|
Qunsulkii hore ee Soomaaliya u
fadhiyi jrey Abu Dabay ayaa lagu diley Muqdisho.
C/naasir Axmed Aadan Seerjito Qunsulkii hore ee Somalia u fadhin jirey
Dubai iyo nin kale ayay dabley hubeysan maanta waxa ay ku dileen agagaarka
Tree biyaano ee magaalada Muqdisho.
Warar laga soo xigtey Qoyskii marxuumka ayaa caddeynaya in dilkaasi uu
dhacey iyadoo aan la garaneynin ciddii geysatey falkaasi waxaana la
sheegayaa in wali la raradinayo ciddii ka dambeysay dilkaasi.
Marxuum Seerjito ayaa lala dilay nin kale oo ay wada saarnaayeen gaariga,
iyadoo dableydii falkaasi geysatay ay ka baxsadeen halkaasi, isla markaana
ay horey u sii qaateen gaarigii ay wateen raggii la diley.
C/naasir Serjito ayaa ahaa qunsulkii hore ee Somalia u fadhin jirey Dubai,
xilligii dowladdii Carta, isla markaana ahaa Xoghayihii gaashaandhigga USC
xilliyadii 90 meeyadii.
Wali lama garanayo ciddii falkaasi ka dambaysey waxaana socda baaritaano
hoose oo ku saabsan sidii loo ogaan lahaa dadkii diley qunsulka iyo ninkii
la socdey. Dilalka ayaa ku soo badanaya guud ahaan Soomaaliya gaar ahaanna
Muqdisho waayadan dambe.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |