| |
Tuesday April 22, 2008
Ex-Banaadir iyo Puntland waa u bogaan
bidhaan dowladnimo laakiin Heer bililiqaa bud u haysta.
Sida aay muujin-neyso fikradaha dadweynaha oo dhowaan la aruuriyey
(recently public opinion conducted by EBPA has shown that ), dadka ka soo
jeeda goballaddii leys ku oran jirey ex-Banadir iyo puntland waxaa dhab ah
in aay aad u jeceyl yihiin in la helo Dawlad dhexe oo loowada dhan yahay,
soona celisa sharcigii iyo kala danbeyntii Dawladnimo ( law and order).
Beelahaan ka soo kala jeedda Ex- Banadir iyo puntland waxay aamin-san yihiin,
marka laga reebo tii Ilaah in dhibka iyo rafaadka, shacabka Soomaliyeed ku
soo jirey in ka badan sideed iyo toban sano (18) looga bixi karo oo qura in
la taageero Dawladdaan dhexe ee hadda dalka ka jirta iyo tan dhalan doonta
sannadka soo socda ee 2009 haddii Alle ogolaado.
Waxaa xusid mudan in shaqsiyaad bulshada Soomaaliyeed dhex-deedda sumcad
fiican ku leh( good reputation), kana soo kala jeedda goballada kor ku xusan
oo isugu jira:- siyaasiin, saraakiil sar sare, aqoonyahanno, culumaa'udiin,
waxgarad iyo duubab dhaqameedyo, inaay dhowaan waqooyiga Ameerika kaga
dhawaaqeen naadi layiraahdo" Naadiga Guddiga Mideynta Soomaliyeed ee
waqooyiga Ameerika" ( North America Somalia united council club) xubnaha
naadigaan waxaa ka mid ah Caaqil Xaaji Koogaar, General Mohamed Abdi Qaac
iyo Suldaan Ibirow Aliyow Ibirow iyo qaar kale oo badan.
Ujeeddada naadigaan waxay tahay in uu dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel
kasta oo aay kale la joogaan, gaar ahaan Jaaliyadaha Soomaliyeed ee kala
duwan ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika ugu baaqo midnimo iyo in leyska ilaawo
wixii Soomaliya ka dhacaayay sideed iyo tobankii sano(18) ee la soo dhaafay,
maadaama aay-san jirin qof, qoys amba qabiil wax faa'iido ah ka macaashey,
dhibaato baaxad weyn iyo burbur mooyaane, mudadaas lagu soo jirey Sharci
la'aanta ( Lawless)
Naadigaan la magac baxey Guddiga mideynta Soomaliyeed ee waqooyiga Ameerika
wuxuu wakiilo ku kala leeyahay caasimadda Soomaliya ee Muqdisho, Marka
caddey G/Sh Hoose, Jowhar G/Sh dhexe iyo Boosaaso oo ka tirsan goballadda
ismaamulka ee puntland.
Ex-Banadir iyo Puntland bidhaanta Dawladnimo waa ubogaan, waxaanna haboonaa
laheyd in lagu daydo si loo bad-baadiyo bullug-leydii Soomaliya oo
busaareysneyd boqollaal bilood, 18 sano X 12 bilood =216 bilood, laga soo
billaabo dhammaadkii sannadkii 1990kii, markii aay burburtay Dawladdii
Militariga aheyd ee uu hogaamin jirey Alaha u naxariistee marxuun Gen.
Mohamed Siyaad Barre oo aan la deferi karin in loo dar-sadey dal iyo dadba,
balse nasiib wanaag naadigaan cusub ee lagu magacaabo naadiga mideynta
Soomaliyeed ee waqooyiga Ameerika ayaa ifinaaya toosh nabadeed( flashlight
peace) ee Soomalidu maka faa'iideysan-doontaa?.
gabagabaddii iyo gunaanadkii, nabadaa naas la nuugo leh, nabadaa naas la
nuugo leh, nabadaa naas la nuugo leh.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|