Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Geeddi iyo Yusuf oo kulan ku yeeshey Xarunta Villa Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo ka soo ambabaxay dalka Kenya.

Ra'iisal wasaaraha oo safar dibada maalmahan ku maqnaa ayaa waxaa uu magaalada Riyaad ee dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeybgalay shir madaxeed ay lahaayeen dalalka Carabta halkaasi kulamo kula soo qaatay Xoghayaha Guud ee Q.Midoobay Ban Ki-Moon, Xoghayaha Jaamacadda Carabta Caamir Muusa, Ergayga Midowga Yurub ee arrimaha Siyaasada Javier Solana iyo xubno kale oo beesha caalamka ka tirsan iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya ee xiligan mareyso.

Ra'iisul Wasaaraha markii uu soo dhameystay ka qeybgalka kulankii Jaamacadda Carabta waxaa uu soo maray dalka Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda dalkaasi oo balan qaad maaliyadeed uu ka soo helay iyadoo wararku qaar ay sheegayaan in Ra'iisul Wasaare Geeddi uu ka soo helay Imaaraadka Carabta Sadax Milyan oo Dollarka Mareykanka.

Geeddi ayaa markii uu Muqdisho yimid kulan mudo qaatay waxaa uu la yeeshay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md.Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo warbixin ka siinayey waxyaabihii u soo qabsoomay mudadii uu ka maqnaa dalka, walow aan saxaafadda warbixin laga siin waxyaabihii ay ka wada hadleen labada mas'uul.

Maalmihii uu dalka ka dhoofey Geeddi ayaa ka dib waxaa Muqdisho ka dhacey dagaal geystey khasaare lixaad leh oo dhex marey Ciidamada Itoobiya iyo Xoogag ka horjeeda oo dagaal kala horyimid waxayna taasi keentay dhimasho iyo dhaawac iyo waliba barkac xooggan.

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved