|
Ganacsatada Gobolka Banaadir oo
ka cabanaya canshuurta Dowladdu ku soo rogtey Dekedda Muqdisho.
Midowga Ganacsatada gobolka Banadir oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho
ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan go'aanka lagu kordhiyey canshuurtii ay
bixin jireen marka ay lasoo degaan Badeecooyinka.
Afhayeenka ganacsatada gobolka Banadir Cabaas Max'ed Ducaale oo u waramay
warbaahinta ayaa sheegay in kulan ay maanta yeesheen ay uga doodeen
canshuuraha dowladda KMG ah ay amartay in ay bixiyaan ganacsatada
gobolada Banadir, taasoo wax weyn ka duwan tii horey looga qaadi jirey.
Ganacsatada gobolka Banadir ayaa sheegay in loorka sokorta ah horey looga
qaadi jirey 1 dollar halka haatan laga qaadayo lacag dhan 3.6 dollar, taasoo
uu sheegay in ay mid xad dhaaf ku ah howlahooda ganacsi.
Afhayeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray in ganacsatada ay diyaarinayaan
kulamo ay la qaataan Mas'uuliyiinta dowladda KMG ah ee Somalia si ay ugala
hadlaan lacagaha canshuuraha oo ay ku sheegeen in ay tahay mid xad dhaaf ah.
Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli shalay wasiirka ganacsiga
dowladda KMG ah C/laahi Axmed Afrax uu ku war galiyay ganacsatada in wax
weyn laga badalay lacagihii Canshuuraha horey looga qaadi jirey
badeecooyinkooda, ka dib shir weyn oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horreysey ee ganacsatada gobolka Banaadir si toos ah cabasho
uga muujiyaan nidaamka Canshuurta ee waxyaabaha ay soo dajiyaan gaar ahaan
alaabada ka soo degta Dekedda weyn ee Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |