Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday November 13, 2007

Naftaydaay Samir Hadaad Diidana Yeelkaa

Nolasha waxa ay ku macaantahay markaad heshid qofka aad jeceshahay, Markaad la guriga gashidna waxa ay kugu abuurta in aad ku biirtay duni cusub, niyadana waxa ay ka jabtaa markaad weydo, Axdigii marku kaga baxana waxa kugu aboorma murugo, Caashaq kastana oo aad heshid waxad moodaysaa kii hore oo kuso maray oo kale in uu noqonayo, dhawaca qof wax jecel hadana daacad ah loo geystana waxa ay keenta qalbi dhaawac, inta badan waxan jeclaa in aan helo Axmed Yare balse sidaan modayey muusan noqon oo wuxu noqday waxan ka filayn, Dumarbaan ahay muxu ii qiyaamay aniganaba ma qiyameen.

Hadii aan ku bilaabo Qormadayda Magacayga waa Caasho Cabdi Xassan, waxan ku noolahay wadanka Kenya in mudo ah, Wadanka kenya waxan soo galay 2003 bishii labaad, waxan ku soo dagay Saxibaday Gurigeeda Nimco Salaad Diiriye, waxana u imid Responsor uu soo dirayey Adeerkay, Nasii xumo Sanadkii 2004 Bishii Kowaad ayaan ku soo dhacay, waxan la hadlay Adeerkay Cali Xassan una sheegay in aan ku dhacay markaas ayuu iyiri Responsor kale doono waxana ku soo dirayaa lacag Responsor, isla bilihii sanadkaas Adeerkay wuxu iso diray lacagtii waana helay, waxan wayey Responsor oo waxa adkaadaday helitaanka Responsorka. Lacagtiina waxan ku shubtay Xawilaada DALSAN Express oo ii furtay Account No.

Habeen habeenada ka mid ah anigoo maraya wadada Jaam Street ee Xafada Islii, waxana u socday Xafadayda Roob ayaa Da'ayey waxan si kadis ah ku dhex dhacay Askar haysata Dhalinyaro Rag iyo Dumar iskugu jira, Nasiib xumo lacag aan isku Furdaamiyo ma aan wadan Telephone ka Saxibadayna way xirantahay, waana Dhaxmooday oo waxa da aya Roob, Asbuuc in dhan Gurga aan daganahnay waxa soo dagay wiil Cusub isma aanu baran wuxu arkay anigoo askartii isii wada isteeshinka wiilkii wuxu baxshay lacagtii horayna waan isku sii Raacnay, intaan usi soconay Guriga waxan ka sheekaysanayna Askarta iyo

Xarigooda kadib waxan weydiiyey madaba uu Guriga uu nala daganyahay hadana aan is baran Magaciisa, wuxuna isheegay in la yiraahdo Xassan Maxamud Cismaan anigana waxan isku sheegay in Caasho Cabdi Xassan markaas ayuuu iyiri Awoowe ayaan ku ahay si kaftan ah, Xasan wuxu aha nin Kaftan badan habeenkaas anagoo isla qoslayna ayaan soo galay Guriga dharkaan iska badalay kadibna waan u imid oo Qolkiisa ayaan soo galay Habeen kii oo dhan ayaan la joogay.

Xassan wuxuu ii sheegay in uu Raadinayo Responsor waqtigii lacagta lasoo diray Responsorkana wuu ka batay hada lacagna ay ka dhimantahay, Xassan waxan wada Soconay modo Dheer wuxuna igu abuuray jaceyl aad u qota dheer, Heer waxan garay aan seexan karin ila aan arko isaga, waxana isoo jiidanaya Fur furnaantiisa iyo bolshaawi ahaantiisa waqti kastana wuxu jeclaa aniga Farxadayda wuxu ii kaxayn jiray meelaha loo dalxiiso. Xassan waxan ka helay Farxad aan waligay arag daryeel iyo jaceyl siyaado ah. Waqti Galab ah ayuu ii yimid iina sheegay in uu helay Responsar labo asbuuc kadib

lamarayo (After two Weeks) lacagtiina aysan u dhameeyn, Xassan wuxu i weydiiyey lacag madaba uu igu ogaa in aan lacag ii talo Xawilaada Dalsan, waxba kama aan diidi karin isagana kalsooni uu igu qabo ayuu igu weydiistay waana siiyey lacagtii, ka dhimaneed lacagtaas o dhan shan kun Dollor (5000$) Waxana ii hartay lacag dhan (5000$) oo kale, Xassan Rabi wuu u sahlay Responsorkisa wax kastana waxa ay ugu dhamaadeen si

dhaqso iyo siduu Rabay Xassan maalintii dabe wuu i guursaday Guurkeena oo ahaa mid aan is Meher qarsanay , Hami weyn ayaa igalay waxan is iri nolashaada way isbadalaysa balse waxaba ii qodmayey God wata nasiib xumo iyo murugo, Axmed wuu baxay markii uu tagay mareekanka qaasatan Gobolka Mennesoto wuu ila soo hadlay wuxuna ii sheegay in uu nabad tagay

nasiib kayga ayaa xun isla Bishaas waxa Xirantay Xawilaada Dalsan iina Talay lacagtii ii hartay, xawilaada markii ay xirmatay waxa ila soo xariiray Adeerkay iina sheegay in aan usoo diro warqadii lacagta, si uu ugu dacwoodo Madaxda Xawilaada, waxaan u diray warqadihii, markii uu helay warqadihii ayuu iso diray Telephone iina sheegay lacagta shanta kun ah mesha ay jirto.

waxan ku iri adeer wiil aan is guursanay ayaa ku baxay lacagtas balse wuu isoo dirayaa. ayaan ku iri Adeer kay wuu ii xanaaqay Lacagtii biilkana wuu iga Goostay

Xassan iyo aniga maxaan ku dabaynay, Nolashayda sidee ayeey noqotay markii uu dhoofay intaas oo dhan waxan kaga bogan doona qeebta labaad hadii Alle idmo

Akhristayaasha Qaayaha iyo Qiimaha lahow wixi talo bixin iyo tusaale ah waxad igula soo xariiri kartaan email ka aan hoos ku qoray

Qoraalkaan waxa si wada jir ah Qalinka ugu qaatay Qaraaga Sare ee Arimaha Bulshada Mohamed Cali Maslah (Mohamed Boodhari)
iyo Suleqa Dahir oo ku magac dheer (Suleeqa Queen Girl)

Mohamed Cali Maslah (Mohamed Boodhari)
ilkacase461@hotmail.com
ilkacase461@yahoo.com
ilkacase461@gmail.com
Telephone: 254728343385


Suleeqa Daahir Farax (Suleeqa Queen Girl)
Email: suleqadahir@hotmail.com
Email: suleqadahir@yahoo.com
+256775368860
Ugnada Kanbala
 

 



13432093

© RSTV 2007. All Rights Reserved