| |
Wafdi Mareykan ah oo Booqasho ku
yimid Baydhabo lana Kulmay AMadaxda sare ee DFKM
Wafdi ay hoggaaminaysey Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka
ee Arrimaha Afrika Jendayi Frazer ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee
gobolka Bay oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdigani oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sare ee ka socota Dowladda
Mareykanka ayaa markii ay magaalda Baydhabo tageen waxay kulamo la qaateen
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo
guddoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Adan Madoobe.
Shirka ay albaabadu u xirnaayeen ee ay yeesheen ayaan aad loo faahfaahin
waxyaabaha ay ka wada hadleen mas’uuliyiinta labada dhinac, waxayse warar ku
dhow dhow xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay sheegayaan in ay
Saraakiishan Mareykanka ka socda ay kala hadleen mas’uuliyiinta Dowladda
Federaalka arrimaha dalka Soomaaliya, iyo waxyaabaha haatan ku soo
cusboonaadey Magaalada Muqdisho oo todobaadkii hore ay ka dhaceen
dagaallo ay dad badan ku dhinteen.
Jendayi Frazer iyo Michel Ranneberger oo si gaar ah ula socda arrimaha Dalka
Soomaaliya ayaa horay waxay uga dhawaajiyeen taageerada ay Dowladda
Mareykanka u heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya waxayna sheegeen in
dowladda Mareykanku ay taageersan tahay dadaalka ku aaddan shirka dib u
heshiisiinta ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho Bishan April 16keeda, waxay
kale oo sheegeen in loo baahan yhaay in nabad lagu soo dabaalo guud ahaan
dalka Soomaaliya.
Warar aan hubin ayaa waxay tibaaxaan in ay wafdigan ka socda Dowladda
Mareykanka ay kulan la qaateen Guddiga ugu xil saaran Dowladda Federaalka
Shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday, iyadoo sidoo kalena ay la
hadleen Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku kulmay Xaruntiisa KMG ah ee
ADC-da.
Jendayi Frazer oo u qudbeysay Baarlamaan Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in
Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii
nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in ay
Dowladda Mareykanka taageereyso dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ay
Dowladda Federaalka ku baaqday.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika Jendayi
Frazer waxaa ay caddeysay in ay Dowladda Mareykanka horay u siisay Dowladda
Soomaaliya lacag dhan 40 Milyan oo Doollar, haatanna ay bixineyso 60 Milyan
oo kale, iyadoo isu geynta dhaqaalaha uu Mareykanka ku bixinayo Soomaaliya
ay tahay 100 Milyan oo Doollar.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|