| |
Tuesday December 11, 2007
Walbahaar
ka jacaylka iyo war la,aanta waalidka
Qaybtii 6 aad
hadaba Xamda waxay kudadaashay in ay gacaliyeheeda ku hesho telephone si
ay ula balanto, mar ay dhawjeer wayday ayaay heshay waxayna kula bala ntay
meel magaalada ka xigta xaga bari, ama xaafada la idhaa Maxamed mooge.
Hadaba waxaa dhibaataa sidii ay si ku raaci lahaayen ee ay ku kulmi lahayeen
waaayo waxaa lagu kala qaatay heshiii xaga laba r eer ah i n hadd ii ay
arkaan wiilkooda o la socda ama la hadlaya inantooda in ay kayeelaan waxay
doonaan ay cidina kala hadli karin, sababta daraaded waxay ku heshiiyeen in
ay kulmaan meeshaa ayna kala raacaan laba bus oo is xiga balse xamda may
kala garanayn meesha ay u socdaan waxa halka ku wehelinaayaya wiil ay
saaxiibo yihiin oo halkaa kala yaqanaa, wax ana la balamay saacadu markay
tay 7;00Pm sidii ayay kula tageen dhiiri galin iyo guubaabo dabaded.
Waxa la soo gaadhay wakhtigi balanta waxana ku adkaatay xamda sidi ay u soo
bixi laahayd waxayna u yeedhay Gudoon oo ahay in ay ad igu kalsoonaayeen
Xamda qoyskoodu waxayna ka codsatay in ay raacdo balse ay ka soo hadho kana
maqnaato xaafada iyado u shegaysa xaafada in ay meel u raacayso xamda,
marka ay soo dhamaysato hawsheeda waa xamde ay soo wacayso isku marna ay
xaaafada wada imanayaan sidii ayayna xamda ku baxday wiilkiina ku kaxeeyaay
ay ku la kulantay gacaliyeheedda Maxamed,
aragti dabaded xamda iyada oo aan is go,ayn ayay ilin ka soo booday iyadoo
ilaw san in wiil la socday waxayna uga warantay muda yar ka dib xalkeeda
caafimaad iyo waxay kala kulantay reerkooda, halkaa waxa ku dhex maray
sheeko iyo balamo aad u qiimo badan mudo badan ayaa halka ya ku ilabay in ay
mesha baxsad ku imaadeen waxayna hal mar ku baraarugeen saacada oo ah
10:15Pm waanay so baxeen waxayna soo qaateen laba bus halkaas oo sidii hore
looso kala horeerayay xa mada markii ay soo gaadhay meshii buska looga
dagaayay w axay wacday Gudoon oo aan ka dhee rayn meshaa ay xamda ku sugnayd
waanay is raaceen sidii ayay na ku nabad gashay xamda siidii ayayna ku
gashay qolkeedii waxana soo wacay gacaliyeehedii isago waraysanaya xaalkeeda
iyo inay nabad tagtay sidi ayayna ugu shegtay in ay nabad tay wana lays
macasalameeyaay jaam xubi iyo Jaaw macaane ayaa lagu kala tagay, Xamda way
iska seexatay habeenkii iyadoo ilaahay ka bar
yaaysa inuu arinkooda khayr ku dhameeyo.
Xamda habenkii intay jiiftay waxay ahayd qof hurda soona jeeda o oo hirarka
badwaynta jacaylka hadba dhinac ay u tuurayaan, waxaa maskaxdeda ku so
dhacaayaa mawduucyo badan iyaadoo hadba dhinac ka eegaysa go,aanka
waalidkeed iyo jacaylkeeda ay mar kaa u oomantay go,aano aanay ku aadkaysan
waxay ku gaadhay in aya ninka la baxsato islamarkaana ay soo meher xado
iyadoo leh hadii aan soo meher xado waxaan huba in reerku igu darayaaan,
hadana waagii markii uu baryaay ay ku noqotay go,aankeedi waxay u qancisay
nafteda in reerkooda ay la rabaan nolol heer sare ah iyo mustaqbal wanaagsan,
oo aaanay waalidku mar na jeclayn in uu ilmahooda uu maro meel xun iyadoo ku
tilmaamaysa reerkooda in ay ka waayo arag san yihiin ayna u dhaafto r
eerkooda waxay u soo jediyaan.
xamda waxaa u soo gashay Gudoon oo waraysi timi in ay ka waraysati waxay ka
damacsantay xirriirka Maxamed waxayna war galisay in ay wax xumaana tuseen
balse ay go,aanka reerkooda u daynayso maxamedna ay u dhawrayso niyadiisa oo
anay marna waji xun tusayn, taasna ay macnahedu ahayn inaan nacay Maxamed
aduunak waaxaa rag ku uuman aan u jeclay Maxamed balse wax ka awood wayni ay
meesha timi ayna ka talaabsan karin. sidi ayay ku qanacday Gudoon waanay ka
baxday iyadoo ka xun xaalada maxamed oo ay ogtay awgeed xamda saacad walba o
ay kali tay waxa indha heeda ka soo qubanaayaay ilin baad iyo biyo way ka
go,day
In muda wax wara kamay helin gacaliyehedii uu kala dhereeyaay waayaha
cadawga ku noqday Jacaylkooda mudo 9cisho ah mar kay ka maqnayd ayaay baadi
doon bilawday Xamda way soo heshay by telephone waxayna u shegtay in ay u
baaahantay in ay aragto, intii aanuu aanuu ka bixin khadka ayaa wax a ka soo
burqataay maansadan yar:Dumar oo iidil taan ka doortaay darted aan uga
hadhay danahaygii oo idil deegaanka hargaysa ka diil dhigtayo ka
doondoonistaadaan ku daale dawadii naftaaydaan Xamda darbi dher iyo hayga
tuurin daaqada dantu waxay ina fartayna hayga diidin dayaxaan la darsaa
xidigahaan la doodaa dartaayoo darajo si,daan ku gadhi lahayn da,adaa kuu
dul marin lahaabaan ku dadalayaa hayga daalin dacalkaga qabo durrufahana u
adkayso dantena daayin haynoo yeelee ducada aamiiin dhe.
Maxamed markuu intaa afkiisa ka soo dhameeyaay ayay Xamda oo aad moodo in
war dhiilo leh loo sheegay iyanaku jawaabtay sida tan;
Aayaahi naftadaw quruxdii Mustaqbalkaygaw daayin wuxuu inoo qoray ha yeeshee
walid inoo ogol yahay duco laysku keen daro darajo iyo rayn rayn rafaadka
kaga baxno rabi haynoo garto adiga se mid daacad nimo ad ku joogtiyo
dadaalkaaga o aad badisaa daayinkaa oo aad isku xidha ehelkaa o aad
wanaajisaa ku jirtaa wanaageena arag oo dhaaf dhagayso is diidsi war xuma
tashiilka dhag ha u dhigin daayin baa inala jiree macaane daganaan iyo
dulqaad badi anaa tayda igudaaa. Xamda markii ay intaa afkeeda ka soo
dhamaadeen waxaa uu Maxamed yidhi walaal macaan aniga waxad igu halaysaa in
aanaan qofna wax ka halayn xumaan wixii reerkiina igaso gaadha inaan dusha u
rito danteena aan wax walba u galo raganimadayda dul dhigo adna maacaan
docdaada dhaxantu yaanay iga soo galin gacmo wada jirbay wax ku qabtaan
macaan intaan wada jirno waxba inaga halaabi mayaan xasuusta eebe na ku
dheeraw,
wayaay iyo wayaay ayaa telkii lagu dhigay i yadoo waaano iyo wax u sheeg
labada dhinacba uu ka imanaayo oo aad moodo labadaa shakhsi in ay ku
habsatay dhibaato wayn ayaa salaama iyo saruura isku dhaafay iyagoo kala
diiday balan tii sababo awgood inkasta oo aay Xamda u kululayd aragtiga
gacaliyaheda ayaay hadana isku qabcisay xaalaada jir ta sidaa ayaana lagu
tala kagay,
xamda oo aad moodo in uu ka dagay culays saarna ayaa si kadisa wa xa baadiye
ugu baxay hooyadeed iyo qaar ka mida reerka oo ay caano doonteen waxaan
masuulkii reerka qaaday Xamda oo ahayd inanta reerka ugui wayn balse qaar ka
mida walaalaheed ay joogeen si kasta oo ay ahaato xaladu mudo sidaa aaayaa
waxa dhacay in maxamed uu idhaa xamda waxaan kuugu imanayaa xaafada i nkasta
oo ay Xamda u sheegtay in ay reerkooda hadi ay arkaan in ay dhibaato u
gaysanayaaan oo ay iyadu kala hortaagan tay isaga iyo Reerka waxa uu diiday
Xamda hadalkeedii isagoo leh Xamda haddi aan kuu iman waayo waxaan
ceebeeyaay inan rag waxii dhacaaya ileen lama celin karo sidaa oo ay tay
Maxamed wuxuu ilaabay dhibaatada dhex taalaa isaga iyo Reerkaa dhalay
gacalisadiisa, hadaba nasii b daro waxa soo laabtay oo baadiyihii kasoo
noqday wiil abti u ahaa Xamda isla markaana ku qayilaayaay xaafada,
Maxamed marki uu guriga soo garaacay waxaa ka furay albaabka Xamda abtigeed
waxaa uula yaabay awooda uu ninkan ku soo galay guriga iyo meesha uu ka
haysto kalsoonida waxaa uu dib u laabay albaabkii isagoo baanaanka ugu
baxayaa waxa uuku yidhi nin yaw waad joogi wayday inan taayadana waad dayn
wayday ee caawa waxad ka hesho ayaad leeday Xamda oo gudaha guriga ku jirta
misna samaynaysay cashadii reerka ayaa maqashay hadalka waxayna u soo baxday
dibada isla markii aay aragtay laba nin ee wa da jooga ayaay naxdin hadalkii
ku dhagay markii ay soo istaagtay wax a aflaagaado bilaabay Xamda abtiged
balse
Maxamed wax hadala kumuu darsan Xamda way aamustay waayo waxay ka baqatay
inuu ku daro wax yar ka di b waxa uu bilaabay gacan ka hadal balse wax
gacana muuqaadin maxamed halkaa waxaa ka hadashay xadmda waxaanay war
galisay inuu faraha ka qaado gacaliyeheda misna aanay waxba ka galin waxa ka
dhexeeya xamda wax ay hore u tix galinaysay waalid nimada balse xadkiisii
ayuu soo dhaaafay.
Lasoco Cadadka Danbe ee Qisdaani Week gaani
Haduu Ilaahey Yiraahdo WaxaanaUgaaga Bogan Doontaan Indhahiina Iyo
qalbigiina oo Dagan Iyo Markaasi Baad Fahmi Doontaan Macaha Qisadaani
NB: Qoraalkaan xaquuq Diisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama
daabacan Karo........lamana Qaadan karo ilaa ogulaasho Laga Helo Qoraaga
sheekada
Hadii aad Dooneyso ugu hagaaji Ciwaanadiisa Fariin Ama Waxii Kusaabsan
Qisadaani ...
Waa Qalinkii
Xamda Cabdi nuur
x_love_n@hotmail.com
xamda_nuur@yahoo.co.uk
13432093
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|