Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Cali Maxamed Geeddi oo la kulmey xoghayaha guud ee Qm Ban Ki-Moon

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon ayaa Kulan ku yeeshey waddanka Sucuudiga iyagoo shirkoodaas kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.


Ban Ki-Moon ayaa u sheegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya inay soo celiaan nabadda Soomaaliya; gaar ahaan Muqdisho, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay qabato shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya.


Kulankaan ayaa waxaa la sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu warbixin dheer ka siiyay xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay xaaladda dalka Soomaaliya uu haatan marayo, waxaana Ra’iisul wasaaruhu uu ka codsadey beesha calaamka inay qayb lixaad leh ka qaadato nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo kaalmeynta dadka Soomaaliyeed
 

Ra'iisal wasaare  Geeddi ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kan la mid ah la yeeshay xubno ka tirsan Midowga Yurub Javier Solana iyo Lewis Michel oo isaguna u qaabilsan EU-da xiriirka dibadda iyo dhanka gargaarka, waxayna si weyn uga wada hadleen sida wararka ka imaanaya Riyad ay sheegayaan xaaladda dalka Soomaaliya iyagoo isku afgartay in Midowga Yurub uu taageero ballaaran siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu guulaysato howlaha ay ka waddo dalka Soomaaliya.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved