Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Thursday April 03, 2008

Beelaha Gabooye oo sheegey in aaney ka helin saamigoodii xisbiyada Somaliland.

Beesha Gabooye ee Gobolka Togdheer ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegay inay xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada qarankaba ka waayeen xuquuqdoodii ay xaqa u lahaayeen, sidaa darteed aanay ka qaybgalayn doorashada soo socda, isla markaana maalinta doorashadu dhacayso ay mudaharaad ay muujinayaan dareenkooda samayn doonaan.

Bayaankan oo ay ku socodsiiyeen Madaxweynaha, Golayaasha Qaranka, saddexda xisbi qaran iyo salaadiinta, cuqaasha, culamaa'udiinka oo ay ku saxeexnaayeen in ka badan sodon xubnood oo isugu jira salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Gabooye waxa uu dhignaa sidan:

"Haddii aanu nahay Salaadiinta, Cuqaasha, waxgardka iyo dhallinyarada beesha Gabooye ee kala degan Togdheer, Saaxil, Sanaag, Sool, Buuhoodle iyo Oodweyne shir ballaadhan oo aanu ku yeelanay magaalada Burco, socdayna muddo toddobaad ah waxaanu go,aan ku gaadhnay qodobaddan.

1-Mar haddii aanu ka waynay Somaliland ka waynay xuquuqdayadii dhinac kastaba waanu qaadacaynaa doorshada soo socota.

2-Maalmaha doorashadu dhacayso waxaanmu dhigaynaa mudaharaadyo nabadgelyo oo aanu ku muujinayno dareenkayaga.

3-Xukuumadda waxaannu kaga cabanaynaa in aanay na siin qaddarintii iyo saamigii aannu ku lahayn talada dalka oo layska indho-tiray. Tusaale ahaan; kuma jirno guddiyada doorashada, diiwaangalinta, guddiyada horumarinta gobollada iyo iwm.”

Xubnaha ku saxeexnaa Bayaankaa waxa ka mid ah:

Suld.Saxardiid Faarax Budeeye

Suld.Nadiif Saydh Jibriil

Chief Aadan Muxumuud Diiriye

Chief Maxamed Xirsi Axmed.

Caaqil, Ismaaciil Odowaa Saalax

Diraac Odawaa Cali

Kayse Saleebaan Dakhare

Cabdiraxmaaan Maxamed Jaamac

Muuse Maxamed Samriye

Cabdillaahi Xaaji

Iid Cali Jaamac

Cabdillaahi Saalax Cali

Nuur Maxamed Shabeele

Aadan Maxamed Yuusuf

Maxamed Xuseen Caydhaf

Ismaaciil Xirsi Axmed

Jaamac Saleebaan Tubeec

Xeef Maxamed Jaamac (Dalbac)
 

 

Kaariye Xirsi Samatar,
Afhayeenka Beelaha Gabooye
 iyo xubno kale oo badan.
 

 

 

Xigasho:jamhuuriya

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved