|
Colaada Somaliland
iyo puntland oo faraha ka sii baxaysa
Xiisadaha colaadeed ee
u dhaxaysa Somaliland iyo puntland ayaa sii xoogaysanaya, illaa intii
dagaalka Mogadishu ka qarxay waxaa soo muuqda sida maamulka Somaliland
uga xunyahay dagaalka ay DFS iyo ciidamada
Ethiopia ay ka wadaan koofurta soomaaliya.
Inkastoo aanay si muuqata ugu jawaabin marka laga reebo xisbiyada mucaaradka
ee Somaliland sida Kulmie iyo UCID oo si cad ugu dhaleeceeyay Ethiopia iyo
DFS waxa ay ku tilmaameeen xasuuqa ka socda muqdisho, hadana maamulka
Riyaale kama soo saarin go’aano muuqda oo aan ka ahayn in wadahadal lagu
dhameeyo khilaafka xamar.
Dabcan aad ayaa loogu
diirsaday hadalada Siilaanyo iyo Faysal cali waraabe ay kaga hadleen
dagaalka Muqdsho,hadana maamulka Hargeysa waxaa laga filayay howlo intaa ka
badan oo ama lgu taagerayo dagaalka Koonfurta soomaaliya ama ay si buuxda
uga soo horjeestaan.
Laakiin amuurtaas waxay
dhab noqotay markii uu maamulka soomaliland wafti ka socda wasiirada
Hargeysa ay u soo direen goobaha Dhahar iyo Buuhoodle oo abuurtay xiisad
aanay jeclaysan Puntland iyo taageerayaasha Abdullahi Yusuf. Arintani waxay
ka turjumaysaa in xukuumada riyaale oo faruuraha xanaaq la qaniinsan ogna
hadii Cabdullaahi yusuf ku guuleysto koonfur inay noqonayaan cida ku xigta
ayay qaadeen talaabooyinkan dhaliayay iska horimaadka. Iyagoo taas og hadana
dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Hargaysa wuxuu ahaa mid kooban oo aad gaabis u
ah marka loo eego xaaladaha adag ee ku hareereysan taasoo ay ku adagtahay
inay dhexdhexaad ka noqdaan amuuraha cakiran ee geeska africa
Wajiga wasiiro u
dirista Buuhoodle iyo Sanaag ayaa ah qaab cusub oo ay Somaliland
ku taageerasyo kacdoonada muqdisho ka socda ee ka soo horjeedo DFS iyo
Ethiopia. Inaksotoo somaliand cabsi
aad u badan ka qabto Ethiopia hadana waxaa ku adag inay daawadayaal ka
noqdaan colaada somaaliya. Somaaliand waxay keentay soohdinta ay puntland
isku hayaan ciidamo laxaad leh oo ay uga gol-leedahay in lagu culaysiyo
puntland si aanay kansho fara badan ugu hellin ama aanay u taakulayn
dagaalada muqdsho, waxaa taas ku lamaan inay ka faa iidaysato fursdaha furan
ee hada ka muuqda xuduudaha khilaafka ba’ani hadheeyay.
Todobaadkii ugu darnaa
ee dagaaladu ka socdeen Muqdsho ayaa maamulka Somaliland wauxuu qaaday
talaabo diblpmasiyadeed, oo ay ku raadinayaan aqoonsi, iyadoo ay dhici karto
in saaxiibada qarsoon ee Somalind kala taliya dhinaca siyaasada u tuseen in
xilligan haboontahay inay wadamada africaan ka ah u diraan wufuud aqoonsi
raadis ah, midaas oo siyaasiyan waqtigan gaar ahaan xilligan oo xamar ka
socdo dagaal culus oo lagu tilaami karo xasuuq ba’an laga wanaagasanaa, si
aan loogu qaadan inay ka faaiidaysnayaa xasuuqa xamar halkii ay xamar
taageero ka sugaysay maamulka Hargasya.
Hadii si kale loo
yiraahdo waxaa howsha aqoosiga Somaliland xudun u ah wadahadal si toos u ah
u dhexmara maamulka ka dhasha Muqdsho iyo Hargaysa kaasoo hadii uu aqoonsado
u furaysa iridaha caalamka, marka inta ayna taasi muuqan waxaa dadbadani u
arkaan in xaalada aqoon raadiska Somaliland wali cakirantahay, waase dhici
kartaa in wadamada africaanku ku kala mooqif duwanaadaan qaabka guud ee
Somalia midnimadeeda ku aadan.
Si kastsba ha ahaatee
talaabada isku dhaca hadda ee Somaliland iyo puntland ayaa Muqdsho ka
yareynesa culays dhinaca ciidanka ah, maamulka puntland oo si xoogan ula
safan dowlada kumeel gaarka ah iyo ciidamada Ethiopia ayaa waxay ku
mashquuli doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xiisadahan colaadeed ee
ka soo cusboonaaday sool iyo sanaag, midaas oo aan u suurto galindoonin inay
taakulayn badan u diraan dagaalada muqdsho.
Dowlada ethiopia ayaa
laga yaabaa inay saarto culays laxaad leh dhinaca Somaliland, waxaana dhici
karta in Ethiopia si buuxda ugu hanjabto dhaqadhaqaaqa ciidan ee maamulka
Hargeysa ka wado soohinta puntland, maadaama ay Ethiopia isu aragto in
labada maamul puntland iyo soamaliland ay iyadu u hayso majaraha. Laakiin
waxaa jira in Ethiopia aanay siyaasad qarsoon ka dhigin taageerada ay
cabdullahi yusuf siinayso, taas oo hadii la fasiro noqon karta inay dhinac u
badatay marka loo eego khilaafka puntland iyo somaliland u dhaxeeya.Hadii ay
taasi dhab tahay Somaliland waxa laga filayay dhaqadhaqaaq siyaasadee iyo
inay xaalada ku sameeyaan rogrog fara badan, oo aanay Ethiopia waxba ka
sugin, taasoo illaa hada laalan marka laga reebo dagaaladan soo cusboonaaday
ee aagaga sool iyo sanaag ka furmay midaasoo saameeyn ku yeelanaysa xiriirka
Ethiopia iyo Somaliland iyo waliba dagaalka muqdsho.
Xagga kale Somaliand
xiriirka ay leedahay Jabuuti ma aha mid wanaagsan lagumana tilmaami karo
caadi, sababo la xiriira gooni isutaaga iyo kala goynta somaliya oo laga
yaabo in Jabuuti ka biyo diidantahay, taas ka sakow waxaa jira tartan
dhinaca dhaqaalaha iyo dakadaha ah, waxayna midaasi abuurtay kala fogaan iyo
shaki aad u weyn oo u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland, mana jiraan illaa iyo
hada xal laga gaaray ama isu soo dhawaansho la taaban karo oo hada jira,
inkasta oo aan sababaha aan kor ku soo sheegnay ku kala duwanyihiin Jabuuti
iyo Haragaysa hadana waxaa jiri karayay mooqifyo dhowr ah oo ay isga mid
yihiin sida amuurta Somalia oo labaduba ka xunyihiin joogitaanka ciidamada
shisheeya iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin, midaas oo aan
maamuladan ay ku adagtahay in laga wada shaqeeyo waxa laga midaysan yahay.
Xiriirka Somaliland iyo
Ethiopia ma ahan mid xun, mana jiraan khilaaf u dhaxeeya Somaliland iyo
Ethiopia balse xuduuda Somaliland iyo Ethiopia waxaa inta badan ka taliya
ururka ONLF oo dowlada Ethiopia dagaal hubysan kula jira. Is afgaranwaa
ba’an ayaa in mudo ah u dhaxeeyay ONLF iyo maamulka Somaliland, waxayna
somalida Ogadenia is tuseen in maamulka Hargeysa si toos ah ula saftay
Ethiopia, iyadoo dadbadan lagu xidhxidhay gudaha Somaliland taasoo lagu
eedeyay inay ka soo horjeedaan dowlada Ethiopia, waxay amuurtani dhalisay in
baabuur badan lagu gubay gudaha somalida Ogadenia, saameyn xoogana ay ku
yeelatay isu socodka ganacsiga labada qaybood.
Wali xiisadaa way
taagantahay mana jiraan wax isfahan ah u dhaxeeya labada dhinac, mida kale
waxaa muuqata in dana badan oo dadk afka soolaamiga ku hadla kaga lumay
xilkasnimo daro iyo is jiidjiidad aan macno badan lahayn, waxaa midaas kuu
cadayn kara, sida maamulka magaalada Adisababa u hogaaminya siyaasada
madaxda iyo msauuliyiinta ka jira umada afsoomaliga ku hadasha iyo sida ay
isugu mashquulsanyihiin. Waxa Males Zanawi u suurto gashay in inta badan
horjoogayaasha Somalida qaabab kala duwan ula dhaqmo isagoo ku kasta tusaya
dano aan meel fog gaarsiisnayn, qidadaas waxy u sahashay in inta ka soo
horjeeda aanay yeelan awood muuqata oo ay ku caabin karaan taliska Adisababa.
Dhanka puntland iyo
Somaliland waxaa kor u sii kacaya colaada iyo khilaafka gacan ka hadalka,
waxaanan amuurtan u iftiiminaynaa arinka in xiriirka ay Somaliland la
leedahay xuduudaha jaarka la ah u muuqdo mid u baahan dib u eegis
cilmiyaysan, waxaanad moodaa in maamulka somaliand ay xilligan haboontahasy
inay inay fiiro gaar u yeeshaan xiirirada jaarkooda si qaar ka mid ah ay
isugu dayaan inay hagaajiyaan taasoo door-weyn ka qaadanaysa mustaqbalka
Somaliland iyo danaha siyaasadeed, dhaqaale ay ka yeelan karaan amuuraha
geeska Africa.
Waa dhab inay
Somaliland nabad tahay waxyaabo
badana u qabsoomeen, waxaadse moodaa inuu ka maqanyahay Rogrog badan oo
dhinaca siyaasada ah taasoo salka ku haysa hadba xaalada ama duruufaha adag
ee soo wajaha iyagoo markay ugu yartahay mid kamid ah dadyowga jaarka la ah
la gala heshiis aan ka leexin hadafka
Somaliland
hiigsanayso. Xilligan xaadirka ah
Somaliland waxaa iska horimaad
hubaysani ka dhexeeyaa puntland oo salka ku hayso dowlda federaalka ah
haysatana taagero caalmi iyo Ethiopia
oo diyaar ula ah mid military, xooga iyo dhaqaalaha Somaliland
na waa mid xadidan, marka la barbardhigo
Ethiopia iyo dowlada ku meel gaarka ah,
Taas micnaheedu ma ahan
inay gacmaha laabato oo ay ka noqoto daawadayaal waxa ka dhacay somaliya,
balse waxaa laga rabaa maamulka riyaale hormuudka u yahay inay fahmaan
hanaanka dhabta ah ee waqtigan ka jira mowqifka dalalka Africa ka qabaan
soomaaliya sida, wadamada Ereteria, Sudan, Jabuuti iyo south Africa oo
dhinaca si buuxda uga soo horjeeda faraglinta ciidamada shisheeye ee
soomaaliya iyo dhanka kale oo ah Ethiopia, Kenya, Ugandha oo iyaguna dhinac
ah aaminsana in xoogaga ka soo horjeeda Dowlada ku meel gaarka ah awood lagu
maquuniyo.
Hadaba marka la isku
soo wada duubo Puntland waxay qaadtay mowqif cad oo ay ku taageerayso
Maamulka Cabdullahi yusuf iyadoo u aragta danta Puntlant inay ku jirto
dhinaca xulufada Ethiopia gadhwadeenka u tahay iyo cabdullahi yusuf oo ka
soo jeeda shaqsiyan gobolka puntland waana tantaa mid mar walba General cade
musse hiil iyo hooba ula garab taaganyahay dowlada ku meelgaarka ah. Sidoo
kale Soomaliland waxaa la gudboon in gaashaan buurahan Africa ee ku kala
duwan aragtida mid ka mid ah raacaan, runtiina waa xilli aad ugu adag
maamulka magaalada hargeysa waqtigan, waxaanse isu qaban doonin inay
ilaaliyaan xiriirka Ethiopia iyo u dhaxeeya Somaliland oo aan u muuqan mid
labada dhinacba ka faa’iidaan kaliya dan u ah Ethiopia oo aan dhexdhexaad ka
ahayn khilaafka Puntland iyo somaliland.
RSTV USA
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |