| |
Monday October 08, 2007
Noloshu waa jaceyl
Jaceylkuna waa Nolol !
Saado Cali warsame: Alla wiilku mudanaa,
mudanaa macaanaa, raggu magac qurxoonoo. Alla yaa malyuun jeer, maalin iyo
habeenkii muuqiisa daawada..!" Nasiib darro
heestaa waa macaantahay, waxaadsa aragtaa marar badan dumar badan oo
cagsiga heestaan ku heesaa, ayagoo moodaa in ay raggooda amaanaayaan.
Ileen waxa Uurka ku jira Afkaa soo xadxadee!!
Waxaa inbadan oo naga mid ah la fiigsanyihiin ama ay aad kaga naxsanyihiin
dhibaatooyinka, iskugu jira rajo la'aanta iyo murugada oo noloshooda
jaceylkooda u hanjaba ama sida cad weerar gacan iyo afba leh ugu soo qaado
markay helaan qofka ay jecelyihiin, oo ay nolosha la wadaagaan. Suaashaan
ayaana noqotay mid wadnaha kaga taagan sida waran oo kale dad badan oo ah:
Maxaa keenay lamaanaha isjecel markay nolol jaceyl
wadaagaayaan, oo iska soo ag kacaan in ay xalin waaayaan dhibaatooyinka
iyo culeeska noloshooda soo food saara?!
Shaqsi ahaan suaashaas waxaan aasaas iyo asal kaga dhigaa laba shay oo
kali ah: BEEN, iyo ISTUSTUS XADKIISA DHAAFAY oo
dhalinyaro badan ku bilaabaan abuurida iyo waraabiska geedka la yiraahdo
JACEYL! waaana xaqiiqo jirta in wax walba waxa aad ka sameysid noqdaan.
Waxaa jirto oo sida aan jeclahay wax shaki ah ku jirin in
markii laba qofood oo isku arko ineey isku haboonyihiin oo ay
isjecelyihiin rabaana ineey mustaqbal isla dhisaan in ay wax walba iyo
dhibaata walba oo jaceylkoodaas iyo xiisahoodaas cusub soo wajaha ay si
fudud ku xaliyaan. Maxaayeelay qofwalba waxeey rabtaa ama ka cabsanee in
ay dareenkeeda xiisaha iyo rabitaanka cusub wata ka miro dhalin weeyso,
iyo in qofwalba xaqiiqada ay gurigeeda kaga soo tagtay ay qarineeyso
saacadahaas ay la joogto/ joogo qofkaan lala jilaayo JACEYLKA. Laakiin
markii ay guriga wada tagaan oo ay iska soo ag kacaan, nolol dhab ah
wadaagaan ineey wax isla fahmi waayaan ayaa dhacda, oo qofwalba dabeecad
qalafsan iyo waji aan lagu ogeeyn oo cusub uu sameeysto. Waa la yaab oo
maxaa sabab u ah isbedelkaan degdegta ah?.
Waxaan filaa in ay sabab u tahay dhowr arimood oo aan markii horaba
qorshaha lagu darin, kowdii markii qofkaan soo galootiga ah maskaxda iyo
qalbigu isku raacaayeen in ay afgaran karaan, been ayeey isku sheegeen,
waa ku degdegeen qofka. Maxaayeelay aragooda iyo maqalkooda ayeey ka
badatay maahane si kale qofka uma aqoonin, ama wax ka roon ayeey u jeedi
waayeen markaas. Kadib markii qalbigu xukunka qaatay oo sheegaayay in
qofkaan yahay heer sare, oo booskiisa laga cariirin karin, maskaxda iyo
fekero waxeey ku wada mashquulsanaayeen sida ay sabar iyo dulqaad ula
imaan lahaayeen. Ileen qalbiga oo ah hogaamiyahay jirka ayaa ogolaaday,
kamana soo horjeesan karaan, oo xumaanta ay soo arkeena waa kala cabsadeen
in ay u faahfaahiyaan qalbiga/wadnaha. Sidaas darteed qallbiga hada ayuu
arag iyo maqal yeeshay, oo arkaa wixii shalay ay ka qarsheen maxskaxda iyo
fekerka, ama oo u diiday jaaniska ay u fahansiin lahaayeen.
Balsa hada waa mar aan laga gaarin wax qabad, waa mar dhibaato iyo
dulqaad la'aan la soo deristay qalbigii, waa mar uusan awoodin inuu
sheegto waxa oo rabo, maadaama awoodii laga qaatay waa hore. Dhibaatada
ugu weeyn oo labadaan qof oo is qaba soo dhex gasha ayaa ah in qof ka mid
ah rabo inuu kaligiis awooda dhaqaale, maamuul iyo masuuliyad gudaha
iyo banaankaba isku qaato, oo kaligiis waxwalba ku amartagleeyo.
Qofkaan kale oo markaan yaaban, laga yaabee in aysanba u baranin in afar
iyo labaatanka saac loo taliyo, ama loo sheego waxa laga rabo in ay
sameeyso in ay wareerto, oo ay aqoon weeysay waxa uu soo wado ama oo ku
qancaa ninkaan/gabadhaan ay la nooshahay. Qofkaan wareerka, iyo
dareenkeeda oo ay la dhuumato si ay qof kale u qanciso waa ku dhibtooda,
awoodeeda shaqo ayeeyna saaid u nusqaamisaa, maskaxdeeda ayeey wax u
dhibtaa, jirooyin jirkeeda laga arko, iyo nidaam darro maskaxdeed oo
joogta ah ayeey ku dhalisaa.
Balsa qofkaan oo iska indhatireyso xaqiiqada qofka ay la nooshaya,
JACEYLKA ay u qabto dartiis, ayaa dulqaad, sabar iyo waliba danbi dhaaf ay
maalin iyo habeen u danbi dhaafeeyso qofkaan kale la imaato, ayadoo isla
maarkaas isku sameeysa ciqaab kii ugu darnaa oo qof nafteeda ula bareeri
lahaay ayeey danbigiisa ayada sabab iskaga dhigta. Micnaha hadii aysan
sameeyn laheyen wax ka xanaajiya, uusan dili laheeyn, kuna qeylin laheeyn,
warkaas ayeey u sharaxdaa nafteeda ay beenta ku waraabinee, si ay u dejiso
una qanciso, isla markasna ku raaligelisaa nafta in ay ku joogto meesha ay
joogto.
Inta qofkaan wanaagsan oo daacada ah dulqaadkeeda, iyo sabarkeeda lagu
noolyahay waxaa dhacda in qof kale oo cudurada qarsoon qaba inuu maalinba
marxalad maro, maalin walba waji cusub ula yimaado qofka kale. Midaas oo
rajo iyo hididiilo cusub ku dhaliso qofka dhibanaha ah, una diido in ay ka
baxdo ciqaabka iyo kadeedka nololeed oo ay ku jirto. Maxaayeelay waxeey
isku qancineysaa inuu isbedeli doono qofka kale, halka eray oo macaan oo
yiri, ama halka ficil oo wanaagsan oo sameeyo qofkaan cudurada qarsan qaba
waxuu sababaa in qof kale marnaba u xisaabinin qaladkiisa. Mida kale oo
qofkaan dhibanaha ah sida degdegtaa xisaabta ugu diraa ayaa ah maadaama ay
tahay qof wax jecel, daacadna u ah qofka ay la nooshahay, hadane ah qof
marwalba xal iyo nolol caafimaad qabta sidii loo wadaagi lahaa raadineysa
ayeey is tustaa in qof la jecelyahay marnaba qaladkiisa loo qabanin, ama
loo maxkamadaynin. Maxaayeelay ayadaba ma jeclaan laheeyn in qofkaan
qaladaadka ay sameeyso ku qaado, ama mid la mid ah ku sameeyo(ka aarsado).
Arinta labaad oo aadka muhiimka u ah ayaa ah in qofkaan dhibanaha ah
aaminsantahay qaladka bulsha kasta aaminsantahay oo ah in qofka la
jecelyahay: Xumaantiisa iyo wanaagiisa labada lagu taageero, laguna
jeclaado waxwalba oo yahay!". Taas oo micnaheedu yahay
in qofka la jecelyahay waxwalba loogu dulqaato, xataa haduu naftaada
cadawgeeda noqday, jaceylka oo sheeganaa naceyb u bedelo, waa in aad adiga
sida qof wax jecel ahaatid daacad xaalad kasta oo lagoola yimaado, noqotid
buundadii looga dhex mari lahaa dhiiqada oo asiga dhulka ku daadshay,
qaadid qalad kasta oo asiga/ayada sameeyay, isla markaas raali gelisid
qofkaas sida in aad adiga masuul ka tahay!
Qofka dhibanaha ah difaacyo badan ayuu sameeystaa, si oo u guuleeysto,
meesha oo rabane u gaaro. Khaas ahaan dumarka inkastoo raggaba ay qaar
kaga jiraan, waxeey difaac ay kula noolaadaan qofka ay jecelyihiin oo sida
xun ula dhaqmaa ka dhigtaan caruurtooda, oo waxaad arkee hooyo ku
leh:" kan lama noolaadeen, laakiin ilmahayga ayaa u baahan, in ay aabe
la'aan iga noqdaan ma rabo... ayagaan u cabsanaa maahane kan habeena sooma
ag jiifteen.!" balsa waa been ay ayada isku sheegtay, ilmaha uma
cabsaneyso ee waxa ay u cabsanee waa nafteeda dayacan oo qiyaanada
ay aqbali la'adahay loo geeystay. Warkaas xaqiiqadeeda waxaad ogaan kartaa
ama tusaale in la fahmo ay fududahay ka dhigan karnaa markii hooyadaa ama
aabahaa ay xanuunsanyihiin, isbitaalka qofkood yaalo, adna aad ka
cabsaneysid in ay kaa dhintaan, waxa aad ka naxsantahay oo aad u
cabsaneysid, iyo suaalaha aad is weeydiineysid qaar ka mid ah ayaan
halkaan tusaale kaga dhiganaa:" Hooyadey mardanbe ma arkaaye inta aan
noolahay..
Illaahoow ha iga qaadin..!" ama:" Sideen la'aanteed aniga u noolaanaa?
yaa heeynaayo ilmahagaan iga yar horta? yaa iga bixinaayo lacagta iskulka,
yaa igu caawinaayo waxbarashayda? yaa aabe/hooyo booskiisa noo buuxinaayo
haduu naga dhinto.. ala adduunkaan dhib badnaa?!" hada waad aragtaa ayaan
filaa waxa aad ka cabsaneysid, maahan in ay AYAGA dhintaan, balsa markay
dhintaan maxaa ADIGA kugu dhacaa? suaasha koowaad qofka is weeydiiyay
waxuusan aqoonin, oo ka cabsanaa xanuunka ay leedahay in qof adna heli
karin indhahaago iyo maqalkaado ku weeydiiyaan, oo ay u XIISEEN qofkii.
Laakiin xoogaa qibrad ah ayuu heeystaa qofkaan oo in naftiisu xanuunsan
doonto darteed ayuu hada Illaah u sii baryaa, balsa haduu ogaan lahaa in
meelba xanuuni doonin, waxna aysan u dhibi doonin qaybta asiga/ayada ka
mid ah oo laga qaatay muusan ka walwaleen in ay dhintaan ama noolaadaan.
Laakiin yaa aqbali karo hal xubin jirkaaga ka mid ah aan kaa jaro ileen
qofwalba oo noloshaada soo gashay waxeey noqotay qayb/xubin kaa mid ahe?!.
Suaalaha labadaad si degdeg ah ayaad ku fahmee in qofkaan ahaa qof ku
tiirsan waalidkiis, weli ilmo camal ah, sidaas dartiis waxuu ka cabsanaa
masuuliyada naftiisa/nafteeda lagaa saari doono markay dhintaan kadib iyo
waliba ilmaha ka yaryar, maadaama ay u weeyntahay/weeynyahay, waxuuna ka
walwalaa meesha arino kaala dhici doonto ama ku dhamaan doonto, dayacaada,
xanaano la'aanta iyo dhaqaalo la'aanta la soo dersi doonto. Hada ma ila
aragtaa in qofwalba markuu diidaa inuu qof waayo uusan xaqiiqa ahaan
qofkaan in la waayo uusan diideynin laakiin waxa uusan aqbali karin ay
yihiin jirkiisa qaybta laga jaraa, xanuunka iyo kali ahaanshada naftiisa
la soo dersi doonto markii jirkiisa qayb laga jaro?!
Aan u laabano mowduuceeynii, dhab ahaan waxa hada dhibka keenay oo
isku diray, labadii shalay heesta jaceyla wada qaaday, oo dhegta isku
sheegaayay:" La'aantaa ma noolaan karo, naftayda
ayaa tahay, hadaan ku waayo adiga nolol danbe ma raadsanaayo,
dunida intaan joogo agtaada iga fiiri, aakhiranae janada naga wada fiiri!"
waa qaybtii qarsooneed oo qoftaan/qofkaan markii hore ay ka qarin
jiray qalbiga qofta kale......... La soco
qaybti danbe oo aad u xiiso badan!!!!!!!!!!!!!!!
Nimco:
Bogii arami baa
ku wayn, wadnaha boholyoow ku wayn. Caashaqu been been ka wayn bukaan
xaalkani ka wayn, beerkeey adaa ku wayn!"
........…………............ DHAMAAAAAD…………..........................
Hadii aad u baahanatahay in aad ogaatid sida aad ku badbadin kartid
jaceylkaaga, isla markaasn oo u noqdo mid waara la soco qaybaha danbe ee
qoraalada:" Noloshu waa jaceyl, jaceylkuna waa nolol!" adigoo mahadsan
aqriste, waxaan kaa codsanaa sida aqriste qaali ah in aad ii soo celisid
wixii dhaliil iyo saxitaan ah oo ku aadan qoraalkayga, iyo waliba hadii
aad i dheertahay aqoon ku saabsan jaceyl. Mahadsanid. Igala soo xariir
imailadaan:
samsam_1989@hotmail.com,
ama
ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk
NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aana lama
daabacan karo, mana la qaadan karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc
ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh.
W/Q Ifraax Yusuf Axmad (Ifka).
Waxaana qoraalkaan si qaas ah ugu hibeeynaa DADKA IS JECEL, QAAS AHAAN
KUWOODA ISQABA OO NOLOSHA JACEYL DHABTA U WADAAGAY!
13432093
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|