|
Ciidamo fara badan oo la soo
dhigey degaano cusub oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Waxaa caawa magaalada Muqdisho laga dareemayay dhaqdhaqaaqyada ciidamada
dowladda Federaalka KMG ah iyo kuwa Itoobiya ay ka wadaan isgoysyada
magaalada Muqdisho iyadoo gaadiidka tinikada la dhigay goobo hor leh.
Isgoyska Xararyaale oo maanta dagaal xoogan uu ka dhacay ayaa ka mid ah
meelaha ciidamada la soo dhigay sidoo kale Isgoyska Siinaay ayaa lagu
arkayey ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kuwaasi oo
kontoroolaya dadka iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa caawa meelaha lagu soo
daadiyay ciidamada ka mid ah isgoyska Sanca oo gaadiidka tiknikada iyo
ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen.
Ciidamadan cusub ayaa loo arkaa kuwo lagu xoojinayo amaanka isla
markaana looga hortagayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda in ay colaad ka
abuuraan deegaanada nabdoon ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.
Dhanka kale wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in
ciidamo fara badan ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho si ay ugu
qeyb qaataan howlgalada lagu nabadeynayo caasimada Muqdisho.
Caawa magaalada Muqdisho waa ay degan tahay mana jiraan dagaal xiligan socda
walow laga cabsi qabo in beri uu dib u bilowdo
Si kastaba ha ahaatee waxaa wali ka jira magaalada Muqdisho xiisado
colaadeed iyo barakac ay ka barakacayaan dadka shacabka ah ee ku noolaa
Magaalda Muqdisho.
.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |