Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday November 06, 2007

Nabsi Iyo Naruuro Jaceyl

Hadii aad baahi uqabto jaceyl, waa in aad iska ilaalisaa nabaro badan oo qatar ku ah jaceylka, waxaa aadtahay wiil dhalinyaro ah ama gabar dhalinyaro ah, waxaad ku jirtaa xiligii dareen kaaga uu u baahna jaceyl, waxaad rabtaa in aad sameysato saxib ama saxibad, hadaba maxaa kula gudboon in aad sameyso? waa in aad ogaata jaceyl ka in uu yahay bad galid mooyee aan ka bixitan leheen waa in aad ogsoontahay qatarta uu leeyahay isla markaana uusan eheen jacylka wax dheel dheel gala ama kaftan iyo qoob ka cayaar. ......................................

sheekadani maaha mid khiyaali ah waa mid dhaba,waxaanay shaaca ka qaadaysaa dhibaatada uuleeyahay Nabsiga Ama Qiyaanada aad Qiyaanto Ruux Waxaana qalina
uqaatey anigoo ah Ciise Calas Ama Ciise Maxamuud Khaliif Iyo Salma Maxamed Salma oo looyaqaan Salma Neehaa ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Taas oo ah Qiso layaab leh oo aad intan oga boggan doontaan haddii Eebbe idmo,Waxaanan ugu tlo gallay keliya Dadka Xiiseeya arrimaha Jacaylka, Sheekadan waxay ka xog-warramaysaa Dhibaatooyinka uu leeyahay Jaceylka

aad ruuxa kuula wadaaga qiyaantey ama aad Balantii aad Wada Gasheen aad
Fulin weysay Taasoo aan uugu tala galey Inta Xiiseysaa Arimaha Bulshada
Ama Jaceylka Rag Iyo Dumarba Waxaan idiin leeyahay Aqrin Wacan oo wanaagsan

Faysal Maxamed Kadiye Waxuu ahaa Wiil Dadiisu Tahay 27 Jir aana waligii guursan
Waxuu kunoolaa Xaafada islii Reerkooda oo dhan waxaey Jireey Aduunka Dacaladiisa
Waxaana africa Joogey asaga oo kaliya Waxuuna Ahaa Wiil aad iyo aad u naxariis Badan runtii Jeclaa in uu dadka aana Waxba hesyan uu u gar gaaro xaga Dhaqaalaha
Maalin Maalmaha kamid ah ayuu Waxuu arkey Gabar ilaahey udhalshey qurux Iyo

Dabeecad Wanaagsan Gabdhaasi Maaha Gabar Kale Waa sahra Axmed Guutaale
oo Markaasi kasoo Baxdey Mid kamid ah Carwooyinka Waaweyn ee kuyaala xaafada
islii Carwadaasi oo magaceedu Yahay Barka Basaar oo ah Mid kamid ah Carwooyinka
uugu waaweyn xaafada islii Sahra oo maalinkaasi alaab lasoo gadaysay gabdho ay
Saxiibo Yahiin oo oo aadey mareykanka Sahra Cidna uma maqneen ceelna uma
Qodneyn Waxay Reerkooda ka biilan jirtey waxaey raashinka u karin jirtey dhalinyaro
Somaaliyeed oo ay kaqaadan jirtey lacaga 3500 oo kenya Ah Lacagtaasi Waxeyna
Lacaagtaasi usii deri jirtey Reerkooda oo Daganaa Maagalada Reerkaasi oo ahaa
Reer isaka Daruufheso Kuwaasi oo kunoolaa lacagata ay uderto gabdhooda Sahra
Sahra Hamigeedu waxuu ahaa maalin uun in ay kabaxi doonto dhibka Hestaa ama
Ay gaari doontaa nolal sare intii ay Wadada kusoo Socdeen ayada Iyo saxiibadeeda
Ayeey Waxey arkeen Faysal oob taagan Wadada Laamiga ah indhaha ku haayo oo eegaya Sahra Maadama ay gabdhaha gabadha uugu qurxoon Faysal Waxuu dadaal

Dheere ugaley Siduu gabdhaasi ubaran lahaa Waxuuna Bilaabey in uu Gabdhahii Yiraahdo Abaayo macaan waad idiin Salaamey mantahiin Dhamaantiiban kawaran hadaan idiin Caawiyo ama aan idiinla qaado Waxeyna Yiraahden Waad nacaawin
Kartaa Waxuuna Halkaasi uugu dhaqaaqey Kaftan iyo in uu laqaado alaabtii waxuuna
Lageeyay Hoygii ay ka dagnaayeen Xaafada islii Waxaan halkaasi la isku Dhaafsadey
Sheeko Waxuuna siiyey Gabdhahii Telkiisa Gacnka ahaa Qaarkamid ah gabdhahii
Ayaa Yire hadaan kusiin laheyn Tellka naga Aniga Waxaan usii suconaa Mareynkan
oo Waxaan Baxeynaa Maalinta Barito ah Lakiin Saxiibteen Sahra Tellkeeda ayaan
kusiineynaa Waaba siduu Rabey asagu Waxey uugaga Dhagan tahay Sahra ayuuba

Rabaa Xiriirkeeda Waxaana loo qorey Faysal Telfoonkii Sahra asna waxuu qorey
Tellkisa Meesha Waxaa la isku Dhaafsadey Telfoono Faysal markuu kasoo Noqdey Xaafadii Gabdha Waxaa durbadiiba Niyadiisa Soogashey Gabdhaasi Quruxbadnaa
Waxuuna Go aan buuxada ku gaarey in uu Xirrir layeesho Maalin maalha kamid ah
Ayuu Sahra Wacay Nasiib Wanaag Waxaa loo sheegey in ay Xanuun san Tahay
Maalinkaasi Waxaan Tellfoonka Kaqabtey Mid kamid ahaa wiilasha ay Raashinka
u karin jirtey Sahro Hosbitaal Waxuuna Weydiiyey Hosbitaalka ay Jiifto ama Laseex
Shay sahra Waxaana loo sheegey in laseex shay Mother And Childrean Hosbitlaa
oo Kuyaala Xaafada islii Durabdiiba Faysal Waxuu abaarey hosbitaalkii Waxaanuu
Horey uugu sii iibashey Cabitaano Iyo Raashin Fudud Markii gaarey hosbitaalkii

Waxuu dhaqaatiirta Weydiiya Xanuunka Haayo Gabdhaani waxaana loo sheegey in uu
Haayo Malariya Iyo Tayfood Waxaana intaasi u sii Dheeraa Nafaqo La aan Waxuuna
Dhaqatiirtii Hosbitaalka Ku amrey in sidada uugu Dhaqsiyaha Badan loogu Bilaabo
Daawada loona soo Gudbiyo Qarashkii ku baxay Maalmahii ay Xanuun saneed
Wiilashii ay Raashinka ukarin jirtey mid kamid ah oo magaciisu ahaa Maxamuud ayaa
Yire Walaal gabdhaani Ma Walaashaa Mise Qaraabo ayaad Tahiin Markaasi ayuu
Faysal Ku juwaab May Gabadhaani waxaan u caawinayaa oo kaliya maadama ay tahay
Gabar somaliyeed oo qura Iyo maadama aysan dadkeedu aysan joogin magaalada
Nairobi aysan Hesyan Dhaqaalo cidna aysan umaqneyn Waxaana aad iyo aad uugaga
Naxay dhibka soo gaarey Waxaan idiin sheegayaa maanta waxii kadan beeyana

Aysan Noqon Dooni shaqaalo idiin karshaa Raashinka Maadama Dhibka Iyo xanuunka
soo gaarey xataa aad ku fiirsateen Waxuuna uugaga Dhaqaaqey Goobtii ay taagnaayen
Wiilashii oo yaaban oo leh ninkaani Muxuu ahaa mise dibadaha ayaa kayimid oo
waxii uurabo ayuu isga hadlayaa Waxaa soo naaxdey Saacado kadib Sahra oo ay
Muuqdan Dis Muraal Iyo Murugo aydoo leh yaa ka bixin doonaa lacagata hosbitaalka
Waxaana loo sheegey in lawada baxshey Qarashkii Daaweynta Iyo Jiifka uuna baxshey
Wiil magaciisu Yahay Faysal Maxamed Kadiye Aydoo Tire Muxuu ahaa faysal maba aqaan Waxaana loo sheegey tilaamtiisa Waxeyna Malesyan wesyay Siadada qiimaha
Iyo qaayaha leh uugu gar gaarey Waxeyna Tire ii wac wacaan doonayaa in aan
Lahadlo ii Wac telkiisa Waxaana loo garaacay telkiisa Nasiib Wanaag Waa dansanaa

Maalinkaasi Waxaana la wacay saacado kadib Nasiib Markuu arkey telfoonkii sahra
aad iyo aad ayuu uugu farxay maalinkaasi Waxaa imaanesya Gabar ladhaltey faysal
oo ka imaanesya Wadnka Filand ayad iyo caruurteeda Waxuuna maalinkaasi jirey
Garoonka Diyaarahad nairobi waxuuna usheegey markuu ka yimaado garoonka in uu
Kasoo mari doono Hosbitaalka waxauuna Weydiiyey Waxii ay ubahan tahay ama ay rabto in loogaga soo qaado waxaeyn Jawaab uugaga dhigtey waxii aad iila jeclaato
Igaaga soo qaad Faysal waxaa uu garoonka Diyaaradaha Nairobi ukasoo qaadey
Muxubo oo aheed Walaashis Iyo 3 Wiil oo uu abtigood yahay waxaana uu geeyey
Guriga logaaga Diyaarshey Xafaada Helgam oo kamid ah xaafadaha uugu fiicaan

Nairobi taasoo ay dagaan dadka hesytaa Dhaqaalo ama dibadaha kasoo guurey xaafada
Waxaaba Diyaar loogaga Dhigey inta aysan imaan Muxubo iyo caruurteeda waxaa lageey gurigii loo diyaarshey waxuuna markii uugeeyey xaafada wadada sugaayey Dumaashi yaalkeeda Iyo gabdho ay ilmo adeer ah yihiin waxuuna kasoo tagey markii uu
Geeyey Guriga walaashiis waxuu soo aadey dhankii xaafada islii iyo halkii ay joogtey
ama ay kusugneed Sahra waxuuna Yimid Hosbitaalkii oo ay sahar Habeenkaasi ay lajoogen gabdho ay saxiibo yahiin iyo wiilashii ay kurin jirtey Raashinka markuu soo galey qulkii Gabi ahaanba Dadkii oo dhan waa uu wada salaamey waxuuna durbadiiba
Waydiiyey Xaaladada caafimaadkeeda Sahra waxaan loo sheegey in lagaga saarayo
Maalinta barito ah hosbitaalka hadada uu wanaagsan yahay xaaladeeda caafimaad

Sahra waxaey aad iyo aad uugu mahad Celisay wiilkii Faysal ah aydoo tire aboowe macaan magaran karo waxaan abaalkaaga ku gudo waxaan aad iyo aad kagaaga mahad
Celinyaa sida qiimaha Iyo qaayaha Leh aad uugaga daqantey dhibka iyo Daruufta ihesyaa Runtii abaalka aad iigasheyna Maaha Mid aan iloobi karo markastaa Waxaan
kuleeyahay Walaal jiraa Faysaloow Runtii aniga magaalada Nairobi majoogaan Dad
Ehelkeyga ah ama Qaraabo ii ah waxaan ku xamaashaa Xoogeyga oo aan ku shaqesyta
Waxaan raashinka u karshaa wiil somaliyeed oo meeshaani ikeeney waxaana
Runtii Waxa Reerkeena ah ama qaraabo aanu nahay oo jogaa Dibadaha majiraan
Walaahi waxaadna igaaga mudan tahay qiimo iyo qadarin waxaan aad iyo aad ugu
Farax sanahay barshada aan kubartey runtii waxaad Tahay wiil somaliyeed oo dabeecad

Wanaagsan Naxariis Badan runtii aad iyo aad ayaan uugu faraxsanahay Waxaana maalin
Qura kagaaga Faaloon doonaa Dhibaatooyinka Nolasheyda iyo Siyaabahii aan ku imid
Wadanka Kenya Waxuuna Yire mahad sanid abaayo macaan waxaasi waanu isku leeyahay aniguna waxaan ahay wiil walaalkaaga ah waxii aad igaaga soo baahto diyaar
Ayaan kuugu ahay in aan kaaga caawiyo sahraay waxaad balan igaaga qaada wiilasha
aad raashinka u kariso in aadan mar danbe u karin karin maxaasa qarasha kaasoo galo
Wiilashaasi anigaa diyaar u ah Qarashkii aad kaqaadan jirtey wiilasha marka taasi
Balan igaaga qaaday Sahra intaan aniga halkaani joogo Waxii aad ubaahto anigaa diyaar
Kuugu ah Sahra Waxay balan ka qaadey wiilkii Faysal ahaa Gu aankii uu gaarey Fulin

Doonto hadey caafimado Waxaana isi weydiin Mudan Hadii ay qaadato go aanka in ay
iska deyso shaqada Miyuu siin doonaa Lacagtii Ayagoo Wada Joogaa Faysal Iyo Sahra ayaa waxaa Hosbitaalkii iigu Ymid wiil iyo Gabdha isla socadaa oo soo booqdey
Sahra Waxeyna aad iyo aad uugu mahad naqeen sidada qiimaha Iyo qaayaaha leh
Faysal waxaa niyadiisa kusoo Maxaadey in uu gabdhaani ugeeyo Walashiis Muxubo ah
Si ay uugaga Caawiso inta ay Joogto Nairobi waxii Howl ah oo lagaga qabanaayo
Guriga Lakiin Waxaa Niyadiisa Soogal in uu ka daayo shaqo oo dhan Maadama gabadhani uu si Xadhaaf ah ujeclaadey ama qalbigiisa uu meel ay dagto uugaga sameey
Maadam uusan ugoleyn in ay Reero ay Jaariyad unoqoto maadama Gabdhaani

Ay tahay gabar uu jeclaadey Si Kadis Ah Waxaa laga soo saarey Hosbitaalkii Sahra
Waxaana lakeeney Xaafadii ay dagneed waxaeyna ladagneed Gabdho Dhowr ah oo
Ay Reer muqdisho isla ahaan jireen Gabdhii ayaa Sahra usheegey markuu baxay Faysal
in uu wiilkaani Yahay Wiil aad iyo aad Uwanaagsan Runtii ayna Qadarin iyo qiimeyn
Siisaa maadama Abaalkii uu ugaley aysanb iloobi dooni Sahra markii ay caafimaadey
Ayuu maalin maalaha Kamid ah Sahra usoo sameey Shobin farabadan iyo alaabo
Ay ku quruxsato Gurigeeda Sahra maalinkaasi Waxaa ubiloodey Nolal Heer sare ah
Waa hadii ay Nasiib Uyeelato Faysal Markastaa Faysal waxauu rabaa in uu usheegto
Jaceylkiisa uu uqabo Gabdha Sahraa Lakiin Waxuu isleeyahay Gabdhaani armey
Kaa diidaa Iyo wax yaabo lamid ah maalin maalmaha kamid ah ayuu ugu tagey

Guriga ay dagneed Sahra maalinkaasi oo ay sahra ay kamuuqatey Faraxad iyo Reyn reyn aanan halkaani lagu soo koobi Quruxada Iyo Dhalaaka Kamuuqdaa hadaada aragto oo aad leedahay waxaa intaasi usii dheeraa Dabeecad iyo kaftanka farahabadan
Maalinkaasi Waxuu Gu aan buuxada ku gaarey in uu usheegto Arinkiisa ku aadan Jaceylka waxauu kubilaabey Sahraay idhageyso Macaaney waxaan rabaa maanta in aan
Kuu sheego arin farabadan oo aan inbadan kaa qarsan jirey Waxaana Rabaa in aan Daboolka Kaqaado arinkaasi oo ah in aan kuusheegto Jaceylka aan kuu qabo kaasoo
Ah mid aanan kusoo koobi karin halkaani marka macaaney waxaan rabaa in aad ogaato
in aay Ahay Ruux kujecal Runtii una baahan in aad Wax laqabo madaama Nafteyda

Adigu kaa heshay Runtii hadaan kagaaga Warmo aniga Waxaan ahay Naf ku jecal una
Baahan in aad Wax kala qabto jaceylka aan kusoo Ban dhigey niyadaada hagalin oo ha is dhihin Wiilkaani waxuu kaagaga Faaiidesyan Nayaa Daruufta kuhesyaa Runtii waxaad Tahay Ruuxii aan inbadan baadi goobi jirey ama aan Raadin jirey aydoo kale
Marka maanta waxaan Nasiib uyeeshay in aan adiga kuhelo macaanto Diyaar miyaad
u tahay Arinkaasi in aad Wax igala qabto Sahra Waxey lasoo boodey Faysaloow Hadada itiraahdo nafta ii hibeey waxaan balan kuugu qaadi karaa in aan kuu hibeyn karo Nafteyda Waana kaa gudoomey Jaceylka aad iiqabto aniga waxaan kuuqabaa
Midka kaaga Lamid Ah Faysal oo Hadkiisii Sii wataa ayaa waxauu Yire Tix Yar


Sahra waxaan kaliya
Dadka kaala soobaxay
Suugaan kuugu tiriyaa
Samo kuugu dhawraa
Samaan kuugu heesaa
Suleekha kuugu yeedhaa
Wanaagaaga u,sida
Sidii sabi dhalaameed
Saxar kaaga ilaashaa
Waa jacal i,saarnaa
Sadax iyo toban sano
Sidii tiriig siraadnaa
Ayaa igu siyaadoo
Saameeyay molashoo
Aan laseexan waayoo
Saqda dhaxe i,mira,oo
Sahwi igu salaamoo
Sanka iga duleelshoo
Suudiyo cadceedkulul
Saynabeey i,dhigayoo
Maanta aan lasoognahay
Hadba dhinac ii,sida,oo
Marba,aan lasarakici
Naftu way siloontoo
Samir qaadan waysoo


Waxeyna Sahra Tire Faysaloow Waan kaa gudoomey Amaantii aad ii qaadey lakiin hadaan Dumar Nahay Armey nogaaga Dartaa Amaantaasi intii ay isla hadlaayen ayaa Waxaa soo Wacey Abaahed oo joogey Muqdisho una sheegey in ay soo laabato
Sida uugu Dhaqsiyaha Badan waxaan loo sheegay in uusoo Doontey wiil jogaa Usa uuna
Imaan Doono Magalada Muqdisho Sahra arinkaasi Markii loo sheegay aad iyo aad ay
Ugaga Xumaatey madaama Waqtigaani aysan Diyaar u ahayn Guur lakiin Culeys Xaga
Reerkooda ah ay Yimid maadam reer Sabool ah oo aanan Laheyn Dhaqaalo Waxeyn Tire Abe macaan aniga Madoonaayo Ninkaasi aad sheegeyso Una sheeg inta uusan Imaan Waxaana Go ay Sahro aabaheed Tellfoonkii Sahra Waxaa lasoo gudboonadey

Arimo Farbadan Sahra Miyeey Qadaan Doontaa Arinka Reerkooda ay usoo sheegen
Mise Maqaadan Doonto Hadii ay qaadato Maxaa lasoo Gudbonan Kara muuxusa
Sameyn Doonaa Maxaasa Lagudboon Aqriste Lasoco Qeybaha Kale ee Qisadaani
Waxaana Bilaabi Doonaa Maalmaha soo Socda Haduu ilaahey Yiraahdo ,,,,,,,

Cid Alaale Ciidii ubaahan in aan Talooyin kusaabsan Jaceylka Ama Talacelin Ah
Waxey igagala soo Xiriire Karaan Ciwaanada Hoos kuqoran Talooyinkaagana Waan soo Dhaweynayaa Aqristoow Lasoco Taasi Lakiin Lasoco Taladaada Hanoqto Mid kusaabsan Arimaha Bulashada Yeysan Noqon Mid ah Siyasada Lakiin hadii ay Tahay Taladaada Arimaha Jaceylka Waan soo Dhaweynaa Talana soo Weydiiso Ciise Yare


Lasoco Aqristoow Qeybta 2baad Haduu ilaahey Yiraahdo Maal maha soosocdaa
Aqristoow Qeybaha Kaloo Harsan Laso Qisadaani Waxeyna Idiin Bilaaban Doontaa Weegaani Haduu ilaahey Yiraahdo Waxii Fariin ahna Waxaad iigugu Soo Hagaajin Kartaa Ciwaanadeyda Ama Waxii Talo Iyo Tusaalo ah Waxaad iigu soo Hagaajin Kartaa Hadii aad Qaladaada Aragtaana Ka Raali Ahaada Aqristayaasha....................


Qoraa Sare Arimaha Bulshada :
Ciise Maxamuud Khaliif Ciise Yare
Email ciisecalas@hotmail.com
ciise_200@yahoo.co.uk
Kenya Nairobi
Tell 254722610528


Salma Maxamed Salma Neehaa
Salma_adeey@hotmail.com
salma_cadeey@yahoo.com
Kenya Nairobi




Xuquuqda Qisdaani Waxay ku Kedsan Tahay Qoraaga Sheekdaani Asaga uunbaa Lagala soo Xiriiri Karaa Amar Laan lama Daabacan Karo lama Copy Laguma Sameyn Karo Ilaa Ogulaansho Laga Helo Qoraagaga Sheekdaani Ciise Maxamuud Khaliif Ciiseyare

 

 

13432093

© RSTV 2007. All Rights Reserved