|
Muqdisho oo maanta daganeyd
iyo meydkii dagaalada ku dhintey oo la gurayo
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa deggen maalintii saddexaad, waxsaana
saakay ka billowday Muqdisho in waddooyinka laga nadiifiyo mayadkii ku
dhintay dagaalladii dhawaan ka dhacay caasimadda oo muddadii dagaallada ay
socdeen yaallayhalkii ay ku dhinteen waxaana la bilaabey in la aaso.
Dadka rayidka ah ee ku dnintay dagaallada ayaa lagu wadaa in lagu aaso
maanta Magaalada Muqdisho, inksatoo aysan jirin howsha aasitaanka
dadkaas oo la bilaabay, waxaase ay arrintaan qayb ka ahayd heshiis sida la
sheegey ay shalay gaareen odayaal ka tirsan Beelaha Hawiye iyo saraakiisha
Dowlada Ethiopia ee xamar ku sugan.
Waxaa kale oo iyana jirta in maydadka ku jira goobaha ay dagaallada ka
dhaceen Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ah ciidammo Ethiopian ah
oo la sheegay inay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay Muqdisho oo qaarkood la
sheegay inay ku jireen goobaha dagaalka.
Dagaaladan ayaa galaaftey nolosha boqollaal qof oo Soomaali ah iyo
askar badan oo ka tirsan kuwa Ethiopia ee ka dagaalamay goobaha ay
dagaalladu ka dhaceen, waxaana la sheegay in lagu wado in maydadka
Ethiopian-ka loo raro dhanka dalka Ethiopia, halka dadka Soomaalida ah ee ku
dhintay dagaallada lagu wado in lagu aaso Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in xaaladda Muqdisho ay kasoo rayso
maalmaha foodda inagu soo haya wasa haddii la isku afgarto waan waanta hadda
jirta iyo xabad joojinta lagu dhawaaqey waxaana jirta kumanaan dad ah oo
iyagu dibad seexad ah kana huleeley guryahoodii cabsida dagaalada awgeed.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |