|
Shirkii Dib u heshiisiinta ee
dhici lahaa 16 ka bishan ayaa dib loo dhigey ilaa bisha soo socota.
Warar ku dhow xarunta Madaxtooyada DKMG ah ayaa laga soo xigtey in dib
loo dhigey shirweynihii dib u heshiisiinta ee ka dhici lahaa Muqdisho April
16 keeda.
wararku waxay sheegayaan in shirkaasi uu dhici doono bartamaha bisha
May ee inagu soo socota sababo la xiriira xaalada ammaan darro ee ka
jirta caasimada Muqdisho awgood.
Sida uu qoray wargayska Alsharqal Awsat ee fadhigiisu yahay magaalada London
diblumaasi carbeed ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibada Df
Dr.Ismaaciil Hurre Buubaa uu gaarsiiyay kooxda xiriirka Soomaalida ee ku
shirtay magaalada Qaahira maalintii talaadada go'aankaasi dib loogu dhigayo
shirka dib u heshiisiinta, isagooku sheegey dib u dhigaasi sababo
dhinaca ammaanka ah.
Ilaa hadda lama hayo war rasmi ah oo ka soo baxay Df oo xaqiijinaya ama
beeninaya wararka tilmaamaya dib u dhigista shirka dib u heshiisiinta qaran
ayadoo si weyn loo hadal hayo sida uu u qabsoomi karo shirka dib u
heshiisiinta xilli Df aaney ka talin inta badan caasimada Muqdisho oo loo
qoondeeyay shirkaasi in uu ka dhaco.
Iska Horimaadkii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo saasaanta colaadeed
ee weli ka jirta caasimada ayaa mugdi sii geliyay suurta galnimada shirka
dib u heshiisiinta qaran ayadoo xarumaha Df ay bartilmaameed u yihiin
kooxaha kacdoonka oo horey uga digay in aan wax shir ah lagu qaban karin
caasimada Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |