Wednesday May 07, 2008
Jaaliyada Beesha Mudulood ee North
America oo qaadacday hadalkii ka soo yeeray Axmed C/salaan
GUDOOMIYAHA BEESHA MUDULOOD EE NORTH AMRICA OO TAAGERAY WARKII KA SOO YEERAY
Gud.G. BANADIR Mohamed Omar Habeeb (M. Dheere). Gudoomiyaha ayaa waxuu shir
jara’id ku qabtay qadka telefoonka ee (Teleconference) beesha Mudulood ee
kula sugan North America iyo Yurub waxaana shirka jara’id ka soo baxay in
dusha canbaareyn looga tuuro R/was are Ku xigenka ahna wasirka warfaafinta
Ahmed C/Salaan. Waxaa wax lala yaabo ah in Wasiir nin sheeganaaya ahna R/was
are ku xigeen inuu garan waayo shaqadiisa waxay tahay (Job Description)
isagoo uga dan leh ujeedo ugaara. Ma uusan dhihin wasiirka arimaha gudaha
ayaa dhawaan ku dhawaaqaya in maamul loo sameeyo gobolka Banaadir ee siduu
asiga jeclaa ayuu u hadlay waana dhageeysanay qudbada Axmed C/salaan.

Waxaan halkan dhaleecayn dusha uga tuuraynaa Axmed C/salaan taasoo ah inuu
isku dir iyi bur bur la daba joogo Dowlada Federaalka ah uuna doonayo inuu
buuq ka dhaliyo Gobol maamul leh dekadiisa iyo airporkiisu shaqeynayo
walibana miisaaniydna leh. Waxaana aad uga xunahay hadaan nahay beesha
Mudulood ee North America in ruux masuul sheeganayo uu ku hadaaqo hadaladaa
iyo kuwa la mid ah islamarkaana aanba garanayn waxa uu Federaal yahay iyo
waliba inuu hilmaamay in uu booska uu joogu uu ku yimid 4.5 ee aysan soo
dooren Axmed C/salaam shacabka Soomaaliyeed marka side ayuu ugu hadaaqay in
deegaan uusan AB IYO ISIR uusan ka soo jeedin xubinimo qabiilna uusan ku
helin inuu yiraahdo maamul shacabka soo doortay ayaan ka dhisaynaa Gobolkaas
Banaadir.
waxaan halkaan hadaan nahay beesha Mudulood ugu baaqeeynaa Dowlada uu R/wasaaraha
ka yahay Dr. Nuur Cadde inay ka fiirsato talaabooyinka deg degta badan ee
wasiirada ka tirsan xukuumada la soo baxday taasoo u keeni karta inay
shacabka ay kasbatay dib u lumen doonto. Waxaan halkan ka cadeynaynaa in aan
taageersanahay dowalda federaaliga ah iyo waliba Gudoomiyaha Gobolka
Banaadir Mudane Mohamed Omar Habeeb (M. Dheere) xaqna uu u lee yahay
deeganka uu masuulka ka yahay haday noqota mid qab’iil waxuu u helay miisaan.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa inuu Banaadir tahay caasimad
Soomaaliyed taas uusan macnaheedu ahayn haday meeshu caasimad tahay maamumla
gobolkaas inuu meesha ka baxayo. Madaxtooyada iyo dhamaan xuramaha dowlada
ayay u madax banana yihiin dowlada shacabkana qabiil walbo uu degi karo
laakiin maamulka wali waxaa loga danbeyn doona Beesha meesha degan
nasiibkana u yeelatay inay dhulkooda caasimad u naqatay. Waxaana
xasuusinaynaa Axmed C/salaan, Gud. Mohamed Dheere inuusan gudoomiye ka ahayn
Dhuuso mareeb ama Mudug ee uu masuul ka yahay degaanka uu ka soo jeedo hayb
ahaan mana garan karno waxa ku qasbay sal fudeydka Ahmed C/Salaan.
Waxaan leenahay “WALAAL AHMED HA ISKU XIRIN NACEYBKA QOFEED IYO
SAMATABIXINTA DADKAAGA IYO DALKAAGA”
Wabilaahi Towfiiq
Caaqil Xaaji Maxamud Cali Jimcale (Koogaar)
koogaar@yahoo.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |