Tuesday September 25, 2007
Best Love Story
Aqristayaasah Qiimaha Iyo qaayaha badanoow Waxaan idiin soo Bandhigaa
Qisadanani Dhabta Ah oo Dhacdey Sanadku Markuu Ahaa 1989kii Waxeyna
kadhacdey Magalaada Muqdisho Waqtigaasi oo ay Jirtey Dowladii Somalia
Waxaana ay kudhacdey Maxamuud Maxamed Cali Iyo Khadra Daahir Guleed.....
Waxaa been aheen jaceelku in uu yahay mideeyaha aadanaha ama lab iyo
dhadigba jaceelku waa wax uu rabi inoogu nimceeyay hadaba marar badan ayaa
maqasheen hebal waxaa haayo jaceel hadaba bal qisadaan oo ah dhacdo run ah
iila Aragka Biloow Ilaa Iyo Dhamaadba sideey kubilaabato Iyo sideey
udhamaataba Aqritoow Lagama Yaabo in aad kudaashaan Aqrinteeda Lagama Yaabo
in aad Ka Caajistaan in taad Wadaan
Aqrinteed Hadaan Idiin Bilaabo Sheekadaani Waa mid Naxdin Badan Waa Mid
Farxad
Badan Runtii Waa sheeko Dhacdo Run ah oo Dhacdey Taariikhdaan idiin soo
sheegey
qisadaan oo ku bilaabatay sida tan ,waqtiga wuxuu ahaa galab jawiguna wuxuu
mid ku asteysan leer qaboow cirka waxaa ku daboolnaa daruuro ximbaarsan roob
jawigun wuxuu isku soo badalaayay Jawiga Wanaagsan Iyo Hawadoo Ahedy mid
macaan
Maxamuud Maxamed Cali Waxuu Ahaa Ader dhigan Jirey Dugsi Sare Jamaal Cabdi
Naasir Waxuuna Ahaa Ader Jeclaa Waxbarshada Reerkooduna Waxey Ahaayen Reer
Ay iyo aad uladnaa Xagaga Dhaqaalaha ama Nolasha Maxamuud Abaahiina Waxuu
Ahaa Ganacasade Kagacansan Jirey ama Dhoofin Jirey Xoolaha Waxuuna Lahaa
Labo Xaas Mid Waxey Dagneed Magaalada Muqdisho Midna Waxey daganeed Hargesya
Waxaana Magaalada Muqdisho daganaa Bahda Reerka uugu weyn oo Aheed Maxamuud
Hooyadiisa Waxaana Gurigaasi Shaqaalo Ka Ahaa Ama Booyas
Khadro Daahir Guleed Waxey reerkoodu iska ahaayen Reer Faqri Ah Lakiin aana
Awoodin Dhaqaalo kufilan Waxey Reerkaasi Isga Noolaayen Nolasheeda iska
Caadi Ah Waxaan Reerkaasi Corad u ahaa Khadro Ayda uun baa Reerkooda
Uxaamali Jirtey Caruurta Kalana Waxey Ahaayeen Kuwa isaka Yar Yar Hadaan
usoo Jeesto Khadro Waxey Aheed Gabar Gaaban oo Madoow aanan Laheyn Qurux
Lakiin Laheed
Dabeecad Wanaagsan Waxaana ay Dulqaad ulaheed Waxkastaa oo Lagu sameeyo
Aydoo Fiirsan Jirtey Danteeda oo Kaliya Inkastoo Maama Nuuro oo Aheed
Maxamuud Hooyadiis Maamo Dabeecad Qalafsan aana La heshiin karin intaasi
oo Dhan waxey ulaheed Dulqaad Iyo Karti Maalin Maalmaha kamid ah ayaa Waxaa
Dhacdey in Ay Xanuunsatey oo Ay Wadi Weysay Shaqadii ay kahesyaa Guriga
Waxaana ku dhacdey Malaariya Cid gesyan Mesyan Jirin Hosbitaal Maxamuud oo
ka
Yimid Schoolkii Ayaa Waxuu Guriga kawaayey Khadro Waxuuna Weydiiyey Hoyadii
Waxeyna usheegtey in ay Xanuunsan Tahay Gabdhaasi Waxuuna Durabadiiba uula
Cararey Hosbitaal Waxeyan Malesyan Weysay Sidada qiimaha Leh uu uugu
Kaxeeyey
Hosbitaalka Ayoo Malesyan Waysay Arinkaasi Ayeey Waxey Lasoo boodey Shukran
Walaale Waxaan kagaaga Mahad Celinayaa Sidada qiimaha Badan ee aad iigu
Kaxesyay Hosbitaalka Waxuuna Yire Waxaasi Waa La isku Qabtaa Arinkaasi
Maaha mid aan Bilaabayo Waana Nagaga Mudan Tahay Qoyskeena oo Dhan in aan
Ku Geyno Hosbitaal inta aad Ka Caafimaadeysana Wax shaqo Ah oo aad Qaban
kartidna Majiraa Waxeyna Lasoo Boodey Miyeey igaaga Yeeli Doontaa Hoyaadaa
Armaasa Shaqda Laiiga Ceyrshaa Walaal Macaan Waxuuna Jawaab ugaaga Dhigey
Cid kaa Ceyrin Kartaa shaqadaasi Majirto Waana Nasaneysaa inta aad Daawada
Qaadanesyo Anigaa Lahadlaayo hooyadey Arinkaasi Kaseexo Huuno Macaan Waxaana
Ay yimaadeen Gurigii Waxaan ay gashey Qolkeedii Jiifka Ahaa Waxaa soo Boodey
Maxamuud Hooyadiis oo Tire Maxamuud Aniga Ma ogali Raaca aad Raaceyso
inantaasi Jaariyada Ah Waxuuna Jawaab ugaaga Dhigey Hooyo Macaan inantaasi
Miyeeysan Aheyn Gabar Somaliyeed oo Dhibaatesyan Hada Joogtaa Gurigeena
Maxamuud Hoyadiisa Waa Ay iska Amustey Waxey aadey Qolkii ay Jiiftey Khadro
Waxeyna usheegtey in Ay biloowdo shaqadeedii Waxeyna Tire Hooyo waan Yara
Xanuunsanahay Waxeyna Madamdii Jawaab uugaga Dhigtey Hadii aadan Shaqo rabin
Waxaan keysanayaa inana Kaloo Shaqdaada Qabataa Waxaana Arinkii Maqley
Maxamuud oo Rabey in uu aado schoolkii Waxuuna Yire Hooyo macaan intaani waa
ay Xanuunsan Tahay Man Qaban karto shaqo ee iska Daa Maamadii Waxey Tire
Gabdhaani Gabi ahaanteeba Waa Ay katagesyaa Shaqadaani Maaha Mid Rabtaa
shaqo
Maxamuud Arinkaasi Wuxuu yire gabdhaani katagi meyso Gurigaani Waana ay sii
joogi
Doontaa inta Kadhiman Nolasheeda Waana Ay joogeysaa Katagi mesyo Halkaani
Maama Nuuro Waxey Go aan Buuxda Ku gaartey in ay Raacdeyso Gabdhaasi ,
Masaakiinta Ah oo aanan Wax danbi Laheyn Maxamuud Gabadhaasi Waxuu uqaadey
Jaceyl Xaddhaaf ah lakiin Muusan usheegan Waxuuna Gu aan ku gaarey Maalin
Maalmaha Kamid ah in uu usheegi Doono Arinkiisa Kusaabsan Jaceyka uu uqabo
Gabdhaasi Waxuu Habeen Habeenada Kamid ah Usheeg in uu Socdo Caawa Filimkii
Magaciisu Ahaa qayaamat se qayaamat oo Ahaa Filin Jaceyl Iyo qiso Xanbaarsan
Waxeyna Tire Waayahay Walaale Waan kuu Raacyaa Waxuuna Maalinkaasi Dhar uuga
soo iibashey Carwadii Caanka Aheed ee Magaceedu Ahaa Carwo Idka Waxuuna
Faraha Kasaarey Dharkii Quruxda Badnaa ee uu soo iibshey Habeenkaasi Khadro
Ma Aysan Malesyan Hadiyadaasi Qaaliga Ah ee uugu soo Talagaley Khadro
Habeenkaasi Waxaa Kamuuqatey Faraxad Iyo Reyn Waxaana Casho Habeenkaasi
Laga siiyey Hotelkii Caanka Ahaa Ee Hoteel Naaso Hablood Aydoo aadan
Malesyan Karin Farxada Habeenkaasi Kamuuqatey Iyo Reyn Reynta Aysan Maleysan
Karin Wiilkaasi Maxamuud Ahaa Waxeyna Isla Markiiba usii Dhaqaaqen Xagii
Shenimaada Waxaana Habeenkaasi uu Go aan Buuxada Ku gaarey Maxamuud in uu
lasocdsiiyo Arinkiisa Kusaabsan Jaceylka Waxuu Durbadiiba Yire Walaaley
Khadro
Waxaan Rabaa in aan kuu sheegto Arin Cusub ama kusoo siyaadey Nafsadeyda
Tasoo Ah Waxaan Doonayaa in aan kuula Qeybsado Nolasha in aan Kuula Wadaago
Nolasha Waxaana Diyaar u ahay in aan kuula Qeybsado Wax kastoo kuugu soo
Siyaado Kuna Saabsan Arimahaaga Waxaan kuu jeclahay Si aan Caadi Aheyn
khadro
Waxaan Doonayaa Caawa in aan Kagaga Waramo Xaqiiqda Jirtaa Waxaan ahay
Naf kujecl una ubaahan in aan waq igaagala Qabato Arinkaasi Maxaadsan igaaga
Oran
Kartaa Arinkaasi Waxeyna Jawaab uugaga Dhigtey Aniga Jooga Gurigiina Ah
Jaariyadii
Guriga Miyaad ijeclaan Kartaa aanan Laheyn qurux Lagu Jeclaado Markaasi
Waxuuna
Yire Maxamuud Miyaadan Aheyn Gabar somaliyeed Miyaadan istaahilin in lagu
Jeclaado Mise Niyaadada Waxaa kujiraa Waxaad Tahay Shaqaalo Xun Laguma
Jeclaan Karo Walaale Taasi Niyadaada Kasaar Waxaasi maaha Dhaqan jiraa
iskana
Iloow Arimhaasi Waxaan Ahay Ruux kujecal uuna Baahan in aad Wax laqabato
Arinkaasi Kasoo Fakir Waxaan kusiinayaa Waqti ama Jaanis aad ugaaga soo
Tashato
Abaayo macaan waxaan Rabaa in aad Arinkaasi Ogaato in uu Yahay Dhab aana
Kaa doonaayo Jawaab Dag dag Markasta Ad ogaato in aan Ahay Ruux kujecal
Maxamuud Maxey Noqon Doontaa Jawaabtiisa Miyeey Aqbali doontaa Arinkaasi
Khadra Hadii ay Aqbasha Maxaa Dhicdoona oo ay Sameyn Doontaa Maama Nuura oo
Ah Maxamuud Hooyadiis Miyaa lagaga Raacden Doonaa Shaqada Miyeey sii joogi
Waxaan su aal Weydiinayaa Aqristayaasheyda Goor Muu Yimadaa Jaceylka Dhabta
Lasoco Qeybtii Labaad Maalmaha Sosocdo Haduu Ilaahey Yiraahdo
Ah guurmasa La Ogaadaa Arinkaasi Ruuxkastaana Waa uu ka Jawaabi Karaa
Arinkaasi Cid Alaale Cidii Hesyaa Jawaabtaasi Waxaan kusoo Dhaweynaa ..
Fiiro gaar ah: Qormadan waxay wada quseysaa dhallinyarada wiilal iyo
gabdhaba intaba Inta Daneysaa Sheekooyinka Kafaaloonaya Arimaha Jaceylka
Lasoco Aqristoow Qeybha kale ee sheekadaani Maalmaha soo Socda Haduu Alaha
awooda Lahi ugulaado .......................
NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama
daabacan Karo lamana Qaadan karo ilaa ogulaasho Lagaga Helo Qoraaga sheekada
Waxaa Qorey Al ustaad Cumar Cabdi Xaashi Iyo Hoodo Axmed Ibaarhim
Wixii aragtidaada ah iigagala soo xiriir ciwaanadan
Wixii aragtidaada ah iigagala soo xiriir ciwaanadan
suxufi200@yahoo.co.uk
xaash111@hotmail.com
Tell 254722942767
Roodo Axmed Ibaarhim Hoodo Indho Uroon
Email hoodo07@hotmail.com
hoodo007@yahoo.com
Hargesya Somaliland
Tell.25224413673
13432093
© RSTV 2007. All Rights Reserved |