Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shirkadda Hormuud oo deeq gaarsiisey dad kasoo barakacey Dagaalada Muqdisho.

Maamulka shirkadda Hormuud ayaa maanta kaalmooyin kala duwan gaarsiisay dad soo barakacay oo ku sugan inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo dekedda Ceelmacaan, waxaana mas'uul ka socday shirkadda oo qiimeynayay xaalada dadka soo barakacay, taasoo uu kulamo kala duwan la yeeshay sida dadka degaanadaasi uu u saameeyay qaxootiga ku soo jabay dagaaladii Muqdisho ka dhacay awgood.


Md. Cabdi C/llaahi oo ka socday maamulka shirkadda Hormuud socdaal uu ku qiimeynayay xaaladda bani'aadanimo ee halkaasi ka jirta, maadaama qoysas aad u tiro badan oo ka barakacay Muqdisho ay gaareen halkaasi, waxa uu sheegay in qoysaska soo barakacay ay dhibaato ka heysato sidii ay u heli lahaayeen biyo ay cabaan, sidaas darteedna ay Hormuud ku tabaruceyso in Ceel halkaasi ku yaala ay u iibiso Hal Matoor, si uu u yaraado culeyska dadka ka heysta inay helaan


Sidoo kale Md. Cabdi C/llaahi oo ah maamulaha shirkadda Hormuud qeybta W/Muqdisho ayaa socdaalkiisa samafaleed ee uu ku bixiyay degaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Ceelmacaan waxaa qoysas soo barakacay oo ku sugan degaanka Sheekh Cali Cabdulle uu ugu deeqay kaalmooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin booyad biyo ah loogu shubay berked weyn oo halkaasi ku tiilay.

 

 

Source:Somaliweyn.com

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved