Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday April 12, 2008

Ciidamada Itoobiya oo gaarey magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gawaarida Dagaalka ayaa gaarey magaalda Jowhar ee gobolka Shabelaha Hoose, ciidamadan ayaa waxaa ay ka yimaadeen sida la sheegey magaalada Afgooye.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa imaatinkoodu waxaa uu ka dambeeyey ka dib markii maalmihii ugu dambeeyey magaalada Jowhar aaney ka jirin wax maamul iyo kala dambeyn ah taasina ay keentey dagaallo soo noqnoqda oo dhexmara ciidamao taageersan Maxaakiimtii la ridey iyo maamulka Shabeelaha dhexe.

magaalada Jowhar ayaa waxay ahayd meel lagu bartey degenaan iyo nabad gelyo ayna ku soo jirtey muddo dheer oo uu maamulkeeda hayey Maxamed Dheere oo isagu halkaasi ka sameeyey maamul u shaqeeya sida dowlad oo kale waxaase xaalka Jowhar uu isbadaley markii Maxamed dheere loo magacaabey inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo uu ilaa hadda hayo.

Lama garanayo muddada ay ciidamad aItoobiya joogi doonaan Jowhar waxaase la filayaa inay halkaasi ku nagaadaan ilaa inta ay ka hubsanayaan in ay dhamaatey khatarta dagaaladii maalmahan ka socday agaagaarka Jowhar.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved