| |
Friday September 21, 2007
Wax la aanta ha igu nicin Qaybtii
(3 aad
Inbadan ayaan hami u hayey in aan helo Fartuun, nafsadaydana waxan ku
qancin jiray in aan nafta la qeebsanayo, farxad aan la wadaagayo Caruurna
aan la daadihinayo balse waa ay noqon wayday intii aan jiifay guriga lana
jiifay dhaawicii isoo garay, Fartuun waa ay ii timaada ayadoo nabad igaga
badin balse markii aan qiyaasay ayaan waxan arkay in ay soo wadin wax ka soo
rayn kuna saabsan Jacayl kii aan u qabay.
Fartuun, guriga waxaa ugu yimaada wiil ka yimid Dibada markii uu soo galo
Guriga waxad moodaysaa in uu yimid madaxwayne qosolka iyo sheekada ku
dheehan caashaq ayee is waydaarsanaan waa mid qalbigayga ku ah dhaawac,
xitaa waxan dareemi wayey xanuunka ihaya, waxan isku maweelin jiray Book
jacayl ah Broke Heart layiraahdo uu qoray Dr John Heny oo u dhashay wadanka
kenya bogaas oo aad moodaysid in qisada i haysata uu ka sheekaynayo..
Fartuun waxa la dagan Caasho, Caasho uma qurux badna sida ay u qurux badan
tahay Fartuun waa gabar mariin ah balse aad iyo aad dabecad leh hayeshee
inta badan waxa ay fadhidaa balankoonka mararka qaarkood waxa ay ku gadhaa
waqti dabe waayo guriga waxa ku sheekaysanaya Fartuun iyo Saxibked Cali
yare, intaan soo kaco ayaan u imaan jiray Caasho una sheekayn jiray kadib
caasho guriga ayeey igu soo gali jirtay waqti dabe sidaan u sheekaysanayno
ayeey iga xaroon jirtay waxana oga warami jiray qisadayda...
Maalinba maalinta ka dabaysa Fartuun caashaqa aan u hayo ayaa sii
badnaanayey, anigoo wax aan sameeyo aqoon wayey ayaan u yeeray Fartuun
waxaan ku iri Fartuunay waa maalin Arbaco ah waqtigaan ku caashayna waxa
laga jogaa laba sano iyo xogaa maanta ayaa ugu dabaysa Caashaq dabbe aan ku
soo bandhiganayo run ahaantii shalay sidaan ku jeclaa ayan ku jeclahay,
caashaqaan ku hayey ayaa igu sii baaxaya waxan ka codsanayaa in aad wax
igala qabatid caashaqa aan ku qabo....
Fartuun waxa ay igu jawaabtay sidaan shalay kuu siiyey jawaabta ayaan hadana
ku siinayaa waqtiga yuusan kaa lumin xitaa jacayl iska daye waligay nocaaga
in aan u quurin waqti in aan ku lunsho teeda kale sheekadaaan iga xir
maantay ka dib iska ilaali hadii aad igula timaadid, wayna iga dhaqaaqday
Hadalkeena waxa maqlayey Caasho anigoo niyad jabsan hadana aan go'aan ka
gaaray waxaa isoo galay Caasho oo intay isoo dhawaatay itiri run ahaantii
waan maqlay hadalada ay ku dhahaysay Fartuun waana ka xumahay, teeda kale in
badan ayaan rabay in aan wax ku sheego balse fursad aan kugu sheegto ayaan
wayey waayo qof wax jecel, jacayl kale looma soo bandhigan karo waayo
maskaxdiisa oo dhan waxa ay raacsantahay qofkaas uu jecel yahay gaba gabadii
hadii aan ku dhaho waan ku jeclahay sidaad fartuun u jeceshahay ayaan
anigana ku jeclahay maxad ka dhigaysaa jawaabtada ma jawaabta ku siisay
Fartuun oo kale miyaa isiinaysaa.
Maya Fartuun maantay wixi ka dabaysa laygama maqlayo, Fartuun waxa ay sii
dhaawacday qalbigayga waxa ay la mid tahay ayadoo Nafta iga jartay, Caasho
walaal aniga noqon maayo sida Fartuun oo kale diyaar ayaan ku ahay wax kasta
oo dhankaygana diyaar hadalka aan ku dhahayo oo aan jawaab ku siinayo waa I
love you too intay igu soo booday oo hab isiisay bay itiri I love you so
much intaas markay itiri Caasho ayaan waxan iri Fadlan waxan kaa codsanayaa
in aan guriga galo oo aan xoga seexdo raalina iga noqo balse Caasho waa wax
garad wayna iga yeeshay, Guriga ayaan galay in aan seexdo ayaan damcay balse
waan seexan waayey.
Dodobaad ka dib anigoo maraya Xafiiska UNDP ayaan darbiga ka aqristay in loo
bahan yahay Qof IT ah ( Informatin Technolage) hadana yaqaan Luqada English
ka waan ku soo leexday Form kiina waan buuxshay imtixan ayaa lay ii balan
shay Dodobaad kadib waan ku baasay,dodobaadkii dabe waxan ka shaqo galay
United Nation Development Program waxa lay ii qoray mushaar 2000 $ waxana
lay isiiyey Gaari Langaroosal ah madaba aan daganahay Xaafadda islii isla
bishaas gudaheeda waxan aroosay Caasho Yusuf waxana dagay Xaafada South B
waa xaafad aad iyo aad u qurux badan waxana daga dad ka lacagta leh waxan
soo raray Abtigay oo ila dagan
Galab galbaha ka mid ah markaan Gurigayga imid waxan ka wayey Caasho, Caasho
galab ma bixi jirin waxan dareemay in ay meel fag jirto waayo Gaarigii
Caasho wuu maqan yahay kolay meel fag hadii aysan jirin gaariga ayaa ooli
lahaa waan wacay waxa ay itir waan soo socdaa oo jidka ayaan ku jiraa,
markii ay itimid wajiga Caasho waxa ka muuqday Naxdin iyo murugo waxa ay
itiri Qoftii Fartuun ahayd nin kii Cali aha ayaa mehersaday markii uu
laabtayna wuxuu ka badashay Telephone kii hadana waxa ay jiifta Isbitaalka
Mother and
Children anigoo iska badalin dharkaygi ayaan aday oo waxan is raacnay Caasho
markii aan tagnay isbitaalka waxaan waydiiyey dhaqtarka in uu isheego
xanuunka Fartuun ay la jiifto, Dr kii wuxu i sheegay in ay leedahay Uur
dhiig la aana ay hayso Dr kii waxan amar ku siiyey in uu dhiig dag dag ku
shubo lacagta ku baxaysana aan bixinayo aniga Fartuun markii ay i aragtay in
aan u howlanahay arimaheeda ilmo ayeey isku celin wayday waan amusiyey Dr
kii ayaa ii yimdi wuxuna isheegay in aan la bixi karno lacagta lugu
leeyahayna ay tahay lacag 140,000 oo lacagta kenya ah markii loo badalo
Doolar ahaan waa 3000$
markaasna jeebka ayaan ku hayey o waan baxshay waxana u kaxeeyey Gurigaan
daganaa.
Fartuun waa ay iga raali galisay balse waxan ku iri calafka ayaa naga waynaa
waxana calaf ii ahayd Caasho in aan is calfano adigana maantay wixi laga
bilaabo waxad tahay gabar walaashay ah waxad u baahatid aniga ayaa diyaar
kula ah, Fartuun waxa ay dhashay wiil, wiilkaasna waxa ay ugu magac dartay
aniga oo waxa ay u bixisy Maxamed Boodhari,
anigana Caasho waxa ay ii dhashay Gabar waxana u baxshay Fartuun,
Caashaqaygi hore ee Fartuun waxa ay noqotay qof ka tirsan xaafada ninkii
qabayna dib dabe uma so xariirin
Waligaa wax la aanta Cidna ha ku nicin xoolaha waxa baxsha Rabi rabina wuu
arkaa aduunkiisa baahisan teeda kale qof ku xumeeyey waligaa ha xumeen waayo
rabi ayaa ku daalacanaya shalay markii uu ladnaa mantayna aad ka ladantahay
soo qiso rabi wato mahan
Akhristayaasha qiimaha badanoow waxan ku soo gaba gabeeyey qormadii ahayd
WAX LA AANTA HA IGU NICIN
Dhamaad Dhaamaad Waxaana Guurdow bilaabi Dooonaa Sheeko Kaloo Farabadan
Haduu ilaahey Yiraahdo Kuwaasoo Ah Kuwa Xiisa badan ,, Waxaan kaloo Ka Cudur
Daaranayaa Waxii Qalad ah oo aad ku Aragtaan Qoraalka Ka Raali ahaaada
Fadlan Wixii friin Ah amaba tala ahba usoo dir-email. Qoraaga Sheekada
WQ:Maxamed Cali Maslax Maxamed Boodhari
Email ilkacase461@yahoo.co.uk
lkacase461@hotmail.com
Kenya Nairobi
Tell 254.728343385
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|