Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Diyaaradaha Helicopter-ka Itoobiya oo duqeyn u gaystey goobo ka mid ah Muqdisho.

Dagaalo xoogan ayaa ka socda  qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo goobo hor leh ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen waxayna ku sii siqayaan goobo kale oo ciidamada kasoo horjeeda ay rasaas ka soo ridayaan.

Diyaaraddaha qumaatiga u kaca ee Helicopterska ayaa bilaabay iney duqeeyaan meelo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku sugnaayeen malleeshiyooyin ka horjeeda DKMG ah.

Agagaarka warshada sigaarka iyo taraqa, iyo taliskii hore ee ciidanka Guulwadayaasha umada iyo xero Jarmalka ayaa diyaaraddaha qumaatiga u kaca duqeyn xoogan ay ka wadaan iyadoo ay ay gubeen xarumo shidaal oo lagu taageeri jiray kooxaha maliishiyada kasoo horjeeda dowladda iyo xarumo kale.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa dadweynaha sameecadaha codka dheereeya kula hadlaya iyagoo u sheegaya in aysan dooneyn in waxyeeleeyaan dadka rayidka balse ay baadigoobayaan kooxaha haraadiga maxkamadihii Islaamiga ee iska caabinta kula jira dowladda.

Waxaa soo badana khasaaraha uu dagaalkan geystay iyadoo dhowr madaafiic ay ku dul habsadeen dad ku sugnaa guryahooda ay ku geeriyoodeen tiro gaareyso 8 ruux iyo dhaawaca 12 qofood oo qaarkood dhaawacooda uu aad u culus yahay.

Howlgalkan ayaa waxaa uu yahay mid dowladdu ay ku dooneyso in ay ku xasiliso amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo horay ay u sheegtay in kahor inta aan la gaarin shirka dib u heshiisiinta oo maalmo ay ka harsan yihiin qabsoomadiisa xasilin doonaan amaanka gobolka Banaadir.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved