|
Shir lagu soo dhaweynayey
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo ka dhacey Minneapolis.
Xaflad aad u balaadhan oo si aad ah loo soo abaabulay laguna soo
dhaweynayey Safiirka Soomaalia u fadhiya Dalka Itoopiya isla markaana
ah wakiilka Midowga Africa u jooga Dowlada Soomaaliya Danjire Cabdikariin
Faarax Laqanyo ayaa lagu qabtey Magaalada Minneapolis.

Danjire Abdikarin Laqanyo
Kulankan oo ay isugu yimaadeen Qeybaha kala gadisan ee jaaliyada ku nool
Gobalka waxa soo abaabulay ururka Midnimada Soomaaliyeed Xurirtiisa
Minneapolis.
Masuuliyiintii goobtaas ka hadashay oo aad u badneed waxay dhamaantood ku
nuux nuuxsadeen baahida loo qabo in dalka Soomaaliya laga saaro dhibaatada
dheeraatay ee ku soo noq noqanaysay mudada ku dhow 17ka Sanadood isla
markaana dowlada KMG ka ah lataageero waxay qalad gashana laga saxo.

Waxa ugu horeyntii ba hadalka furay Mudane Cabdirisaaq Duceysane oo ka
tirsan Ururka ay leeyihiin Jaaliyadda Minnesota isagoo halkaasi ka jeediyey
hadalo uu ku soo dhaweynayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa
Mudane Laqanyo, Intaa ka dib waxaa hadalkii qaarey madaxa golaha
Midnimada Soomaaliyeed Mudane Maxamed Abuukar, oo in badan ka hadley
sida ay lama huraamka u tahay in dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo Nabad
waarta waxaana uu sidoo kale si diirran ugu soo dhaweeyey danjiraha
Kulankaasi iyo Magaalada Minneapolis waxaana uu sheegey inay mar walba soo
dhaweeyaan Madaxdaq Dowladda ee Dalkan timaadda waxaana uu sheegey inay mar
walba masuuliyiinta siiyaan talooyinka ay u arkaan inay dan u tahay
maslaxadda Umadda Soomaaliyeed.
 
Dahir Mire Jibril
Abdirahman Maleesiya
Wuxuuna shacbiga ku booriyay in aan marmar siiyo laga dhigan Ciidamo
Itoobiya ayaa dalka soo galay"waa in runta la qaabilaa Dhibka Soomaali ka la
kaxeeyeyna waa in hoos loo fiiriyaa oo wixii laqabo shiraraka Dowladu ku
baaqday laga sheegaa si aan dhiig ku daadan loogu heshiiyaaa" ayuu maxamed
abuukar Ku soo gaba gabeeyey Hadaladiisii.

Kadib waxa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Abwaanka caanka ah ee
Soomaaliyeed Maxamuud Cabdulahi Singub waxaana uu abwaanku sheegey inuu asal
ahaan kasoo jeedo Gobolada Soomaalida Ee Itoobiya gumeysato (Ogaden) waxaana
uu sheegey inay dhibaato tahay in la isku khaldo Qaddiyadda Ogaden iyo tan
Soomaaliya, waayo Soomaaliya oo dagta Dawladna yeelata ayey dani ugu jirtaa
dadka ku dhaqan gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Abwaan Singub waxaa uu ku nuuxnuuxsadey in Soomaalida aysan wakhtigan la
joogo u baahneyn mucaarad iyo muxaafid sababtuna waxaa uu ku sheegey in
arrimahaas ay yeelan karaan dad noloshoodu ay habeysan tahay oo nabad iyo
nidaam shaqeynaya haysta isla markaana mucaaradnimada ay tahay mid wax lagu
dhisaayo ee aanay ahayn mid wax lagu burburinayo.
Mudane Singub waxaa uu habaarey ninkii dan gaar ah u burburinaya danta guud
ee Soomaaliyeed.

Intaa ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya
Midowga Afrika Mudane C/kariin Faarax Laqanyo isagoo si faahfaahsan uga
sheekeeyey marxaladihii ay soo Martey Dowladda KMG ah gaar ahaan waxyaabihii
dhex marey dowladda iyo hogaamiye kooxeedyadii ay is khilaafeen iyo arrintii
soo dhexmartey dowladda KMG ah iyo Maxaakiimtii Islaamka ee Muqdisho waxaa
kale oo uu si baahsan uga warramay horumarka ay ku tallaabsatey Safaaradda
Soomaalida ee ku taalla Addis Ababa waxaana uu sheegey inuu ku guuleystey
inuu dhiso xarun weyn oo ay leedahay Safaaraddu isagoo sheegey in
dhismahaasi oo burbursanaa shaqana ay ugu dambaysay sanadkii 1978kii ay
hadda si habsami leh shaqadu uga socoto uu yahay xarun lagu faani karo
isagoo sheegey in kharashkii ku baxay qaarkiis uu isagu jeebkiisa ka bixiyey
iyadoo qeybta kale ay bixiyeen hay'ado iyo dowlado saaxiib ah.

Mudane Laqanyo waxaa uu ugu baaqey dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku nool
inay dalkii dib ugu soo laabtaan oo ay aqoontooda iyo Maalkooda uga
faa'iideeyaan walaalhooda dalka ku nool waxaa kale oo uu sheegey inay
Xafiisyadii Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika laga furayo dalka
Soomaaliya loona baahn yahay aqoonyahanadii ka shaqeyn lahaa oo hawlahaas
qaban lahaa.


Safiirku Mar uu ka hadlayey Ciidamada Itoobiya waxaa uu sheegey in intii
badnayd ay dalka ka baxeen iyadoo ciidankii Afrikana cutubkii 3aad ay dalka
imaanayaan Maalmaha soo socda waxaa kale oo uu sheegey in ciidanka Itoobiya
ay baxayaan sababta ay u joogaanna ay tahay nabadgelyada oo xumaatey gaar
ahaan Muqdisho waxaana uu sheegey in dadka doonaya inay la dagaalamaan
ciidanka Itoobiya ay sii dheeraynayaan Joogitaankooda waxaana uu sheegey in
haddii nabaddu ka hiorgasho Soomaaliya aanay jiri doonin hal askari oo
shisheeye ah joogi doona.

Guud ahaan shirkaasi ayaa ahaa mid u dhacey jawi wanaagsan waxaana ugu
dambayntii safiirka lagula dardaarmey inay ku dadaalaan sidii dowladdu ay
dalka uga hirgalin lahayd nabad waarta oo qof walba uu ku noolaan karo kuwa
dibadda ku maqana ay u soo xiisi karaan.
Abdifataah M. Abdinur
Minneapolis, Minnesota
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |