Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mareykanka oo Eritrea ku eedeeyey inay taageerto kooxaha kacdoonka ka wada Muqdisho.

Dagaalada ka socda Muqdisho ayey xukuumada Mreykanka ku eedeeysay inay hurineyso Dowladda Eretareeya, oo uu sheegay inay ka dambeeyaan inay kooxaha dagaalamaya ay weeraraan Dowladda Itoobiya oo ay isku yihiin cadow.

Gabadha  ah ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika  Jendayi Frazer ayaa sheegtay in Eritreya ay tahay dowladda kaliya ee taageerta kooxaha dagaalka kula jira Dowladda KMG ah iyo Itoobiya,"Koox wax iska caabineed ma bad baadi karto iyada oo aan taageero ka heysan dalalka deriska ah" ayay tiri Frazer oo sheegatay in Eratareeya ay walaac balaaran ku heyso Dalka Mareykanka.

Mar sii horreysay ayey Q.M  warbixin ka soo saartay taasoo lagu sheegay in Eritrea ay taageero xoogan siin jirtay Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed, iyada oo hub u qeybisay tababarna siisay, inkastoo taas ay beenisay xukuumada Eretareeya.

Jendayi Frazer ayaa sheeegtay in Eretareeya ay iminka taageereyso waxa ay ugu yeertay haraadigii Maxkamadaha Islaamiga ah gaar ahaan dagaal yahanada kooxda Shabaab, oo iyaga oo ay wehliyaan maleeshiyooyin qabaa'il iyo kuwa Hogaamiya Kooxeedyada ay wadaan dhaq dhaqaaqyo looga soo horjeedo Dowladda KMG ah ee Somaliya sida ay sheegatay jendayi Frazer.
 

Eritrea marna ma aaney qiranin taageerada lagu sheego inay siisey kooxaha ku dagaalama qaarkood marar badan ayey dowladda Eritrea wax kama jiraan ku sheegtay eedahaas loo soo jeediyey.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved