Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dagaal dhexmaraya Ciidamada Itoobiya iyo kooxo kasoo horjeeda oo  ka Qarxay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dagaalo xoogan ayaa caawa ka bilowday aagagii ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo caawinaya Soomaaliya iyo kooxaha kale ee ka soo horjeeda iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga maqlayo dhawaqa madaafiicda PM-ka loo yaqaan iyo rasaasta kale ee daran dooriga u dhaca.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii si kadis ah  ay rasaas laga ridayey qoryaha fudud ay kudhexmartay ciidamo iska soo horjeeday waxaana ay arrintaasi sababtey in ciidamada ay ka jawaabaan iyadoo taasina ay keentay iska horimaad xoogan oo dhexmarey kooxahaasi iyo Ciidamada iskaashana ee Itoobiya iyo kuwa dowladda oo ku sugan agagaarka Xamar Bile iyo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.


Dagaalkan oo ku soo beegmay xili maanta uu baaqday kulan lagu waday in ay isugu yimaadaan waxgarad kasoo jeeda kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo saraakiisha Itoobiya oo shuruud ku xeray kulankii maanta.

Wixii wara ah ee dhacdadaan  iyo faahfaahintaba kala soco RSTV  oo idiin soo gudbin doonta haddii Allah ogolaado.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved