|
Shir lagu taageerayey dib u
heshiisiinta Qaran ee Dowladdu ku dhawaaqdey oo lasoo gabagabeeyey Go'aamana
laga soo saarey.
Shir aad u balaadhan oo socday laba maalmood ayaa ka dhacay magaalada
Columbus ee gobolka Ohio. Iyada oo ay kaqeyb galeen Boqolaal dadweyne ah oo
ay ku jiraan Aqoonyahano, indheegarad, siyaasiyiin iyo waliba hogaamiye
dhaqameedyo farabadan. Dadkaas oo ka kala yimi dhamaan gobalada ay
Soomaalidu ka dagan tahay wadankan Mareykanka iyo waliba Dalka Canada.

Soo aabulayaashii madashan ayaa ii sheegay in hadafka Shirkan yahay sidii
loo taageeri lahaa Shirka Dib u heshiisiinta qaran ee Dowladu ku dhawaaqday
bilhii la soo dhaafay in uu ka dhaco Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho bishan
April badh tamaheeda.
Walow shirkaasi dib u dhacay hadana waxay u muuqdeen ka soo qeyb
galayaashu kuwo ku rajo weyn in markale lacayimo waqti go’an mustaqbalka
Dhow.

Qudbadii ugu horeysayna waxa ku furay, Mudane Cabdifataax Khaliif oo ku
hadlayey Magaca golaha midnimada Soomaaliyeed ee Ohio. Waxaana uu halkaasi
ku faahfaahiyey sida ay lama huraanka u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo
dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed waxaana uu sheegey inuu si aaad ah ula
dhacsan yahay habka loo wado shirka lagu baaqey ee loogu tala galey in lagu
dhameeyo khilaafka ka dhex jira dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadley ku xigeenka
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Mudane Ciid Baddal Maxamed
isagoo halkaas k acaddeeyey hawlaha uu xafiiskiisu qabtey mudadii ay joogeen
New York,islamarkaana waxa uu sheegey inay ay la sameeyeen xiriir dalal
badan oo ay ka dhaadhiciyaan hawlaha DFMG ah ay ka waddo dalka Soomaalia
Gudihiisa.
Dhinaca kale, isga oo ka hadlaya dhaliilaha loo jeediyo
xukuumada uu ka midka yahay. Danjiruhu waxa uu qiray khaladaadka dowladu
samayso.” Idinma dhihikaro 100% sax ayaanu nahay marwalba”Bilaadan baanu
nahay way jiri karaan Khaladaad in nala saxo ayaanu u baahanahay laakiin
qori caaradii in nalagu saxo aqli ma’aha”.

Waxaana uu Ciid sheegey dawladani ay tahay mid ku
dadaalaysa sidii dhidibada loogu dhigi lahaa Dowlad ka dhalata Soomaaliya,
dibna u soo celisa Qaranimadii Soomaaliya.
Siyaasiyiintii kale ee halkaa ka hadashay waxa ka
mid ahaa Dayib Maxamuud Sheekh oo ah madaxa ururka Mertz Group oo hoostaga
daladda Chamber of Commerce. Dayib waxa halkaasi ka sheegey inay Soomaalidu
u baahan tahay dib u heshiisiin iyo is fahan si looga gudbo collaadda soo
noqnoqonaysa waxaana uu sheegey in dhamaan loo istaago sidii loo aasaasi
lahaa” nidaam dowladnimo oo salka ku haya wax wada qabsi iyo wadajir”.
Waxaa isna Hadal ka qaatey Col. Daahir Ciid oo isaguna sheegey in dadka
Soomaaliyeed ay u guntadadaan sidii ay dhisi lahaayeen ama ay u taageeri
lahaayeen Dowladda KMG ah ee lagu soo dhisey magaalada Nayroobi, taasi oo ah
mid rajo weyn lagu qabo inay soo celiso qaranimadii Soomaaliya.waa sida uu
dalka uu hadalka u dhigaye.
Waxa Xusid mudan in shirkan Haweenku kaalin weyn ku lahaayeen, gaar ahaan
dhinaca qudbadaha oo badanaa ragu badsado munaasibadahan oo kale. Balse aan
dhihi karo shirkan waxa uu hadalku u badnaa dhinaca haweenka.
Marwooyinkii goobtaas kahadlayna waxa ka mid ahaa, Faadumo Hiraad oo hore
u ahaan jirtay wariye ka tirsan Radio Muqdisho oo iyadu hogaaminaysay
jaaliyada reer Minnesota iyo Batuula Sheekh Ahmed Gabaale oo iyaduna ah
Abwanad isla markaasna matalaysay Jaaliyada reer Toronto Canada .
Batuulo Iyo Faadumo ba waxay si siman u guud mareen Silicii iyo
saxariirtii ay soo mareen Dumarka iyo Caruutu 16kii sano ee ugu
danbeeyay.Iyaga oo sharaxaad dheer ka bixiyeen Baahida loo qabo in nabad loo
helo guud ahaan Dadka iyo dalka Soomaaliya. Waxaanay ka digeen hadaan nabad
lagu dadaalin cawaaqib xumada la badikaro maatida Soomaaliyeed ee sanooyinka
badan dayacnaa.
Sidaas oo kalena waxay talo u jeediyeen dhamaan dhinacyada is ku haya
Siyaasada Soomaaliya in ay nabad wax ku doonaan.Faadumo iyo Batuulo waxay
labaduba shirka Dibu heshiisiinta Qaran ee Dowladu ku baaqday ku macneeyeen
in uu yahay Fursad rajo galinkarta Furitaanka irda Isfahan Dhexmara
Dhinacyada Soomaaliya is ku haya oo aad moodo in ay mudaba iridaasi xirneed.
Intii uu shirku Socday waxa kale oo xiiso la’hayd Bandhig faneed u badnaa
heeso wadaniya iyo gabayo guubaabo ah oo ay soo ban dhigeen Fanaaniinta
Waabari qaar ka mid ah oo iyaguna Goobjoog.ka ahaa shirkaas, Fanaaniintaas
waxaa ka mid ahaa: Abwaan Maxamuud C/laahi Singub, Saado Cali,Axmed Cali
Cigaal, Sahra Siyaad, Najax , Abdiwahaab Cantar Naaji iyo kuwa kale oo aad
u badan.
Shirkan socday labada maalmood oo soo gabagaboobay Axadii bisha April
8,2007 waxa
laga soo saaray qodobo badan oo ay ka mid ahaayeen:
1-In si buuxda loo taagero Dibu heshiisiinta qaran.lagana qeyb galo
marka uu Furmo.
2-In Gobol kastaa Soo xusho Cidii Uga qeyb gali lahayd
3-In la soo xulo dad xilkas ah is la markaan isku soo jiidi kara dadka
Soomaaliyeed.
4-In caalamka laga Codsodo laguna adkeeyo sidii loo tageeri lahaa
Shacabka Soomaaliyeed ee Dhibaateesan.
5-In la doono waji kasta oo Bulshada Soomaaliyeed ku heshiinkarto,
loona midoobo Sidii nabad iyo dowlad wanaag loo hanan lahaa.








Abdifataah M. Abdinur
Columbus, Ohio
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |