Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday December 25, 2007

Walbahaarka jacaylka iyo war la,aanta waalidka  part 7

Markii Intaa maqlay waxaa gacanta ka qaaday Maxamed waxaanu isku so rogay Xamda oo uu guriga la galay halkaas oo ku bilaabay dagaal isaga gacan ka hadal runti xamda waxay ahayd qof u adag udul qadashada dhibaatoooyinka kaga yimaada xiriiirka Maxamed,Xamda may ka keenin wax dooda ama hadala sababta uu u yimi xaafada Maxamed waayo intii maalintaa ka horaysay xamada way diidanayd in xiriir ka dhexeeyo ninkaa.


Mudo saacada markii laga soo gudbay waxa loo soo sheegay Xamda walaalkeed oo ka waynaa waxaanuu doontay gurigii Maxamed oo ahaa maalmahaa iskaabulo(soolane) oo kaligii daganaa guri, hadaba goor ay tay abaara 9;00Pm ayaa waxaa uu ugu tagay gurigiisa Maxamed isaga oo uu wehelinaayo wiil kale waa Xamda walaalkeede halkaas oo uudagaal aad u xun ku qaaday Maxamed waxaanuu u adeegsaday Bakoorad(budh) iyo sigaarka uu cabaayay uu ku bakhtiiyay(damiyay) Wajiga runtii Maxamed wax dagaalaa halkaa ka mu gaysan waayo waaxaa uumar rajaynaaayaay inuu hanto Xamda isla markaana ay noqdaan reerkan xidid.

Halkii ayay ka soo laabteen ayagoo dhibaato gaystay,Xamda wax wara kaymay hayn waxaa dhacay balse subaxii aayay ka war heshay wixxi xalay dhacay isla markii ay ogaatay dhibaataada Maxamed kamay adkaysan ee way baxday si ay ugu tagto gurigiisa iyadoo og dhibaata ay la kulmayso markay soo laabato aya hadana waxa ka waynaa xanuuunka ay la kulmi doonto ka kahaysta dhibaatada Gacaliyeheeda waxayna sii martay farmasiga waxayna u qaaday dawooyinka dabka iyo burburka oo ay rabto inay ka marsi halkii nabarada kaga dhaceen.


Xamda waxay gashay Gurigii Maxamed isaga oo jiifaa wali aan wax dawaa is ticmaalinm isla markii ay istaagtay albaabkii Qolkiisa waxay garaacaday(tuntay) albaabkii waxanay tidhi iga fur waa Xamdeee!!!, isla markii uu maqlay codkii Xamda ayuu ilaabay wixi xanuun hayay iyo cidii u gaysatay waxaanuu soo dhaweeyay Xamda, wax yar kadib xaal waraysi waxay soo saartay Dawadii ay siday waxayna u marisay meelihii Bukay iyadoo isdheheeda ka socoto ilin oo aan hadli Karin ayaay ku tidhi walaal wixii dhibaataa ee kugu dhacaa waxa ii nooga danbeenayaa raaxo iyo wanaag wanaan ka baxaynaa dhibaatada ee iska samir iyadoo ku qancinaysa Gacaliyeheda ayaaa isna iyada ku waaniyaya inuu adkeeyso xiriirkooda wayaay iyo wayaay ayaa laysku qanciyaay, hadaba Xamda markii ay soo baxaysay waxay ahayd abaara 10:00Am waxaanay ku soo baxday iyadoo isleh wax yar lasoo joog hadaba nasiib xumo waxay is aragtay iyadoo joogta12:30Pm Gurigi Maxamed, waxay ka soo baxday iyadoo baqaysa waxanay soo gaadhay guriga oo aan ka dheerayn xaafada ay jogtay halkaa waxaa ku sugnaa laba wiil oo ay walaalo yihiin Xamda waxaan ku bilaabeen waraysi halkay ka timi wanay qarisay meesha runtaa ee ay kumaqnayd belse nasiib xumo waa uu ka soo horeeyay warkeedu, waxana lagu qaaday dagaal jidh dil xun.


Laba maalmood kadib waxaa soolaabatay reerka intii ku maqnayd safarka, waxaana isla markiiba la ogaysiyaay Xamda waxay samaysay iyo wixii ka dhacay Xaaafadii dhaaamaan waxa loo qaaday xumaan iyo waji xumo oo dhinac looga soo wada jeedsaday,Xamda waxay noqotay madluun aad ayaayna ugu xumaatay waxaa ay samaynayaaan reerkooda balse waxba kamay qaban Karin.
Hadaba mudo waxay sidaa ahaato arinta aanay Xamdana dayn u tagida Gacaliyeheeda oo iyana maalin walba la dilo ayaa waxay ku dhibtiitay Xiriirkeeda oo aanay wax taageera ma wax tara kuhaysan waxay go,aansatay in ay iska dayso gabi ahaanba xiiriirka ka dhexeeya Maxamed waxayna baadi doonatay siday ulakulmi lahayd Gacaliyeheda nasiib wanaag way heshay waanay la balantay.

Maalmo kadib waxaay lagadhay wakhtigii balanta waxaanaa lagu kulmay xaafada meel aan ka dheerayn ujeeda Xamda ay ka lahayd kulmaka waxya ahayd in aay u sheegto in ay ku dhibtiitay Xiriirkiisa oo ay rabto in lasoo af jaro maadama oo aan wax faa,idaa aan laga hayn mudada dheer ay soo wada socdeen labadan laamaane .

Maxamed waxa uu imi xafaadii balanta oo ya Xamda dityar ku sii tay wax yar kadib waxay u soo ban dhigtay Hawsheedii ama ujeedadeedii, runtii maxamed waxay ku n oqtay arin lama filaana waxaanuu ka qaaday naxdin aad u badan isna waa uu ka diiday inay kala hadhaan waayo waaxaa u diidaya kala tagooda Jacaylka baaxada wayn ee dhex yaala labadooda , Xamda waxay ku qasabtay inuu daayo farahana ka qaado balse aanaay ahayn taa macnaheedu in aan ku nacay oo aaan ku jeclay aana sugaayo wakhtigayga siidii ayaay ku kala tageen iyadoo midba midkale uu ku qancinayo inuu ilaahay siin karo wakhti kan ka bedelan oo ay is hanan karaan isla markaana ay isasugayaan.

Mudo laba bilooda markii laga soo gudbay waxay Xamda gashay meel wax barasha Computerka laga barto iyadoo wali aan ka soo kaban dhibaatadii ka soo gaadhay
Jacaylkedii wiiqmay ee uu ka xoog batay waayuhu, mudo markii ay dhiganaysay waxaa isna soo galay iskuuulkii ay dhiganaysay Xamda Maxamed oo aa arag waayada lamaanihiisii uu ifka ugu jeclaa, hadaba wax awooda umay lahayn in ay wada hadlaan wax salaam ka badan mudo gaaban kadib waxa uu u sheegay waa Maxamede macalinkii meeshaa wax ka dhigaayaay inuuka dhexeeyo xirrir aad u fac wayn isla markaana aanay nasiib u yeelan in ay ku wada socdan ama iskuguursadaan si madax banana oo ay ku eedeyeen Xamda reerkooda inuu yahay nin aan guursan Karin inantooda waayo uu yahay nin reer koonfura!! Runtii waxa uu ad ula yabay ninkii macalinka ahaa arinka ku dhacay Maxamed isaga oo waydiinayaa su,aalo dhora oo ayku jirto xamda maku jeceshay adiga hada maka leeday wax rajaa inaad soo celisaan xiriirkiina iyo haddii aan gacan idin siiyo kawaran??? Xuntii waxaa uu ugu farxay si aad u wayn waxaanu u sheegay inay Xamda Jeceshay ilaa hada diyaarna uuu u ayahay inuu soo celinyo xiriirkodi isagoo ka codsanaya inuu aahaado Qarsoodi.

Macalinkii goobtaas waxaa uuu gaar ula baxay Xamda isagoo u soo jeedinayaa dhiiri galin iyo waano iyo dhiiro galin uu kula talinaayo inuu soo celiyo xirrirkoodii oo uu taageero waxay uga baahdaanaa uu diyaar ula yahay, Xamda way ka yeeshay talada Macalinkeeda hadaba mudo gaaban markay wada socdeen ayaa waxaa la ogaaday inuu ku jiro Scoolka ay dhigato Xamda waxa si lama fialaana looguu diray safar xaagaa iyo badiye ah oo loosheegay in ay soo caawiso abtigeed oo oo reer u joogay badiye sidii ayaanay ku baxaday waxanay ku maqnayd mudo afar bilooda, halkaa waxa ku hakaday warkii Maxamed iyo Gabadhiii Xamda mudadii loogu talo galay markay dhamaatay xamda waxay ku soo labatay magaalada Haragaysa waxaana halkaa ka sii bilaabmay af isa saar saar oo ay dhamaan dhalin iyo waayeel ay is waydiinayaan Xamda ma nacday Maxamed madama oo guursaday misna inan u dhalatay oo ugu magac daray Xamda oo ah qofta uu mar uun rajaynayo isnuu la wadaago nolol, waxay is waydiinayeen oo kale tolaw maxay kala kulantay Miigi loo diray iyo ma ku faraxsanayd nolosha ay gashay iyo qaar kale oo badan Islam markiba waxa bilaamay isku day xiriir soo celin oo uu b ilaabay Maxamed balse aan wax wanaaga aanuu kala kulmin dhinaca kale sidii ay u maqashay waa uu guursaday waxaay ka laabatay caloosheedii waanay ka samirtay iyadoon nicin mudo laba bilooda ayaa waxay u baxday safar xaaga iyo xamar oo ahayd meeshii uu u dhashay Maxamed oo ay reer kooda dhaman yaalan ama ay dagan yihiin wiig ka dib waxa uu ka war helay inay Joogto Magaala madaxda dalka soomaaliya ee Muqdisho waxaa uu helay telkeedii isla maalintiba waa uu soo wac ay waxaa uu shegay inuu u soo socdo xageedaa.

Iyana sidoo kale waxa ka war helay Xamda reerkoodii inay xirrir leeyiin madama a y ka daba shayqaynayaan dad aaad u tiro badan o iskugu jira dhaliyaro iyo waayeelba waxaa la soo hadashay hooyadeed oo hanjabaysa oo leh nayaa waxad ogaataa in ay ka xigto imaansheheda 70$oo ay ku soo raacdo diyaarada isla mantana ay soo gaadhi karto haddi ay faraha ka qaadi waydo balse Xamda wali faraha ka may qaadin waayo wali way jeceshay markay laba maalmood ka soo wareegay ayaa waxasoo wacay abtigeed oo jooga wadanka ingiriiska oo leh tag Nairobi anaa ku dhoofinayaa isla maantana doono wixii aad ku tagi lahayd haddii ay tay baabuur iyo haddi ay tay diyaarad kad helayso, wax wara kamay keenin waxay doontay sidii ay u bixi lahaay maalintiiku xigtayna way soo baxday waxanay ku soo jirtay jidka oo anaay waligeed arag mudo ayaay u soo socotay Kismaayo oo ay daganayd ayaydeed oo hooyadeed habar yar u ahayd waxay ku soo nasatay Kismaayo mudo dhan 10cisho kadib waay ka soo baxday waxba yanay hadalka badine sidii ayaay ku soo gashay wadanka
Kenya gaar ahaan magaala madaxda wadankaas ee Niarobi markii ay ay mudo joogtay waxay ka war heshay inuu maxamed maalinti ay soo baxday uu ka soo dagay gagada diyaaradaha ee Muqdisho waxanay ka heshay waaraqo badan oo uu ugu cabanayo isla markanaa u leyay waxan imanaya Nairobi.


Lasoco Cadadka Danbe ee Qisdaani Week gaani
Haduu Ilaahey Yiraahdo WaxaanaUgaaga Bogan Doontaan Indhahiina Iyo qalbigiina oo Dagan Iyo Markaasi Baad Fahmi Doontaan Macaha Qisadaani


NB: Qoraalkaan xaquuq Diisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama daabacan Karo........lamana Qaadan karo ilaa ogulaasho Laga Helo Qoraaga sheekada
Hadii aad Dooneyso ugu hagaaji Ciwaanadiisa Fariin Ama Waxii Kusaabsan Qisadaani ...

Waa Qalinkii

Xamda cabdi nuur
x_love_n@hotmail.com
xamda_nuur@hotmail.com


Akhriste taladadu wa muhim e waxii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji e,mailada aad kor ka aragtaan
mahadsanidiin

 

 

 

 

 

13432093

© RSTV 2007. All Rights Reserved