| |
Tuesday October 23, 2007
Walbahaarka jacaylka iyo war la,aanta
waalidka Qaybtii 3 aad
Maxamed ooka fekerayaa waxa uu kula talin doono saaxiibkii, aya isaga oo sii
dherarsanayaa hadalkiisa ayaa waxa uu yidhi saaxiib Gabadha waan jeclii
talada ku darso, markuu intaa yidhi isaga oo ay ka muuqato daal iyo il og oo
eegayaa afka saxiiibkii ayaa waxa hal mar dhagahiisa ku soo dhacay hadalkii
saxiibkii waxanu yidhi,
saaxiib horta saaxiib Gabadha waad jeceshay wana inan wanaagsan adna waxad
tahay saaxiibkay waxan ku odhanayaa gabadhaa saaxiib ha daayacin hadii wax
dhiba daraadeed kuu soo gaadhana saxiib ugu dul qaado jacaylkaaga ilahayna
waxaan idin ka rajaynayaa inaad noqotaan labadii is calfada oo isku waarta
saxiib waxaan kuugu siidarayaa waliga iyo alaahaa waxad iska ilaalisaa inaad
dad badan jacaylkaaga uga sheekayso waayo ma jiro qof ogol laba qof oo isku
duuban wakhil xaadirkan.
Maxamed oo ilin ay indhiihisa ka socoto marna dhoolo cadaynaaya waxa uu ugu
jawaabay saxiib taladaada waan qaatay wanaan kula soo socod siin wixii cusub
ee ila soo darsa ee ku soo kordha noloshayda iyo wayahayga jacayl hadana
saaxiib sidaa ayaa inoo balana,
Maxamed oo caga jiidayaa waxa uukasoobaxay gurigii saaxiibkii ila qadar ka
dib waxaa uu soo gaadhay xaafadii uu daganaa, salaan guud waxa salaamay
dhaaman dadkii ku sugnaa xaafada kadib waxa uu hore ugu gudbay qolkiisii
isla markii uu iska bedelay dharkii(labiskii) waxa uu dag dag iskugu tuuray
sariirta waxanuu soo qatay telphonekii waxa horay ka wacay xamda nasiib
wanaag waxa ka qabatay Gacalisadiisii oo naawilay say wakhktiigaa inuu
soowaco Gacaliyeheedu.
salaam macaan oo naxariis leh waxay dhaxmartaba waxa isaga oo an is ogayn
afkiisa ka soo burtay tixdan gaaban,
Xamdaay dhulka intaad ku nooshay kuma dhaafi karaayee qalbigaad ku dhigan
too dhuuxadku qoran tee noloshaydaad ku dheertoo dheeheegii baad too wali
waan ku dhawraaa sida dhoolka lo filo dhibicdiisa roobkuna dhirtu ugu
magooshay nafta uga dhigan tee waan kaa dhul sugayaa xamdaay jacayl
dhantaalmaa dhibaato waayine cashaqu ma igu dheelaa maan helin dhakhtar
wacan iga dhaya kalgacalkii aan la dhaqaqi wayee,
ereyadaas iyo qaar kale oo badan ayuu ku hadaaqaay. Maxamed ka dib markii ay
Xamada intaa dhagaheeda ku soo dhacen waxa si kadisa in dha heeda ka soo
daatay ilin aana war kahayn, iyana waxa afkeeda ka soo burqaday erero iskugu
jira amaan jacayl iyo dhiiri galin. kadib waxa lays waydaarsaday sheeko aad
u macaan badan waxa is kadisa ku soo gashay qolka walaasheed oo ka yar
waxanay aragtay Xamda ooku jirta muudh badalan isla markiiiyadoo naxsan
waxay waydiisay walaal Xamda maxaa kugu dhacay ee ad la bedelantay?
Xamda waxay walaasheed ku qancisay in ay daalaan tay oo aanay wax dhiba
jirin balse walaasheed wax ay ka dareemi kartay may jirin wajiga Xamda
waanaay iska baxday Xamda waxay soo gaba gabaysay sheekadii waxaana la kala
tagay iyadoo midba midkale si jeclaysanaya inuu ila sii joogo balse wakhtiga
u saamaxin.
Maxamed waxaa uu dib u galay xasuus iyo niyo isago niyay sanayaa in uu helay
gacalisadiisa Xamda,
isla markii ba waxa uu niyadiisa ku soo dhacday ereyadan,
Riyo iyo soo jeed iyo rasmi ruuxa kuu jecel kuu riyaaqay kaligaa la
raxaabtay caashaqa raxan raaday awgaa balamtiina raagsaday ma soo raadin
karaysaa. Saamigii naftaydaay kalgacayl aan sal guurin baan laabta kuugu
sidaye siwayn iiga gudoon, Iyo ereyo kale oo badan Maxamed waxa uu aad ugu
hanwaynaa aayaha dambe ee jecaylkiisa halkuu saldhigo doono isagoo naftiisa
ku adkaynaaya inuu meel dheer iyo mel gaaban u maro sidii uu uga midho
dhalin lahaa isagoo Ilaaahay tala saranayaa .
Xamda aya iyana halkeeda ka sii bilawday fikir ay kaga fikirayso aayaheeda
danbe iyo shakhsiga ay la wadaagi doonto mustaqbal ayado isu diyaarinaysa
siday ku hanan lahayd qalbiga jacaylkeeda,
Xamda waxa si kadisa ugu soo gashay gabadh ay jaaar ahaayeen waxanay
waydiisay Xamda maxa kugu dhacay , gabadha waxa la odhan jiray gudoon ,
Gudoon waxay ahay qof ka wayn xamda misna kaga xeel dheer waayaaha jacaylka
Gudoon waxay fahantay markiiba xamda waxa qalbigeda iyo dhaqankeeda dhalan
rogay ee ku xidhay gurigaa cidladaa,
Gudoon waxay war galisay si reer magaal nimo iyo waayo aragnimo ku
dheehantay in la soo wada maray mar xaladan ayna kala xishoon in ay ka
dhigato saaxiibteeda koowaad.
Xamda oo ka naxsan waxa y ku hadashay Gudoon waxay ugu jawaab celisay walaal
waan yara xanuusanayaa ee wax kale ma jiraan, waxay la soo booday gudoon
Xamda Geeel laba jir so wada mar!!!,
xamda oo ku dhiiranaysa in ay wax ka ogaysiiso waa yaheeda jacayl ayaa
hadalkeeda oo baqasho iyo xishood ku jiro ku tidhi sidan
Lasoco Cadadka Danbe ee Qisdaani Week gaani
Haduu Ilaahey Yiraahdo Waxaana Ugaaga Bogan Doontaan Indhahiina Iyo
qalbigiina oo Dagan Iyo Markaasi Baad Fahmi Doontaan Macnaha Qisadaani
NB:
Qoraalkaan
xaquuq
Diisa
Waxaa
Leh
Qoraaga
Ku saxiixan
Amar
La,aana
Lama daabacan
Karo........lamana
Qaadan
karo
ilaa
ogulaasho
Laga
Helo
Qoraaga
sheekada
Hadii
aad
Dooneyso
ugu
hagaaji
Ciwaanadiisa
Fariin
Ama
Waxii
Kusaabsan
Qisadaani
...
Waa Qalinkii
Xamda cabdi nuur
x_love_n@hotmail.com
xamda_nuur@yahoo.co.uk
13432093
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|