|
Ma jirtaa in shirkii dib u
heshiisiinta ee la qaban lahaa bisha dib loo dhigey.
Waxaa maalmo ka hor soo baxayey warar sheegeya in shirkii loogu talagaley
dib u heshiisiinta Soomaalida uu dib u dhacey wararkaasna waxaa laga heley
ilo si hoose uga soo xigtey siyaasiin ka tirsan dowladda KMG ah, waxaana
markiiba soo baxay hadalo lagu beeninayo warkaasi.
Hadaba Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Somaliya Samir Xusni ayaa shaaca ka
qaaday in shirkaasi ,dib loo dhigay illaa bartamaha bisha May, sababo la
xiriira dhinaca ammaanka Magaalada Muqdisho.
Samiir Xusni ayaa warkan shalay ka sheegay magaalada Qaahira ee dalka Masar
isagoo dib u dhacan ku macneeyey inay sababeen dagaalada iyo iska hor
imaadyada ka jira magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay inay jiraan dad
badan oo ka qaxayaMagaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda ma jiro war xaqiijinaaya dib u dhigista shirka dib u
heshiisiinta Qaran ee ka soo baxay Dowladda federaalka Soomaaliya,waxeyna
dowlada ku adkeysaneysaa qbsoomida shirkaas mudadii ay u qabatay oo aheyd
16-ka Abriil.
Sida laga dareemayo dhaqdhaqaaqyada ka socda agagaarka xafiisyada Dowladda
ee Muqdisho iyo Baydhabo ma muuqdaan astaamo sheegaya inay shirkaas dib u
dhac ku yimid waxaase la qiyaasi karaa inaan lagu dhameystiri karin maalmaha
harey hawshii shirkaasi u baahnaa taasina waxay caddeynaysaa inaan shirkaasi
qabsoomi karin wakhtigan la joogo.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |