Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday October 23, 2007

Noloshu waa jaceyl Jaceylkuna waa Nolol Qrybtii 5aad


Deeqa Axmad: Sidaas i ogeyda baan adiga mooye raggba iloobay, sidaad ii ogeyd baan ubax la moodyoow kuu amaanaa, sidaas ogeyd baan axdigeenii u adkeeyaa! Miyaad ogeen miyaad iloowday, inaad jaceyl igu abuurtay, oo kaygane ku beerantahay maba ilaaaween. sidaas i ogeyd buu afka hadalkii iiga xadayaa, sidaas i ogeyd baan erayadaadii ugu heesaa, sidaad i ogeyd baan adiga awgaa aan u ooyaa! Miyaad ogeen miyaad ilowday, inaad jaceyl igu abuurtay, oo kaygane ku beerantahay maba ilaaaween!!

Markii ay nolosha labada qofood oo lamaanaha ah ay noqoto nolol asaaskeedo iyo tiirarka ay ku dhisantahayba ay yihiin kuwa ka kooban BEEN, QIYAANO, iyo WAX KALA QARSI waxeey wada noqdaan laba aan kala rooneen, oo aan la arkin wax ay ka naxaan, xataa qoftii/qofkii markii hore wanaageeda lagu joogay waa isbedeshaa. Waana wada qiyaasi karnaa waxa ka dhacaa ama hadii ay xataa dhagool-indhoole iska dhigaan labadoodaba ka dhici doono meeshaas sikastaba waa halkii natiijo, waa: KALA TAG, CUQDAD iyo NOLOSHA SIDA LOO WAJIHI LAHAA OO AAN LA AQOONSANIN, LAGA CABSADO LAGUNA KALSOONAAN DOONIN MUSTAQBALKA, DADKA IYO RAJO DANBE WARKOODA ISKABA DHAAFE! Waxaas oo dhan wax kale ma keenin, ee waxaa keenay beentii la isku sheegay, xiisihii ilbiriqsiga ahaa oo la mooday inuu yahay jaceyl waligiis waari doono.

Baahidii jireed oo ka tan badisay, oo noqotay birqabato isku soo jiido sida in ay koronto dhiiga miirata tahay. Dadka aan la aheeyn oo la iska dhigay, iyo HAA dii tirade badneed, si la isku qanciyo. Xataa wax aan la awoodin oo dhib ku ah ayeey aqbalaayeen labadooduba si qofwalba "kalsoonida" waxa lagu sheego laakiin ah warqad hadii biyo la gelsho milmeyso loo dhowro.

Wada-hadal la’aantii, iyo waliba ayagoonan is barin in qofwalba oo labadooda ka mid ah ay xaq kaamil ah u leedahay in ay sheegto fekerkeeda, dareenkeeda iyo sida ay xal u aragto ayadoonan qof kale ku kalsoon, og inuu ku aqbalay sida ay tahay jir ahaan, iyo maskax ahaanba. Laakiin aqristoow waa suaal aan jawaab u waaayee side nolol ula qaybsanee qof aad jirkaaga kala xishoonee, dareenkaaga iyo fekerkaaga inuu kugu caayo, ama aqoon yaradeeda wax ka sheego aad ku tuhmee? Sidee aqligaago awal ku keenay in aad la noolaatid qof aadna ugu aamin qabin naftaada sirteeda, qof aadna waxwalba oo ku saabsan naftaada iyo mustaqbalkaaga kaala fekereynin? Bal ADBA aqriste!
Marka waxaan dhihi lahaa ha la iska joojiyo istustuska badan iyo beenta badan oo la isu jilaayo maxaayeelay "Beeni raad malahan" tan kale inta wiilasha somaaliyeed aaminsanyihiin" Naag beenaa lagu soo xira gelshaa runa waa lagu dhaqaa" wax u soconaayo ma jiraan, oo ayagaaba noloshii jaceyl iyo tii guurba been iyo qiyaana tii ugu weeyneed ka bilaabay.

Been marka koowaad qofka islaamka ah waa ka xaaraan, oo Rasuulkeena C.S.W waxuu sheegay in qofka Muslimka ah, oo muuminka marnaba uusan been sheegi karin. Balsa waxwalba oo kale ka suurtoobaan, soo la yaab maahan in BEEN saas diinteeda wanaagsan u xaaraantinimeysay anaga aan maalinkasta, daqiiqad kasta iyo ilbiriqsi kasta aan sheegno, iska dhaaf sheegitaan oo kale ah ee waxeeyba noqotay BEENTO qaybta ugu weeyn oo aan maantay dhaqaalo ku lehno khaas ahaan kuweena degen GALBEEDKA?.
Sababta beenta iyo qiyaaanada waxaa ku dudumay guryo badan, dad badan ayaana guurkoodii iyo jaceylkoodiiba ku khasaaraa iskuna arka in la isticmaalay. Qoraalkaan intaan ku guda jiray ayaa waxaa i soo gaartay qiso ku dhacday qof ka mid ah aqristayaasha faalada:" Noloshu waa jaceyl, jaceylkuna waa Nolol!" Waxaana ka codsaday qoftaas in aan ka faaiideeysano wixii ku dhacay si aan kaga digtoonaano waana iga aqbashay.

Qisado waxeey aheeyd sida tan:
Waxeey ahaayeen wiilkaan iyo gabadhaan dad markii horaba aysan jirin aqoon fiican oo u dhexeeysay oo ay ahaayeen dad qurbuhu is baray. Gabadhu waxeey aheeyd gabar guur diyaar u ah sidoo kale wiilka.

Laakiin gabadhaan waxeey jecleed in ay guursato wiil ayada ka diin badan, waxeeyna waligeed ku taami jirtay nin SHIIKH ah! wiilkaan ay noqdeen saaxiibada oo jaceylku isku keenay waa ka war helay arintaan waxuuna si degdeg ah iskaga soo dhigay sida ay rabtay gabadhii oo "ALAAHA KA CABSO WALAASHAY" u badshay sheekadii oo dhan. Gabadhii arintaas waa ku faraxday oo WIIL FICAN OO DIIN LEH AYUU ULA MUUQDAA. Sanad iyo waxyar kadib waa la wada aqal galay, oo aroos kii ugu danbeeyay ayaa loo sameeyay. Waxeeyna u dhashay wiil.

Markii laga joogay laba sano iyo bar oo dhalatay oo dhamaatay waxna aysan ogeen gabadhii aheeyd shiikh doonka ayaa soo ogaatay in ninkeedu uusan aheeyn SHIIKH balsa uu yahay SHIIKH SHAYDAAN. Laakiin intaas oo kaliya dhib uma arkeeyn ayeey tiri. Balsa waxeey qaraxday oo ay is nacday markay ogaatay inuu leeyahay balwad tii ugu xumeed, sigaar, khamri iyo jaad. Weey ka guurtay waxeeyna ka codsatay inuu iska furu. Maxkamad iyo dhibaato badan ayaa la isla maray laakiin waa ka dhaartay inuu furu! Maxaayeelay waa jecelyahay, balsa nasiib darro ayada jaceylkii oo dhan waxuu ka raacay wixii ay ka aragtay, beentii iyo qiyaanadii ay ku nooleed ku dhawaad sadax sano oo nolosheeda ka mid ah.

Aaminkii iyo kalsoonidii ay ku qabtay jaceylka iyo nolosha ubaxdeeda ayaa ka dhumay. Waana awoodi weeysay ineey is qabato oo isku daydo ineey si wanaagsan wax ula qabato, dibna ugu laabato jaceylkeeda iyo wiilkeeda aabahiis. Maxaayeelay waxeey isu aragtay ineey tahay qof la dagay oo laga aqli badshay sadax sano oo nolosheeda qaalida ah ka mid ahna ay meel cidla ah ku dhamaatay.

Halkaas oo ay sanad kadib ku kala tageen, inkastoo qofwalba qofka kale jecelyahay, inuu jiro isbedel iyo marmarsiyo la iskula noolaan karane la wada jeclaan lahaa. Ilaa iyo hada sababta jaceylka ay u heeyso ninkeedii hore iyo wiilkeeda aabahiis ayeey la guursan la'dahay sida ay ayada ii sheegtay ninkiina sidoo kale asna weli waa joogaa!.
 

Marka saaxiibayaal dhamaan waa iga digneen beeni raad malahan, qofkii isku dayo ineey noloshiisa la socoto been iyo qiyaano inta uu noolyahay asigaa soo haraayo maahane waqtigo ma cafin doono, maalin uun buu qoorta ku soo qaban doonaa weliba adoon iska jirin. Beene hal mar ayeey kaa farxisaa laakiin kun mar ayeey kaa nixisaa!!
Deeqa Axmad: Jaceylka adaa i baray, adaa i baroo igu beeray hadane iga baran waayay. Markaan boholyoobay awgaa adaa meel kale u booday. Wanaagii hadaad ilowday, hadaad barashadii xumeysay, beenbeen igu baadi meysidi, ogaaw ana waan ka baxay!
........…………............ DHAMAAAAAD…………..........................
Hadii aad u baahanatahay in aad ogaatid sida aad ku badbadin kartid jaceylkaaga, isla markaasn oo u noqdo mid waara la soco qaybaha danbe ee qoraalada:" Noloshu waa jaceyl, jaceylkuna waa nolol!" adigoo mahadsan aqriste, waxaan kaa codsanaa sida aqriste qaali ah in aad ii soo celisid wixii dhaliil iyo saxitaan ah oo ku aadan qoraalkayga, iyo waliba hadii aad i dheertahay aqoon ku saabsan jaceyl. Mahadsanid.

 

 Igala soo xariir imailadaan:

samsam_1989@hotmail.com, ama

ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk

NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aana lama daabacan karo, mana la qaadan karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.

W/Q
Ifraax Yusuf Axmad (Ifka). Waxaana qoraalkaan si qaas ah ugu hibeeynaa LAMAANAHA ISJECEL, QAAS AHAAN KUWOODA ISQABA OO NOLOSHA JACEYL DHABTA U WADAAGAY!
 

 

13432093

© RSTV 2007. All Rights Reserved