Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhaawacmey weerar lagau qaadey.

K/xigeenka dhinaca maaliyadda ee Duqa magaalada Muqdisho Xasan Max'ed Nuur Qalaad ayaa Burcad hubeysani waxa ay dhaawac ugu geysatay degmada Xamar Jajab  ee magaalada Muqdisho ka dib markii rasaas ay la beegsadeen gaari uu watay.

Mudane Qalaad ayaa dhaawiciisa loola cararey  Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasi oo sida la sheegey lagu daweynayo.

Sida ay sheegayaan warar ku dhowdhow Isbitalka Madiina, Mr. Qalaad ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray Lugta.

lama garayo cidda dhab ahaan ka dambeysey shilkaasi waxaase la ogsoon yahay inay magaalada Muqdisho ka jiraan kooxo burcad ah oo ujeedooyin badan ka leh weerarada ay ku qaadaan gaadiidka maraya waddooyinka magaalada kuwaasi oo qaarkood ay doonayaan inay Baabuurta dhacaan iyadoo qaar kalena ay ugaarsadaan Madaxda Dowladda  iyo dadka magaca leh.


Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG ah oo ku aadan arintaan.

Horey ayaa waxaa magaalada Muqdisho qarax loogu geystey  gaari uu watay K/xigeenkii duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca nabadgalyada Ibraahim Shaaweey oo dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi iyadoo  3 qofna  ay ku Geeriyoodeen halkaas.
 


 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved