|
Kulan Muqdisho ku dhexmarey
odayaasha dhaqanka iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo burburey
Kulan galabta magaalada Muqdisho ku dhex maray qaar ka tirsan beelaha
Hawiye iyo saraakiisha ciidamada dowladda Itoobiya oo daba joogay kulan hore
ayaa mira dhal noqon waayay.
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen odayaasha beel ka tirsan beesha Hawiye iyo
Saraakiil ka socotay ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ay sheegeen saraakiishii
Itoobiyaanka ee kulankaasi ka qeybgalay in ay ka noqdeen qorshihii hore ee
heshiiskii Khamiistii isla gaareen odayaashan waxayna saraakiishu ay
sheegeen in howlo guri guri lagu baarayo ay ka bilaabayaan magaalada
Muqdisho.
Axmed Diirire oo ah afhayeenka odayaashan sheegta beelaha Hawiye ayaa waxaa
uu sheegay in saraakiisha Itoobiya ay ku qanci weyday heshiiskii horay ay u
wada gaareen ee ahaa in xabada la joojiyo lana kala qaado ciidamada, wuxuuna
Axmed Diiriye uu sheegay in ay ku adkeysteeen Itoobiya in guri walba oo
magaalada Muqdisho ay baarayaan, walow saraakiisha ciidamada Itoobiya aysan
sheegin xiliga howlgalkaasi bilaabanaya.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa waxay sheegeen in ay ku qanci waayeen
howlaha iyo falalka maliishiyooyinka beelaha ay wada hadalka la galeen ay ka
wadaan, waxayna sheegeen in howlgalada ay fulinayaan aysan cidna ka
heybasaneyn oo ay fulinayaan.
Odayaasha beelaha qaarkood ayaa ka biyo diiday howlgaladaasi waxayna
sheegeen in aysan aqbaleyn arrimaha la isku hayana ay yihiin arimo
siyaasadeed.
Kulankan oo ah kuu labaad ayaa natiijo la'aan ku dhamaaday iyadoo la filayo
howlgal ay ciidamada Itoobiya ka bilaabaan magaalada Muqdisho saacadaha soo
socda.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |