Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxda Eritrea iyo Uganda oo shirkoodii aan wax weyni kasoo bixin.

Kulan dheer oo dhermarey Madaxweynaha Ugaandha iyo kan Eritrea ayaa ka dhacey Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, shirkaas ayaa Madaxweynaha Uganda waxaa uu doonayey inuu dalka Eritrea kaga dhaadhiciyo sidii uu ugu soo biiri lahaa dadaalka ay dalalka gobolku  ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya. "Labada Madaxweyne ayaa waxa badan isla soo qaadey kuna dadaaley in la isu soo dhaawaado"  yiri Isaac Musumba oo ah wasiirka Madaxtooyada oo kamid ahaa wafdiga Madaxweyne Museveni oo warabaahinta la hadley.

Madaxweynaha Dalka Eritrea ayaa dhiniciisa waxaa la sheegey inuu aamin san yahay in Maxaakiimtii Soomaaliya ee awoodda laga qaadey inayu qalmaan in loo aqoonsado sidii dowlad shir ah oo ka jirta dalka Soomaaliya.

Eritrea ayaa waadanba waxay si aad ah u diidanayd hawla galka Ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya iyadoo marar badan ugu baaqdey dalka Ugandha inaysan wax ciidan ah u dirin Soomaaliya, waxaana jirtay in bishii ina dhaaftey Madaxweynaha Uganda uu waraaq qoraal ah uu u direy Isaias Aferworki warqaddaasna waxaa uu Musaveni ugu faahfiyey sida ay lagama maarmaanka u tahay inay waddamada Afrikaanku ay wax ka qabtaan xaaladda Soomaaliya oo muddo dheer soo jiitamaysey.

Sida muuqata wax la taaban karo kama aaney soo bixiyey kulankii dhexnarey Afwerki iyo Musaveni waxaana dhici karta in kal duwanaanshaasi uu ka sii jiro dalalka ku bahoobey ururka IGAD.

Dalka Ugaanda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidan gaaraya 1500 oo askari kuwaasoo uu hal Askari oo ka mid ah uu kaga geeriyoodey dagaaladii ka socdey Muqdisho maalmahan waxaana meydkiisa la geeyey dalka Uganda isla maanta waxaa kaloo dhaawacmey 5 askari oo iyagana la dhigey Isbitaal ku yaalla Nayroobi halkaasi oo lagu daweynayo waxaana kharashka Daaweyntooda bixinaya African Union-ka.

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved