|
Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Muqdsiho
oo soo saarey Baaq xabad joojin ah
War saxaafadeed ka soo baxay Beesha Hawiye, ka dib markii xiriir wada
hadal uu dhex maray odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada shalay oo
taariikhdu aheyd 31-3-07.
Iyadoo la tixgalinayo xabad joojintii dhex martay odayaasha beesha Hawiye
iyo dowladda Ethiopia 22-3-07.
1-Iyadoo la tixgalinayo gumaadka, burburka, barakaca balaaran ee loo
geeystay maatida iyo hantida maalmihii la soo dhaafay ayaa beesha Hawiye
waxa ay isku raaceen qodobada soo socda.
2-In la joojiyo xabadda 2 da duhurnimo ee maanta taariikhduna ay tahay
1-4-07 goob kasta oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
3-in laga sugayo dowladda Ethiopia in ay ku dhawaaqdo, isla markaana ay
ilaaliso xabad joojinta sidii horey la isugu afgartay.
4-in 24 saac gudahooda la furo wada hadal si looga xaajoodo dhibaatada
baaxadda leh ee ka dhalatay dagaalka iyo barakaca magaalada Muqdisho.
5-in beesha caalamka, sida deeq bixiyayaasha, hay'adaha xuquuqul insaanka,
kuwa gargaarka aadamiga, gaar ahaan bisha Casa iyo Laanqeyrta cas ay la soo
gaaraan gurmad deg deg ah dadka gaaraya 1.5 millyan ee ku tabaaleysan
daafaha magaalada Muqdisho iyo gobolada ku hareersan isla markaana la baaro
xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ciidamada Ethiopia iyo maleeshiyaadka
dowladda ay ku kaceen intii uu socday dagaalka, isla markaana waxaan
codsaneynaa taageero lagu aaso meydadka laguna daweeyo dhaawacyada.
6-in ciidamada Ethiopia iyo dowladda KMG ah ay si deg deg ah u soo daayaan
dadka ay sida sharci darada ah uga qabsadeen meelo kala duwan oo dalka ku
yaala.
Iyadoo odayaasha Beelaha Hawiye ay soo saareen qodobadaan ayaa waxaa wali
soconaya dagaalo goos goos ah, iyadoo wali la maqlayo israsaaseyn teel teel
ah oo u dhaxeysa ciidamada Ethiopia iyo ragga hubeysan ee ka soo horjeeda
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |