in uu Dhib
kala Kulmaa imaanshaha Wadanka ay Timid Khadra maalin maalmaha kamid ah
Ayaa waxaa soo Wacdey Gabar ay isku reeryahiin oo Tire waxaanu maqalney in ay
Khadra Timid Wadanka arinkaasi Miyaad ka warantaa waxuuna jawaab ugaaga
Dhigey in uu maqley oo kaliya lakiin Waqtigaani uusan ku sheegi karin meel ay joogto
wali aysan soo Wacin Intii uu hadalkiisa Wadey ayaa waxaa Tellkiisa Mopelka
ah soo Wacey khadra una sheegtey in ay joogto Oslo lana qaabiley Waxaana ka
Go ay isla markiiba Cardkii ay kuhadlesya asgaana Wacay waxauuna Weydiiyey Isla
Goobta ay kusugan Tahay Waqtigaani Xaadirka ah Waxeyna usheegtey Xaafad

Markaasi udhow Durbadiiba Waxuu soo aadey halkii ay u tilmaantey waxaana soo
Raacey gabdho badan oo ay Qaraabo yahiin Waxaana maalinkaasi kamuuqatey
Maxamud Naxdin Farabadan lakiin Khadra Mesyan sameyn Waxuu uu maleynaayey
Khadra aydoo balan qaadey in aysan Wax dagaalo iyo buuq asayn sameyn karin halkani ay tahay Wadan Yurub hadii lamaqlaana in uu maxamuud labo xaas leeyahay
uu halkaasi dhib weyn kasoo Gaari karo Waxaana ay khadatey Go aankii lagu talshey
Waxaana halkaasi kusoo Dhaweeyey Qaraabadeeda oo dhan Waxaana halkaasi
Ku Dhamaadey aqristoow Qisadii Halkaasi ay ku Dhaamaatey Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,
Fiiro gaar ah: Qormadan waxay wada quseysaa dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba intaba Inta Daneysaa Sheekooyinka Kafaaloonaya Arimaha Jaceylka ,

NB: Qoraalkaan xaquuq Diisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama daabacan Karo lamana Qaadan karo ilaa ogulaasho Lagaga Helo Qoraaga sheekada ,,,,

Raali galin ku socota akhristayaasha oo ku saabsan intii ay idiinka soo daahdey Qisadaani karaali ahaada Maalmaha soo Socdaana Waxaan idiin Bilaabi Doonaa Haduu ilaahey Yiraahdo Sheekooyin kaloo farabadan Runtii oo aad ladhici Doontaa Haduu ilaahey Yiraahdo Waxaana Kamid ah Sheekooyinka aan Bilaabi Doon Maal maha soo Socdaa


Qalanjadii Is Qaad qaadey Maxaa qubey Hankeedii
Qalanjooy Qeybsami Weysay


Waxaa Qorey Al ustaad Cumar Cabdi Xaashi Iyo Hoodo Axmed Ibaarhim

Fadlan Waxii Talo Iyo Tusaalo ama Dhaliin waad iisoo Gudbin kartaan Aqriste waan qaaday Dhalishaada Hadii aad aragtaana Waxii qalad ah Dhanka Qoraalka ka Raali ahaada Aqristoow Waadna Ogaan Doontaan Meesha ay ku Dhaamato
Ibna aadanka Lagama waayo qaladaadka Raali ka aahaada Arinkaasi


Omar Abdi Haashi
suxufi200@yahoo.co.uk
xaash111@hotmail.com
Tell 254722942767
Kenya Nairobi


Roodo Axmed Ibaarhim Hoodo Indho Uroon
hoodo007@yahoo.com
hoodo07@hotmail.com
Hargesya Somaliland
Tell.25224413673
 

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved