Sunday April 13, 2008
Cadaado oo mar kale gashey gacanta
kooxaha dowladda ka horjeeda.
Xoogag hubeysan ayaa soo galey gudaha magaalada Cadaado oo maalmo ka hor
ay dagaalo ka dhaceen waxaana la sheegayaa in ciidanka soo galey magaalada
ay yihiin kuwii maalmihii ina dhaafey qabsadey Cadaado.
Imaatinka ciidankan ayaa la sheegey inay keeni karto dagaal ay kala hor-
yimaadaan ciidamad Itoobiya oo iyagu halkaasi ku sugnaa maalmahan kuwaasi oo
degaan ka sameystey meesha lagu magaabo Balli Higis oo ku dhaw magaalada
Cadaado.
Si kastaba ha ahaatee dadka degaanka ayaa waxaa lasoo daristey cabsi aad
u badan waxaana la arkayey magaalada oo ay dadku ku xaroonayaan guryahooda
markii ay arkeen ciidanka soo galey magaalada, sidoo kale waxaa albaabada
loo laabey goobihii ganacsiga ee ku yaalley magaalda Cadaado.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |