| |
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo
degay agagaarka Magaalada Baladweyne
Waxaa Markii ugu horeysay tan Wixii ka Danbeeyay Markii ay Ciidamda
Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federaalka oo wada socda kala wareegeen Maamulka
Gobalka Hiiraan Maxkamadii Islaamiga ayaa lagu arkay Duleedka Magaalada B/weyn
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan kuwaasoo sida la sheegay Fariisin ka
dhiganaya Deegaanka Jante-Kuweendisho.
Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka oo wada hadal kula yeeshay
Deegaanka Jante-guudisho, Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaan la ogeyn dhab
ahaan wax yaabaha ay ka wada hadleen maadaama aan Saxaafada loo ogoleyn in
lagala hadlo warka ku saabsan soo dagi taanka Ciidamada Itoobiyaanka.
lakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in labada dhinaca ay ka wada
hadleen arimo u badan qaabka iyo waliba sida ciidamdu dagayaan, iyo waliba
Baraha ugu haboon ee Fariiisinka u Noqon karta marka laga soo tago halka uu
kulanku ka dhacay oo ah Jante-guudisho, waxaana warku intaa ku darayaa in
loo maleynayo in ciidamadaasi fariisin Rasimi ah ka dhigan doonaan Xarunta
Dhaqan-calinta ee Iftiin oo horay u ahaan jirtay Xarun ay daganaayeen
ciidamadii Maxkamadii Islaamiga,
Gudoomiyaha degmada B/weyn iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Gobey Cawaale iyo waliba
C/raxmaan Buruko, oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Kulanka la yeelatay
Saraakiisha Itoobiya ayaan ilaa hada iyagu wax faah-faahin ah arintaa ka
bixin, taasoo u muuqata in aan loo ogoleyn in saxaafadu ka hadasho wararka
ku saabsan ciidamada Itoobiya.
wararka Qaar ayaa Tilmamaya in arimaha ugu waa weyn ee Ciidamadan loo
keenayo tahay sababo dhinaca Nabad-galyada ah, madaama Maalmihii aynu soo
dhaafnay ay jireen Qaraxyo is xig xigay oo lagu qaaday Saldhiga Boolika iyo
waliba Guriga uu degan yahay Ku-xigeenka Gudoomiyaha Maamulka Gobalka, halka
wararka qaarna ay talmaamyaan in ciidamadu ay halkaa kala socon doonaan
dhaq-dhaqaaq Hub sida la sheegay Magaalada Muqdisho ugu gudba Gobalada dhaxe.
dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn ayaa muujinaya walaac la xiriira Ciidamadan
la sheegay in la soo dajinayo duleedka magaalada B/weyn, gaar ahaan waxaa ay
dadku cabsi weyn ka muujinayaan weeraro ay ku qaadaan kooxo ka soo horjeeda,
taasoo ay keenta iska hor imaad wax yeelo geysta.
Hiiraan.com
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|