Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Culimo iyo wax garad ka tirsan Beelaha degan Magaalada Muqdisho oo ka shirey xaalka Muqdisho.

Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Culumaa'uddiinka Ahlu Sunna Wal-Jameeca ee ka soo jeeda beesha Muddullood ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay hotelka Global ee magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlayey arrimaha dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.


Dadkii  maanta kulankaasi ka soo qeybgalay ayaa waxaa ay ku baaqeen in dagaalada la joojiyo isla markaana cidii wax tirsaneysa ay si cad u soo gudbiso, iyadoo ay sheegeen in dagaal aanu wax faa"iido ah u lahayn dadka maatada ah.

Sheekh Soomow oo ka tirsan mas'uuliyiinta culumaa'uddiinka Ahlu Suna Wal Jameeca oo kulankaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay kooxaha dagaalada ka wada magaalada Muqdisho in ay joojiyaan isla markaana wixii ay tabanayaan ay u gudbiyaan dowladda si looga wada hadlo, wuxuuna Sheekhu uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in aan la dulmin dowladda KMG lana garab istaago.

Cumar Ibraahim Casobow Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beesha Abgaal ayaa si cad u sheegay in beesha Mudullood aysan ku jirin dagaaladaasi isla markaana ay ka soo horjeedo, wuxuuna Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow uu intaa raaciyay in beesha Muddulood aysan marna ka qeybgelin kulan uu sheegay in ay yeelanayeen maalmahan odayaal uu ku sheegay iney yihiin kuwo ka been sheega beelaha Soomaaliyeed, "Beesha Mudullood wakiil kama ahan Axmed Diiriye iyo wax la mid ah" ayuu yiri Nabadoon Cosobow oo intaa raaciyay in mowqifka beesha uu yahay in la taageero dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa xubnihii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa Sh. Ayuub Cumar Caddaan oo isagana tilmaamay in dagaalada Muqdisho ka socda ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca boqolaal ruux loona baahan yahay in la joojiyo.

Kulankan ayaa waxaa si weyn looga soo horjeestay shirarka maalmahan ka socday magaalada Muqdisho kaasoo waxgaradkii maanta kulankaasi isugu yimid ay ku tilmaameen mid lagu burburinayo dowladda KMG.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved