Tuesday April 15, 2008
Madaxweyne Bush ayaa soo dhaweeyey Pob-ka
Masiixiga oo booqanaya Ameerika.
Madaxweynaha Mareykanka George Bush oo ay la socoto afadiisa Laura
ayaa si diiran u soo dhaweeyey Pope Benedict XVI oo isaga Maanta soo gaarey
dalka Mareykanka ioo uu socdaal maalmo ah ku joogi doono.
Pob-ka oo kasoo dagey garoon ay leeyihiin ciidamada cirka ee Mareykanka
oo lagu magacaabo Andrew Air force Base kuna yaalla Maryland ayaa waxaa
halkaasi kaga hortagay Madaxweyne Bush waana markii ugu horreysay ee Bush uu
meel ka baxsan Washington ku soo dhaweeyo qof madax ah oo ka socda dalalka
dibadda sida caadiga ahna M/weynaha Mareykanku garoonka kuma soo dhaweeyo
madaxda kale ee dunida.
Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegey in sababta Bush uu
sida weyn ugu soo dhaweeyey Pop-ka ay tahay isagoo ogsoon in dalka
Mareykanka ay ku nool yihiin dad badan oo Catholic ah uuna doonayao in
dadkaasi ay ku soo xirmaan ama si fiican ugu soo dhawaadaan xisbigiisa
iyadoo lagu jiro sanadkii doorshada Mareykanka.
Dad badan oo taagnaa wadada ayaa markii uu wadaadku galayey baabuurkii
loogu talagaley waxay ku qeylinayeen erayo duco iyo soo dhaweyn isugu jira
waxaana ka mid ahaa iyagoo lahaa dhalasho wacan iyagoo ula jeeday wadaadka
oo 81 jirsadey Arbacadii ina dhaaftey.
Pope-ku waxaa uu joogi doona Mareykanka 6 maalmood waxaana uu hadal
kajeedin doonaa xarunta QM oo lagu qaban doono xuska 60 guurada xuquuqul
insaanka waxaana la filayaa inuu ku baaqo in aan la adeegsanin xoog milatery
marka ay dhacdo arrin la isku khilaafo.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |