Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

dil ka dhacey Magaalada Kismaayo oo ay gaysteen Dad wajiyada soo qarsadey.

Dad hubaysan oo aan lagaraneyn  ayaa caawa fiidnimadii bartamaha magaalada Kismaayo ku dilay nin rayid ah oo lagu magacaabi jiray Burhaan Bicir.

Warar aan ka helayno isla magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya dhacdadaas,waxaana ay sheegayaan   in kooxo wajiyada soo qarsaday ay toogasho ku dileen ninkan rayidka ah, iyadoo aan la ogeyn sababta ka danbeysa dilka Marxuumkan, waxaana arintaasi ay cabsi gelisay dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamo ka socda maamulka degmada Kismaayo ayaa soo gaaray goobta shilka uu ka dhacay iyagoo dadkii ku sugnaa halka lagu toogtay Marxuun Burhaan Bicir ay weydiiyeen su'aalo sababta iyo cidii dilka geysatay, walow aan wax dabagal ah aysan ku sameyn ciidamada kooxihii dilka geystay.

Dilkan Noocan ahi horey uguma badnayd degaanka Kismaayo waxaana ay tani  ku soo beegantey  xili maamulka gobolka Jubbada Hoose uu dadaal ugu jiro sidii wax looga qaban lahaa nabadgelyo xumida ka jirta magaalada Kismaayo iyadoo maalmihii u danbeeyay ciidamada dowladda ee ku sugan Kismaayo ay wax weyn ka qabteen xaaladaha amaan daro ee ay wadaan kooxaha burcada ah.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved