Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shir balaaran oo lagu taageerayo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa ka soconaya Columbus ee Gobolka Ohio.

Shir si weyn loo soo abaabuley oo ay isugu yimaadeen dadweyne iyo wax garad ka kala yimid qeybo ka mid ah gobolada Mareykanka ayaa waxaa uu si wanaagsan uga soconayaa Magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Shirkaasi ayaa waxaa ugu horreyntii furey Mudane Cabdifataax Khaliif oo ku hadlayey MAgaca golaha midnimada Soomaaliyeed ee Ohio waxaana uu halkaasi ku faahfaahiyey sida ay lama huraanka u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed waxaana uu sheegey inuu si aaad ah ula dhacsan yahay habka  loo wado shirka lagu baaqey ee loogu tala galey in lagu dhameeyo khilaafka ka dhex jira dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadley ku xigeenka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Mudane Ciid Baddal Maxamed isagoo halkaas k acaddeeyey hawlaha uu xafiiskiisu qabtey mudadii ay joogeen New York waxaana uu sheegey inay ay la sameeyeen dalal badan si ay uga dhaadhiciyaan hawlaha DFMG ah ay ka waddo dalka sidoo kale Ciid waxaa uu sheegey inay jiri karaan Khalad inuu yimaado waxaana uu sheegey dawladani ay tahay mi dku dadaalaysa inay dhidibada u dhigto dowlad ka dhalata Soomaaliya dibna u soo celisa Qaranimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo isaguna madashaas hadal qiimo leh ka jeediyey  Dayib Maxamuud Sheekh oo ah madaxa ururka Chamber of Commerce   isaguna halkaasi ka sheegey inay Soomaalidu u baahan tahay dib u heshiisiin iyo is fahan si looga gudbo collaadda soo noqnoqonaysa waxaana uu sheegey in dhamaan loo istaago sidii loo aasaasi lahaa nidaam dowladnimo oo salka ku haya wax wada qabsi wadajir.

Hadalka waxaa isna qaatey oo makarfoonka lagu soo dhaweeyey Col. Daahir Ciid oo isaguna sheegey in dadka Soomaaliyeed ay u guntadadaan sidii ay dhisi lahaayeen ama ay u taageeri lahaayeen Dowladda KMG ah ee lagu soo dhisey magaalada Nayroobi taasi oo ah mid rajo weyn lagu qabo inay soo celiso qaranimadii Soomaaliya.

Shirkaasi waxaa iyaguna Goob joog ka ahaa Fanaaniinta qaranka qaar ka mid ah kuwaasi oo heeso iyo gabayo guubaabo ah ka Jeedanayey madasha Shirka Fanaaniintaas waxaa ka mid ahaa: Abwaan Maxamuud C/laahi Singub, Saado Cali,Axmed Cali Cigaal, Sahra Siyaad, Najax iyo kuwa kalew oo aad u badan.

Guud ahaan shirkaasi wuxuu u socdey si wanaagsan waxaana la filayaa inay ka soo baxaan go'aano ku saabsan xaalka Soomaaliya ee wakhtigan la joogo.    



 

Abdifataah M. Abdinur
Columbus, Ohio

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved